Dr Dhuubane

Dr Dhuubane you will get all medical books and some soft images

Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Badiya Shahwada RaggaDhalmo la’aanta ragga waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caqabadda ugu ...
08/03/2023

Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Badiya Shahwada Ragga
Dhalmo la’aanta ragga waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caqabadda ugu wayn ee soo wajahda lammaanaha doonaya inay ilmo dhalaan. Inkastoo sababo kale ay keeni karaan dhalmo la’aanta ragga, haddana sababta ugu wayni waa tirada shahwada ragga oo hoosaysa. Caafimaadka iyo qaab nololeedka waxay saamayn wayn ku leeyihiin tirada shahwada ragga. Sidoo kale sigaarku waxuu yareeyaa tirada iyo awoodda shahwada.

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo.

Saamaynta cuntada iyo qaab nololeedku ay ku leeyihiin dhalmo la’aanta ragga
Haddii cunno qaadashadaada ay ku badan yihiin cunnooyinka warshadaysa,n macmacaanka, saliidaha caafimaadka u daran waxay si wayn hoos ugu dhigaysaa tirada shahwadaada, sidoo kale fadhiga badan iyo jimicsi la’aantu waxay yaraynayaan xaddiga iyo tayada shahwadaada.

Haddii adiga iyo xaaskaaga aad isku dayseen inay uur qaado, balse biyahaagu ay yaryihiin, isbedel aad ku samayso cunnadaada iyo qaab nololeedkaaga adigoo ku daraya cunnooyinka shahwada badiya iyo jimicsiyo ayaa wax wayn kuu tari karta. Waa kuwaan cunnooyinka shahwada badiya:

Koostada:
Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada waxay qani ku yihiin maadada folic acid, taas oo kordhisa caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa shahwada. Cunistada koostada oo la joogteeyo waxaa la aaminsan yahay inay badiso shahwada.

Ukunta:
Ukuntu waa mid ka mid ah ilaha ugu fiican ee laga helo barootiinta. Ukuntu waxay u wanaagsan kordhinta shahwada. Barootintu waxay ka mid tahay waxyaabaha ay shahwadu ka kooban tahay, cunista barootin tayo leh waxay kor u qaadaa tirada shahwada.

Shukulaatada madow:
Sonkorta cad waa cadowga koobaad ee shahwada. Dhinaca kale, shukulaatada madow, waxaa ku badan asiidhada amino, waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Toonta:
Toontu waxay ka mid tahay cunnooyinka ragga uroon, waxaa ku jiro waxyaabo kordhiya tirada shahwada. Toonta waxaa ka buuxo fitamiin B6 iyo selenium oo ka hortago in waxyeello soo gaarto shahwada.

Mooska:
Moosku wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C, cuntiisa oo la joogteeyana waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Lawska:
Lawska waxaa ka buuxo dufanka omega 3 kaas oo kordhiya qulqul wareegga dhiigga ee xiniinyaha taas oo badinaysa shahwada.

Rummaanka:
Rummaanka wuxuu ugu horreeya cunnooyinka kordhiya hammada, wuxuu kaloo kordhiyaa xawada iyo tayada manida. Rummaanka waxaa ku badan walxaha sunsaarista kuwaas oo kor u qaada heerka hormoonka testosterone, hagaajinaya tayada manida, islamarkaana kordhiyo rabitaanka galmada.

Lohodka (oysters):
Lohodka waxaa ku badan macdanta zinc oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta iyo heerarka testosterone. Macdanta zinc oo jirka ku yaraata waxay keentaa dhalma la’aanta ragga.

Cunnooyinka lagu kabay fitamiin D:
Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa iftiimiyay in jirka oo heli waaya fitamiin D iyo kalsiyaam ku filan ay keeni karto in shahwadu ay yaraato. Sidaas darteed fitamiin D iyo kalsiyaam kugu filan oo aad heshaa keliya ma kobcinayso caafimaadka lafaahaaga balse waxay kaloo kordhinaysaa tayada iyo tirada shahwadaada.

