12/02/2026
DALXIIS END SEMESTER – Xeebta Deegaanka Jazeera
Kadib dhammaadka semester-ka, fasalkeena B11B waxaan u aadnay dalxiis end semester ah Xeebta quruxda badan ee deegaanka Jazeera, si aan u nasto, u wada kulanno, uguna dabaaldego dadaalkii iyo halgankii waxbarasho ee aan wada galnay.
Dalxiiskan wuxuu ahaa mid aad u qurux badan, waxaana halkaas ku soo qaadanay maalin xusuus gaar ah leh, jawi deggan, farxad, wadajir iyo is-dhexgal ardaynimo oo qiimo leh. Waxay ahayd fursad aan ku xoojinay xiriirka fasalka, isla markaana aan ka nasanay culeyskii waxbarashada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa ustaad Abdijalil Nor oo si niyad ah uga soo qaybgalay dalxiiskan, kana garab istaagay ardayda fasalka B11B. Joogitaankiisu wuxuu dalxiiska ka dhigay mid nidaamsan, macno leh, isla markaana dhiirrigelin weyn u ahaa dhammaan ardayda.
Dalxiiskan wuxuu noqonayaa mid xusuus ku reeba fasalkeena, kana mid noqda waayo-aragnimada quruxda badan ee nolosha jaamacadeed.
Mahadsanid dhammaan intii ka qayb qaadatay, gaar ahaan Macallin Abdijalil Nuur.
10/2/202
Batch 11B
Ardayda Kuuliyada Caafimaadka
Jaamacadda ummada soomaaliyeed.