30/04/2022
Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keeneysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.
Varicocele wuxuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 90% wuxuu ku dhacaa xiniinta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.
Xanuunkaan Varicocele wuxuu ku dhacaa 15% dhamaan raga, waxaana lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada aasaasiga ah (primary) 20-40% iyo nuuca sare (Secondary) 45-80%.
Xanuunkan wuxuu horseedaa unugyada dhalmada qaabilsan in ey howlgabaan, sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.
Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.
Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.
Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.
Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
* Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
* Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
* Baaritaan xididada arooriyaasha.
Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.
Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuun ahna aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi laga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, hadii aad u baahatid waad igala soo xiriirikartaa.
Hadii qaliin lagu sameeyo dhalmada ma soo laaban kartaa / madhalikaraa ?
- [ ] Haa hadii qaliin lagu sameeyo Varicocele inkabadan 90% waa lagu guuleystaa, bukaankane shahwadiisa wey caafimadeysaa kadibna tarankiisa wuu hagaagayaa.
Caafimaad taam ah ayaan idiin rajeynayaa.
Xuquuqda qormada: SomaliDoc
Kaliya waxyar baan kusoo kordhiyey.
adnan Abdullahi
Abdi aziiz Abdillaahi Moham
Works==at hospital
==== I need allah in my life
==== I am Medical student at
STUDIED==AL HAYAT MEDICAL UNVERSITY
STUDIED==GENERAL NUSING (Bachelor Nursing)
====MODISHU BANADIR SOMALIA
=====in the future i want to be a doctor if allh say