Kalluunka salmon:
Kalluunkan wuxuu ka mid yahay cunnooyinka badda kuwa ugu caafimaadka badan. Waxaa ka buuxo dufanka omega 3, sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin B iyo fitamiin D kuwaas oo sare u qaadaya tirada iyo tayada shahwada.

Qaab nololeedyada badiya shahwada:
Jimicsiga:
Jimicsigu wuxuu xal u yahay xaalado badan oo caafiimaad. Wuxuu caawin karaa kordhinta shahwada. Waxaa la ogsoon yahay in jimicsiyada fudud sida orodka ay saamayn togan ku leeyihiin tirada shahwada.

Jooji sigaarka:
Sigaarku waxa uu yareeyaa soo saaridda shahwada ragga wuxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyaha ragga.

Iska yaree cayilka:
Waxaa la aaminsan yahay in cayilka badan oo hoos u dhigi karo tirada shahwada, sidaas darteed miisaanka oo la iska dhimaa waxay ka qayb qaadan kartaa caafimaadka shahwada.

Ka fogow dhafarka badan:
Cilmibaaris lagu sameeyay rag kala duwan ayaa muujisay in ragga seexda 8-da fiidnimo illaa 10-ka habeennimo ay shahwadoodu ugu dhaqdhaqaaq wanaagsan tahay taas oo macnaheedu tahay in shahwadoodu ay ka dabaallasho fiican tahay islamarkaana ay kaga wanaagsan tahay fursadda ay ku bacrimin karto ukun.

Dhinaca kale, ragga seexda 12-ka habeennimo iyo wixii ka dambeeya ayaa la ogaaday in tirada shahwadoodu ay ka hoosayso ragga fiidkii seexda.

Maaree walwalka:
Walwalku wuxuu ka mid yahay sababaha ugu caan ee keena shahwo yarida ragga, maadaama uu faragelin ku sameeyo hormoonnada muhiimka u ah soo saaridda shahwada. Daraasado dhowr ah ayaa tilmaamay in walwalku uu khatar ku yahay tayada xawada iyo manida isagoo saameeya muuqaalka shahwada iyo awoodda bacriminta.

isticmaal cuntoyinkan si ad u hesho qanacsananta sariirta
05/03/2023

isticmaal cuntoyinkan si ad u hesho qanacsananta sariirta

05/03/2023

Cafimadku waa Taaj madaxa noo saaran

24/08/2022

Galmo mala sameyn kara xiliga uurka?
Isku haleyn inte ah aya lagu qaba galmada xiliga uurka?

Waxan halkani tacsiyad tiiranyo leh  ugu direyna dhaman ehelada , qaraabada iyo ummada somaliyed abwanki iyo gabyagi wey...
18/08/2022

Waxan halkani tacsiyad tiiranyo leh ugu direyna dhaman ehelada , qaraabada iyo ummada somaliyed abwanki iyo gabyagi weyna ee maxamed Ibrahim warsame (hadrawi) illahy ha u naxriisto dhamantena way nasugeysaa ina lilah wa ina ileyhi rajucuun.

12/08/2022

Xeelado Ninka U Suurtagelinaya Inuu Si Fiican U Qanciyo Haweeneyda

Ragga badan waxay ka walaacsan yihiin sidii ay gogosha ugu qancin lahaayeen xaasaskooda. Waxay rabaan inay si fican uga qosliyaan xaaskooda dhanka gogosha sidaas darteed waxay raadiyaan habab cusub oo kulanka uga dhigu karaan mid dareen macaan oo la xasuusto.

Haddaba tallaabooyinka halkaan ku xusan ayaa kaa dhigaya nin ku fiican kulanka gogosha oo si wacan u qanciya ooridiisa.

