25/01/2025
Waxaa jiray lix nin oo India ku noolaa oo indhoolayaal ah. Maalin ayaa waxay qabtay oon, kadib waxay soo aadeyn wabigii si ay biyo ugu cabaan.
Markay wabigii imaadeyn, ayaa waxaa ka hor imaaday maroodi isla wabigga biyo ka cabaayay. Kadib waxay ku wareereyn oo isweydiiyeen waxa hortooda taagan.
Ninkii ugu h**eeyay wuxuu taabtay seentii maroodiga, waxuu kadib kuwii kale la wadaagay in waxa hor taagan xarig yahay. Midkii xigay kadib taabtay afkiisa, waxuuna la wadaagay in waxa yahay mas!
Midkii saddaxaad wuxuu taabtay lugtiisa, asna wuxuu la wadaagay in wax hortaagan uu geed yahay. Kii afaraad intuu moroodigii ayuu dhagahiisa soo taabtay, asagoo ku qeyliyay maya waxaan waa marooxad!
Kadib kii ugu danbeeyay ayaa wuxuu asna maroodigii ka taabtay dhabarka iyo caloosha, asagoo dhahay, dhammaan waa qaldan tihiin; waxaan adag oo na hor taagan waa darbi!
Lixdii nin waxay bilaabeyn inay is dagaalaan oo midba ra’yigiisa ku qeyliyo. Cabaar markay qeylinaayeen, ayaa nin meesha soxday kusoo leexday. Kadib waxay ninkii weydiiyeen inuu u sheego waxa hor taagan. Ninkii wuxuu ugu jawaabay; waa maroodi!
Nimankii waxa ay wada dareemeyn micno ayay la yeelatay!
Sheekadaan waa sheeko aan tusaalaysto markasta oo dhigaayo barashada xirfadda wada xariirka. Ahmiyad ugu weyn oo ku jirtana waxaa waye:
Markii aad dad la xariirayso markasta ogow in qofka kala si kasta oo aad u kala fikir duwan tihiin, aysan micnaheeda aheyn inay qaldan yihiin. Laga yaabaa inay fikradooda kaa duwan tahay sababtoo ah waxay isla sheygii kasoo fiirinaayaan dhinac kale.
Kulamaa aad adna maskaxdaada furto oo fursad siiso inaad dhinaca qofka kale dhageesatoo fahamto; kulamaa isfahamka araintaas ay idiin fududaato.
Garta ma ahan yaa saxan, ee waa sidee saxnaan labada dhinac ah u gaarnaa!
Assalamualykum.