Dr Updyrahman Alkhasiir

Dr Updyrahman Alkhasiir haka quusan raxmada Allah
Allah dadko idil waaa
uwada naxariistaa Welcome to Haldoor Diagnostic & Training Center

17/04/2025

Maskax caafimaad qabta Ayaa fikir fcn laga helaa

17/04/2025

Hawiye Hubka dhiga

17/04/2025

General indha cade Ayaa cadeeyey AS
Ay uso harin 500 Askar

Dalaal ino dhuuntayo so wada bax Weli wax badan oo qarsan ayaa Jira
16/04/2025

Dalaal ino dhuuntayo so wada bax
Weli wax badan oo qarsan ayaa Jira

14/04/2025

Hampalyo SSC halgankii mirahiisa
Maanta idiin ka heynaa

๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.Waxaana kamid ah dawoyinka ....
07/04/2025

๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.
Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.

Waxaana kamid ah dawoyinka .
Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.

๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.

Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada Dheecaanka dheefshiidka oo yaraada.
Iyo hurdo laaan.

Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ค๐จ๐จ๐›๐š๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ.

Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.

Marka h**e qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ฅ๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ.

Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.

Waxaa kamid ah sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa.

Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.

Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah

Karootada cabitaan ahaan oo la badsado

Caleenta cagaaran ee shaaha.

Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.

Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ฌ๐ž๐๐š๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.

Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.

Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.

Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.

Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.

Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.

Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.

Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.

Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunin cuntadaan.
- Basbaaska
- Sabuulka
- Cuntada la qamiiriyay
- Digirta iyo salbukada
- Shukulaatada
- Cabitaanada ash*tada leh sida cocacola
- Cuntada warshada soo martay
- Kafeega
- Kuntada saliida ama baruurta leh.

Hooyada kolkey uurka qaado waxey jeceshay oo ay sugtaa in ay mar un Dareynto dhaqdhaqaaqa ilmha ay uurka ku sido.Dhaqaaq...
11/07/2023

Hooyada kolkey uurka qaado waxey jeceshay oo ay sugtaa in ay mar un Dareynto dhaqdhaqaaqa ilmha ay uurka ku sido.

Dhaqaaqa ugu horyo ay dareynto hooyada uurka lehi waxaa loo yaqanaa [[quickening]].

Inta badan hooyada waxey dareynta dhadhaqaqa ilmha inta u dhaxaysa toddobaadyada 16 iyo 25 Ee uurka.

Hadii ay tahay hooyada uurkeeda ugu h**eyo ma daremeyso dhaqdhaqaaqa ilmha ilaa ay ka gaarto ama u dhawaato toddobaad-ka 25 aad Ee uurka.

Uur-qaadista labaad, haweenka qaarkood waxay bilaabaan inay dareemaan dhaqdhaqaaqyo ilaa 13 toddobaad.

๐๐จ๐จ๐œ๐ฒ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ ๐š:  ๐Ÿ‘‰O+  ๐Ÿ‘‰O-  ๐Ÿ‘‰B+  ๐Ÿ‘‰B-  ๐Ÿ‘‰A+  ๐Ÿ‘‰A-  ๐Ÿ‘‰AB+  ๐Ÿ‘‰AB-๐…๐€๐ƒ๐‹๐€๐ ๐๐€๐‹๐€ ๐–๐€๐ƒ๐€๐€๐† ๐๐Ž๐Ž๐‚๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€๐†๐€ ๐”๐” ๐˜๐€๐‡๐€๐˜?  Anigu dhiigeygu w...
10/07/2023

๐๐จ๐จ๐œ๐ฒ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ ๐š:

๐Ÿ‘‰O+
๐Ÿ‘‰O-
๐Ÿ‘‰B+
๐Ÿ‘‰B-
๐Ÿ‘‰A+
๐Ÿ‘‰A-
๐Ÿ‘‰AB+
๐Ÿ‘‰AB-

๐…๐€๐ƒ๐‹๐€๐ ๐๐€๐‹๐€ ๐–๐€๐ƒ๐€๐€๐† ๐๐Ž๐Ž๐‚๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€๐†๐€ ๐”๐” ๐˜๐€๐‡๐€๐˜?