Erayo macaan ku xodxodo:

Erayadu waxay abuuri karaan dareemada sidaas awgeed waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto wixii aad ku dhihi lahayd xaaskaaga. Ku xodxodo hadallo macmacaan, sida inaad u sheegto siday ugu quruxoon tahay dharka ay xiran tahay, ama inaad u sheegto qeybta kuugu soo jiidhashada badan jirkeeda ama inaad cunto karinteeda ammaanto. U sheeg sida aad ugu waalantahay jaceylkeeda aadna u jeceshahay markasta inaad laabtaada geliso,

Samee jimicsi si aad u wanaajiso caafimaadkaaga galmada:

Waxaa jiro noocyo badan jimicsiga ka mid ah oo kordhin kara rabitaankaaga galmada. Waxay kaa dhigayaan qof jir ahaan dhisan waxayna kor u qaadayaa caafimaadkaaga galmo iyo hammaadada. Jimicsiyadaan waxaan ka mid ah socodka iyo jimicsiga kegel.
Jimicsiga Kegel wuxuu caawiyaa murqaha minka ka hooseeyo, kaadihaysta iyo malawadkaba in ay adkaadaan, wuxuu wax u taraa ragga iyo dumarka kaadida iyo shahwada ka fakato ama aan xejisan karin. Jimicsiga kegel waxaa lagu daaweeyaa biyo baxa deg dega ah.

Ku dedaal nadaafadda:

Cadayso, qubayso islamarkaana si carfi. Is-qurxinta iyo iscarfinta waxay wanaajinayaan niyaadada iyo kalsoonidaada, xaaskana way soo jiidanayaan, dumarku aad bey u jecel yihiin udgoonka. Nadaafadda galmadu waxay hoos u dhigaysaa halista xanuunno badan. Waa inaad ku dedaadaashaa nadaafadaada maalin kasta si aadan halis ugu noqon infekshannada.

Samee horudhac:

Galmo aan horudhac lahayn waa sida casho aysan la socon wax la iskaga dejiyo. Horudhacu wuxuu jirka iyo maskaxdaba u diyaariyaa galmo. Dumarka horudhaca ayaa uga muhiimsan galmada, waxay u baahan yihiin in la shumiyo, hab la siiyo la salaaxo si loo loo soo daayo dheecannada subkiya farjiga taas muhiim u ah galmo raaxo leh. Dumarku caadiyan waxay u baahan yihiin waqti ka badan kan raggu ay u baahan si dareenkoodu u kaco.

Waydii waxyaabaha ay jeceshay

Galmada ma ahan wax hal dhinac ah ama hal qof keliya uu samaynayo, waa in labada qof ay kuwada raaxaystaan kuna wada qancaan, sidaas darteed waad inaad ogaatid waxyaabaha ay jeceshahay xaaskaaga iyo qaababka ay ka hesho in loogu raaxeeyo.

U hadiyee dharka hoosta laga xirto:

Ka cajabi xaaskaaga oo iyadoo aan ogayn u soo iibi dharka hoosta laga xirto weliba midabka ay ugu jeceshahay kadibna hadyad uga dhig xilliga galmada. Tani waa mid ka mid ah hababka ugu fiican ee aad kaga cajabin karto xaaskaaga xilliga galmada kulankana aad uga dhigi karto mid wax badan la xasuusnaado

Isku day qaababka kala duwan

Qaababka kala duwan oo galmada loo sameeyaa waxay u yeeshaa dhadhan fiican. Haddii aad hal qaab kaliya u samayn jirtay galmada hadda kadib tijaabi qaabab kale. Waxaa jira qaabab badan oo kordhiya raaxada galmada. Ku dedaal in qaababka aad u samaynayso ay ku faraxsantahay xaaskaaga. Sidoo kale isku day in mararka qaar aad galmada ku samaysaan meelo ka baxsan qolka jiifka oo munaasab ah sida qolka fadhiga haddii aad kaligiiin tihiin.

Dheeree galmada:

Si aad uga hortagto biyo baxa deg dega ah marka aad dareento in biyaha ay kaa imaan rabaan jooji galmada, kadibna dib u biloow. Tani waa farsamo lagu daahiyo biyo baxa, markii aad doontana aad biyo baxayso. Tani waxay kaa dhigaysaa nin ku fiican kulanka gogosha, xaaskaaguna way kugu jeclaanaysaa.

17/03/2022

Waa Kuwee Cuntooyinka Kordhiya Hammada?



Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inay jiraan cuntooyin gaar ahaa oo ka caawinayaa kulanka gogosha.

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda nolol wanaagga iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda (oysters).

Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda.

Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada madow ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa.

Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka digaaga, miraha.

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta.

Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka.

Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan.

Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin.

Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad

28/12/2021

Caabuqa Ku Dhaca Xaniinyaha (Epididymo-orchitis)

Bismillah,

Waxaan maanta casharkaan kaga hadli doonaa caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba’do.

Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa “Orchitis”, mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa (Epididymitis), laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa caabuqaan waxaana markaas loo yaqaanaa (Epididymo-orchitis) Badanaa caabuqa hal xiniin ayuu ka bilawdaa, laakiin labaduba hal mar wuu ku dhici karaa, waana cillad ragga ku badan waxayna badanaa ka dhalataa infekshan ka yimid kaadi mareenka ama lagu kala qaaday galmada.

Infekshanka kaadi mareenka oo xumaaday wuxuu keenaa caabuqa xiniinyaha, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano (E coli)

Cudurrada lagu kala qaado galmada waa kuwa ugu badan ee keeno caabuqa xiniinyaha khaasatan cudurrada Jabtada iyo kalamiidiyaha, sidokle

Caabuqa fayraska khaasatan midka keeno Qaamo-qashiirka (Mumps virus) waa midka ugu badan oo keeno caabuqa xiniinyaha.

Jugtu waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno caabuqaan khaasatan xilliyada ciyaarta banooniga iyo baaskiil wadidda

Qalliinka lagu sameeyo qanjirka ragga ee “prostate-ka” mararka qaar waxaa laga dhaxlaa caabuqaan xiniinyaha khaasatan haddii nadaafadda qalabka qalliinka loo adeegsaday aysan fiicnayn.

Tiibishada ku dhacdo xiniinyaha iyaduna waxay keentaa xanuunkaan, dhakhsane laguma baraarugo.

Yuu ku dhacaa xanuunkaan?
Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da’doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.

Astaamaha lagu garto xanuunkaan:
Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.

Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay, tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun IWM, midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.

Laakiin caabuqaan xininyaha markuu bilawga yahay waxaa lagu yaqaanaa qandho iyo xanuun siyaado ah oo qofku la miirdaboolmi karo xaaladaha qaar.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?

Baaritaan kaadida iyadoo la fiirinayo inuu infekshan kaadi mareenka uu horay kuu hayay, sababne u ahaa caabuqaan xiniinyaha.

Baaritaanka dheecaanka ibta ka yimaado hadduu jiro taasoo astaan u ah xanuunada galmada lagu kala qaado sida jabtida, kalamiidiyaha IWM.

Baaritaanka computer-ka qooraha “Doppler Ultrasound” iyadoo la fiirinayo xaaladda xininyaha iyo xididada soo galo, hadduu barar jiro, haday biyo galeen ama shuuqeen intaba.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Markuu xanuunkaan cusub yahay waa in qofka sida ugu dhakhsiyaha badan saacado gudaheeda lagu bilaabo qallajiyo cirbad ah ama kaneeni iyadoo loo fiirinayo xaaladda qofka heerka ay gaarsiisan tahay, daawaduna waa inay noqotaa nuuca ka gudbo xiniinyaha iyo qanjirka prostate-ka sida: Ciprofloxacin, Levofloxacin iyo kuwa ay isku kooxda yihiin ee loo yaqaano “Quinolones”.
Baaritaan markii la sameeyo kadib haddii la helo jeermis gooni ah oo loo aaneynayo inuu keenay caabuqaan waa in lagula tacaalo daawada shaqada ku leh khaasatan hadday cilladu ka timid xanuun ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado.
Hadduu jeermisku yahay “Virus” sida midka qaamo-qashiirka oo kale, qallajiye waxba k**a taro waa in qofka la siiyo xanuun baab’iye, barar dajiye, qofkuna uu helo nasiino badan, hadduu dhaktharka ka shakkiyo in fayras iyo bakteeriyo labaduba isla socdaan waa in qallajiyo lagu daro daaweynta qaamo-qashiirka xiniinyaha.

Haddii aan la daaweyn maxaa dhacayo?
Xanuunkaan wax ka qabadkiisa waxay ku fiican tahay maalmaha h**e ee caabuqu cusub yahay, hadduu qofku daawo qaadan amaba ku baraarugin inuu dhakhtar u tago, afar mid ayay noqotaa xaaladdu:

In caabuqa u gudbo xiniinta kale oo labaduba saameeyo oo malax gashato qooraha “Scrotal Abscess” taasoo qalliin degdeg ah u baahan.

In caabuqa iskiis u yaraado, laakiin dhibku uu weli jirka ku jiro taasoo ka dhalan karto in xiniinto baaba’do ama shuuqdo markaasoo isu badasho xaaladda loo yaqaano “Testicular Atrophy”, markay xaaladaas timaadane xiniintu way howlgabtaa, shahwadiine hoos ayay u dhacdaa tiro iyo tayo ahaanba, qofkane wuxuu noqdaa madhalays.

Caabuqa oo noqdo mid raago oo xaniintu biyo gashato taasoo iyaduna isu badalayso xaalad kale oo loo yaqaano “Hydrocele”, iyaduna waxaa lagula tacaalaa qalliin fudud oo lagu saarayo biyahaas.

marar dhif ah caabuqa xiniinta wuxuu u gudbaa qooraha iyo inta ku hareeraysan, wuxuuna caabuqaas keeni karaa in xubnaha kale u keeno waxa loo yaqaano “Gangrene” oo ah caabuq si dhakhso ah ku faafo, xaaladaasne waa in si degdeg ah banaanka loogu soo saaro xiniinta inta aysan dhib kale keenin ama isbadalin.

Talo:

Hadduu jiro xanuun infekshan kaadi mareenka “UTI” oo aad la nooshahay in si dhakhso ah iskaga daaweysid inta aysan dhib iyo jahwareer kale kuu keenin

Hadduu jiro cudur ka mid ah kuwa lagu kala qaado galmada oo aad la nooshahay “STI” ama daawo rasmi ah aadan u raadsan waa inaadan xishoon oo aad dhakhtar la xiriirtaa,

Haddii aad isku aragtid barar ama danqasho xiniinta ah waa in si dhakhso ah dhakhtar ula xiriirtaa sababtoo ah xiniintu waa xubin jilicsan oo caabuqa u adkaysan karin si dhakhso ayayne u dhiman kartaa.

Haddii aad aaminsan tahay in xanuunkaan horay kuugu dhacay, xiniintiina ay shuuqday ama yaraatay, waa inaad samaysaa baaritaanka kumbuyuutarka ultrasound-ka weliba nuuca leh “doppler” waana qalab laga heli karo magaalooyinka dalka badankood iyo in shahwada lagaa baaro si loo ogaado awoodaada uureynta, kadib waa laguu sheegi karaa wixii latacaalis ah oo laguu samayn karo.

Aqoon U Yeelo Waxyaabaha Sababa Howlgabka Kacsiga Ee RaggaKacsi la’aan kutimaada ragga waxaa loo yaqaanaa Erectile dysfu...
01/09/2019

Aqoon U Yeelo Waxyaabaha Sababa Howlgabka Kacsiga Ee Ragga

Kacsi la’aan kutimaada ragga waxaa loo yaqaanaa Erectile dysfunction, xaaladaan waxay timaadaa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, xaaladaan ma ahan mid caadi ah iney dhacdo xataa ninka hadu jiro da’ yar am mid weyn, weyna ka duwan tahay xaaladaha kale ee cilad ku keena galmada, sida damac la’aanta galmada, ama ciladaha saameeya biya bixida raga.

Ma wax caadi ah baa iney cilad ku timaado kacsiga ninka ragga?

Xaaladaan ayaa si joogta ah ugu dhacda 5 boqolkiiba ragga jira 50 sano, 15 ilaa 20 boqolkiiba waxay ku dhacdaa ragga jira 65 sano iyo ka badan. Laakin ragga oo dhan waxay dareemaan kacsi la’aan xili yar soo ifbaxda mararka qaar, laakin waa kacsi la’aan jirta mudda gaaban, waxaana sababa daal badan, wal wal badan iyo cabidda khamriga.
Kacsi la’aan ka yar 20 boqolkiiba uma baahna wax daawa ah inta badan, hasayeeshee hadii ay ka badato 50 boqolkiiba waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad oo ubaahan in wax laga qabto.

Sababaha kacsi la’aanta

Si ninka ragga ah uu uhelo kacsi ku haboon galmada waxaa loo baahan yahay:

In dareemayaasha guska ay si wanaagsan ushaqeynayaan

In dhiig ku filan uu gaaro wareega dhiiga ee guska

In xididada dhiiga ay kuhayn karaan dhiig gudada guska

In ay jirto dareen kacsi ee ka yimaado maskaxda

Hadii ay jirto wax fara gelin ku sameyn kara qodobadaas, ninka ragga ah ma heli karo kacsi buuxa oo ku haboon galmo.

Xaaladaha caanka ah ee sababo kacsi la’aanta waxaa ka mid ah cudurada saameyn ku yeelan kara qulqulka dhiiga sida:

Xididada dhiiga oo xirma

Cudurada neerfaha

Xaaldo nafsi ah sida walwalka, walwalka shaqada (xishoodlow)

Dhaawac soo gaara guska,

Cudurada joogtada ah, waxaa kaloo sababi kara kacsi la’aanta sidoo kale daawooyinka qaar.

Maxaan sameeyaa hadii aan qabo ciladaas ama aan xajin karin kacsiga?

Hadii aad isaga shakisid in aad qabtid ciladaas latasho dhaqtar, dhaqaatiirta waxay sameynayaan baritaano badan si loo ogaado waxa sababaayo ciladaada, mar hadii ay ogaadaana waxaa jiro daawooyin loogu talagalay xaaladaha kala duwan.

Laakin waxaa jira waxyaaba aad ubaahan tahay adiga inaad la socodotid waxaana ka mid ah:

Dareenka ah inaad sameysid galmo wuxuu ka soo bilaawdaa maskaxda ee k**a bilaawdo guska

Hadii maskax ay ku mashquul santahay iney xaliso caqabada kale, ma ahan mid suurta gal ah iney ku fikirto galmo

Hadii aad dareentid inaad kacsiga aad gabtay oo aad ka walwashid, waxaa kugu adkaaneysa inaad kacsatid

Hadii shaqada aad qabatid ay tahay mid walwal badan leh waxay maskaxda ka mashquuleysaa amrida kacsiga

Hadii aadan cunin cunno isku dheeli tiran ama aadan cabin biyo kugu filan, jirka waxaa ku adkaaneysa inuu biyo soo saaro

Midda ugu muhiim san ayaa ah inaad ogaatid iney caadi tahay in mararka qaar uu kacsiga lumo, umana baahna inaad ka sii fikirtid ama aad isku walwalisid.

Xigasho: Barocaafimaad.com

kusodhawow oraahyo qurxon noloshana ka cawinaya
26/08/2019

kusodhawow oraahyo qurxon noloshana ka cawinaya

Address

Abdirazak Haji Sidow
Mogadisho
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Dhuubane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Dhuubane:

Share

Category