Anigu dhiigeygu waa ๐Ÿ‘‰๐Ÿฉธโญ•๏ธ +

๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€

1- Nooca dhiiga Ee caalamaka ugu badan waa O+ (38%) halka O- uu yahay 6% caalamka oo dhan.

2- Dadka caalamaka ku nool Ee leh dhiiga A+ waa (34%) halka A- uu yahay 6%

3- Sidoo kale dadka leh B+ waa (9%) halka B- iyana tahay 2%

4- AB waxaa leh dad caalamka ka ah(4%) nooca dhiiga ugu yar caalamaka ka yihiin ( 1%) dadkaan waa in ay aad u taxadiraan haday joogan goobo aan lahyn Bangi dhiig (blood bank).

W/Q :Drfaris Al attas

 (Banana)๐ŸŒMoosku waxa uu ka koobanyahy qaybaha kala duwan Ee nafaqada  wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan VitaminB6, sid...
09/07/2023

(Banana)๐ŸŒ

Moosku waxa uu ka koobanyahy qaybaha kala duwan Ee nafaqada wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan VitaminB6, sidoo kale waxaa kujiro xaddi dhexdhexaad ah sida vitaminC iyo Macdanta : Manganese Potassium Magnesium.
Maadaama moosku uu leeyahay xaddi aad ubadan oo ah Vitamin B6

waxaanu ka hadlaynaa faaโ€™iidooyinka u leeyahay.
1. Moosku wuxu u fiicanyahay dheef-shiidka caloosha : Vitamin B6 wuxu caawiyaa dheecaanada ka qayb qaato dheef-shiidida cuntada sida kaarboheydareytka borotiinka iyo duxda sidoo kale waxa ku jiro faybar (fiber).
2. Wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada neerfaha.

VitaminB6 Wuxu ka qayb qaataa samaynta fariin-sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid .

3. Moosku wuxuu ka hortagaa dhiig yarida (Anaemia) iyo difaaca jirka oo yaraado :vitamin B6 iyo vitamin C waxay muhiim u yihiin shaqada unugyada dhiigga sida hemoglobin (HB) oo ah borotiinka qaado oxygen-ka iyo carbon dioxide-ka .

4. Wuxu u ficanyahay caafimaadka wadnaha : waxa kujiro macdanta potassium oo ka qayb qaadato caafimadka wadnaha sidoo kalana moosku malahan macdanta sodium oo haddii ay jirka kubadato sababayso cadaadiska dhiigga oo bato (hypertension).

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต sidoo kale xaga hoose ka wac ๐š๐ฌ๐ฑ๐š๐š๐›๐š๐ญ๐š๐š๐๐š, si ay uga faaideystaan.
Caafimaadka iyo Nafaqada
๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ๐’๐€๐๐ˆ๐ƒ

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐ŸŠLiin banbeelmada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada,  waxay qani ku tah...
08/07/2023

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐ŸŠ

Liin banbeelmada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee
nafaqada, waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin C sido kale wax ku jiro xaddi dhexdhexad ah fiitamiin
Pantothenic acid (B5) , Thiamine (B1) Vitamin (B6) ,
iyo Folate (B9).

sido kale waxa laga helaa macdanta :
Phosphorus iyo Magnesium.

1.waxay xoojisaa difaaca jirka:: xaddiga aadka ubadan ee fiitamiinada kujiro liin-banbeelmada sida vitamin C
waxay sare u qaadaan difaaca jirka

2.waxay yaraysaa infekshan-ka jirka iyo caabuqa :
vitamin c wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska
sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.

3.waxay ka hortagtaa dhiig yarida :waxaa kujiro fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb qaato samaysanka iyo
kobcida unugyada dhiigga cascas.

4.waxay ka qayb qaadataa bogsoobida dhaawaca :
sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.

5.waxay u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysanka
iyo bad qabka maqaarka.

Dadka ay u fiicantahay isticmaalka liin banbeelmada :
1.Dadka dhiig yaridu hayso (HB)
2.Dadka difaaca jirkoodu yaryahay
3.Dadka in infekshan-ka iyo caabuqa qabo.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
Dr Updyrahman Alkhasiir

Address

Mogadishu

Telephone

+252770489315

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Updyrahman Alkhasiir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Updyrahman Alkhasiir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram