Dr. Ibrahim Garad Soofe

Dr. Ibrahim Garad Soofe Kusoo dhawoow Walal Gacmo Furan iyo Qlbi Furan

14/09/2022
Medical science says that the amount of semen that is released once an adult healthy male has in*******se contains 400 m...
05/09/2021

Medical science says that the amount of semen that is released once an adult healthy male has in*******se contains 400 million s***m. So, according to logic, if that amount of s***m found a place in the womb of a girl, then 400 million babies would be created!
This 400 million ***m, running like crazy towards the mother's uterus, only 300-500 s***m survive.

And the rest? He dies of exhaustion or defeat on the way. These are 300-500 s***m, which have been able to reach the o**m. Only one of them, a very strong s***m, fertilizes the o**m, or takes a seat in the o**m. That lucky s***m is you or me, or all of us.

Have you ever thought of this great war?

1. When you ran "there were no eyes, hands, feet, head, yet you won.

2. When you ran, you didn't have a certificate, you didn't have a brain, but you won.

3. You had no when you ran, no one helped but you won.

4. You had a destination when you ran and you ran with a single mind, aiming at that destination and you won in the end.

- After that, many are lost in the mother's womb. But you are not dead, you have completed 10 full months.
- Many babies die at birth but you survived.
- Many babies die in the first 5 years of life. You are still alive.
- Many children die of malnutrition. Nothing happened to you.
- Many have left the world on the way to growing up, you are still.

And today ......

You panic when something happens, you get frustrated, but why? Why do you think you lost? Why have you lost confidence? Now you have friends, siblings, certificates, everything. There are hands and feet, there is education, there is the brain to plan, there are people to help, yet you have lost hope. When you did not give up on the first day of life. Fighting to the death with 400 million s***m, he has won the competition alone without any help by running continuously.

Bismillah,Waxaan casharkaan ku soo qaadanaynaa nabraha ka soo baxa bishimaha dhinacyadooda taasoo bulshadu aaminsan taha...
24/05/2021

Bismillah,

Waxaan casharkaan ku soo qaadanaynaa nabraha ka soo baxa bishimaha dhinacyadooda taasoo bulshadu aaminsan tahay inay ka timid "caaro ku kaadisay qofka".

Waa maxay nabraha afka ee "caarada" loo yaqaano?
Nabrahaani k**a yimaadaan caaro qofka ku kaadisay, ama afkoo dufan leh oo la seexday ama busto la isku daboolay qofkoo qandho hayso, intaba waa waxyaabo khuraafaat ah oo ay bulshadu aaminsan tahay, laakiin sida la ogyahay nabraha nuucaan ahi waxaa keeno jeermiska fayraska, weliba nuuca loo yaqaano "Herpes Simplex", kaasoo loo kala qeybiyo laba nuuc: Lambar 1 oo ku dhaco afka, loona yaqaano "herpes labialis" iyo Lambar 2 oo ku dhaco cawrada, loona yaqaano "ge***al herpes".

Nabrahaani waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Cold Sores" maadaama uu badanaa hargab ahaan qofka u qabto ama waxaa kaloo loo yaqaanaa "Fever blisters" taasoo macnaheedu tahay "nabrihii qandhada", maadaama la arko xilliyada qofku qandhaysan yahay.

Maxaa lagu gartaa nabrahaan?
Waxaa lagu gartaa inay furuuruc ahaan u bilawdaan marka h**e, taasoo leh cuncun iyo xatxato, kadibne biyo cad ayay gashadaan, maalin kadib way dillaacaan iyagoo soo daaya dheecaan dhagdhag leh, kasoo meeshii uu gaaro ku faafi kara, maalmo ka dib wuu qallalaa, qolof dhacayso ayuu yeeshaa. nabarku wuxuu badanaa ku baaba'aa maalmo illaa 2 usbuuc inta u dhaxaysa.

Sidee ayuu ku yimaadaa xanuunkaan marka h**e?
Fayraska HSV aad ayuu ug badan yahay dunida, si dhakhso ahne wuu ku faafaa, wuxuuna ku dul noolyahay dadka badankood laakiin wuxuu jirka kaga gudbaa meelaha jilcan ee dildillaaca yeelan karo sida bishimaha maadaama uu calyada ku dhex nool yahay, waxaana lagu kala qaadaa shumiska, weelasha cabitaanka oo la isla wadaago, cadayga ama buraashka iyo sakiimaha lagu xiirto. waalidku si sahlan ayuu u qaadsiin karaa caruurtiisa khaasatan kuwa yaryar. Akhriso xanuunada kale ee lagu kala qaado waxyaabaha soo dadajiyo fayraskaan inuu mar kale soo laabto waa difaac yarida qofka taasoo ka imaan karta xanuuno kale, welwelka, cunno xumida, xanuunka macaanka IWM.

Waa maxay astaamaha kale ee lagu garto xanuunkaan?
Inkastoo dadka badankood aysan astaamo kale isku arkin laakiin dadka qaar waxay dareemi karaa maalmo ka hor inta nabraha soo bixin qandho, cuno xanuun, qanjirro barar iyo caajis jirka ah.

Sidee loo baaraa nabraha "herpes"?
Nabraha herpes-ka waxaa lagu gartaa aragti, laakiin dhakhtarka wuxuu ku sii hubsan karaa isagoo dheecaanka baaritaan u diro si looga fiiriyo fayraska HSV-1.

Sidee loo daweeyaa nabraha herpes?
Badanaa nabrahaan way iska baaba'aan maalmo ka dib iyadoo aan daawo loo qaadan inkastoo ay soo laaban karaan, laakiin hadduu xanuun jiro ama aad ka xishoonaysid in nabraha kugu daahaan wuxuu dhakhtarka kuu qori karaa kaniini ama bamaato fayraska la dagaallamo si nabruhu dhakhso u bogsadaan, laakiin ma jirto daawo jirka ka wada saarayso xanuunkaan waana sababta u soo laalaabto. Waxaa meelaha qaar laga helaa bamaato dhakhso u bogsiisa nabrahaan oo dhakhtar la'aan farmashiyada laga gadan karo "OTC", waxaana loo yaqaanaa "Docosanol cream" ama "Abreva Cream".

Sidee looga hortagi karaa nabrahaan?
Iska ilaali inaad taabatid nabar qof kale ku yaallo ama ku soo gaaro dheecaankiisa.
Qofne hala wadaagin sakiin, caday, shukumaan, koobka biyaha lagu cabo IWM.
Markuu nabarka kugu yaallo, ku dadaal inaad gacmaha joogto u dhaqdid si aadan ugu gudbin qof kale.
Ka fogow waxyaabaha qaldan ee sii faafin kara fayraska sida in nabarka la xoqo iyadoo la adeegsanayo toon, liin ama abu-faas, taasoo ah waxyaabaha bulshadu u isticmaasho.
Waalidka qabo nabrahaan ha iska ilaaliyo inuu dhunkado caruurtiisa si uusan u qaadsiin fayraska.
Waxaa nabrahaan lagu qaldaa xanuuno kale oo bushimaha ku dhaco sida biijada, dabdhulka, nabraha bushinta hoose gudaheeda ka soo baxa ee loo yaqaano "Canker sores", faahfaahinta labadaan xanuun ka akhriso halkaan

WAX KA BARRO CAGO-OLOLKA/HURKACaga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho ...
23/07/2020

WAX KA BARRO CAGO-OLOLKA/HURKA
Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho aad ugu badan soomaalida khaas ahaan dumarka.
Haween badan ayaa lugaha ku qaboojisto in ay baaf lugaha la galaan, darbiyada ama mutuleelka cagaha saarsaaro ama cillaan ku qaboojiyo.
Sidaa awgeed waa su'aal weydiin mudanee, talow maxaa keenay cagaha hurka noocaas ah?
Caga hurka wuxuu calaamad u noqdaa cudurro aad u badan, laakiin asbaabta soomaalida ugu badan ee u keeno way kaga duwan yihiin umadaha kale.
Caalamka kale waxa ugu badan oo keena waa cillad ka timaada xagga neerfaha dareenka siiya cagaha iyo lugaha, haddii cillad dhabarka qofka ka gaarto oo dhaawacda neerfaha ama qofka jug ka gaarto ama cadaadis neerfaha lugaha saarmo sida in qofka uu xirto kabo ku dhaggan waxay keenaan kuleel iyo balbal markii qofka socod dheer galo ama markuu kabaha iska siibo.
Midda xigta waa haddii cillad ay ka jirto xididada dhiigga siiya lugaha haddii qulqulkooda uu hooseeyo ama ciriiri ay noqdaan taasoo ka timaada dhibaato xannibaysa isku socodka dhiigga sida dufan ama xinjir fadhiisato ama xididka oo jirrado laftirkiisaba.
Midda sadaxaad waa haddii cagaha ay ku bararaan taasoo keenaysa in ay ku huraan, waxayna u badan tahay cilladaan dadka qaba dhiig-karka, howlgabka wadnaha ama kilyaha, midaan daawadeeda waa in bararka lugaha laga dajiyo si kuleelka kuu daayo.
Midda afaraad waa haddii qofka uu qabo cudur dhaawici kara neerfaha lugaha sida sonkorowga oo kale, tanna daawadiisa waa in sonkortaada ay kontroolan tahay oo daawada aad qaadatid ay kugu filan tahay, takhtarka wuxuu kuugu dari doonaa daawo neerfaha sonkorwga dhaawac gaarsiiyay loogu talagalay, caga hurka sonkorowga waxaa la socdo calaamado dheeraad ah sida kabaabyo lugaha, xadxato, in lugaha wax kaaga socdaan oo kale.
Midda ugu dambayso waa cabidda khamriga oo ka mid ah, asbaabaha ugu badan ee dhaawac gaarsiiya neerfaha addimaha khaas ahaan lugaha, tanoo ay ka cabtaan dad badan oo caba khamriga.
Soomaalida maxaa u keeno caga hurka?
Haddii aan soomaalida u soo laabto waxa ugu badan oo u keeno xanuunkaan waa 4 waxyaabood:
1- Fitamiin yarida khaas ahaan Vitamin B-ga noocyadiisa kala duwan ee kala ah Vitamin B1, B2, B3, B5, B6, B7, B9, B12 waxayna kulligood ka qeyb qaataan ilaalinta iyo kobcidda neerfaha waxaana badanaa laga dareemaa dhibaatadooda cagaha.
Soomaalida laguma tiriyo umadaha cunnada dheellitiran cuna, cunnadeena waxay u badan tahay carbohydrates-ka (bariis, baasto iyo canjeero) iyo protein-nada (hilibka, ukunta iyo kalluunka).
Way nagu yartahay cunidda waxyaabaha laga helo fitamiinnada iyo macaadinta kale oo jirka muhiimka u ah (sida khudaarta iyo fruits-ka).
Fitamiinnada kor ku xusan oo isku samaysan oo loo yaqaanno "Vitamin B Complex" ayaa jiro oo aad qaadan kartaa iyadoo kaniini ah, qaabka aad u qaadan kartidne kala tasho takhtarkaaga.
Haddii aad tahay qof awooda inuu cunnooyinka laga helo fitamiinnadaan heli kara ama daawada aan jeclayn waxaad ka arki kartaa sawirkaan hoose meelaha laga helo.
2- Gaastirikada ama gaaska waa midda labaad ee ugu badan ee caga hurka u keeno soomaalida, inkastoo uusan caga-hur kaliya aanan gaaska lagu aqoonin wuxaa la socdo hur calaacalaha ama sacabada ah iyo calaamado kale oo lagu yaqaano.
3- Midda sadaxaad waa xanuunka loo yaqaanno "Hypothyroidism-ka" oo ku badan haweenkeenna, waxaan kula talin lahaa qof walba oo haween ah da'deedane ka sarrayso 30 sano in ay iska baarto,l
4- Midda afaraad, waxay la xiriirtaa cayilka, qofka cayilan waxauu si sahlan u dhaawici karaa seedaha cagahiisa taasoo keenayso in dhaawac uu gaaro neerfaha lugaha, khaas ahaan hadduu qofka uu ku labisto kabo taako leh ama ku dhaggan, haddii aad cayilan tahay iska ilaali in aad xiratid kabo ku dhaggan ama qalloocan oo taako leh ama hora u dhuuban oo faraha ciriiri kaa galiya.
Maxaa talo ah?
Talooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.
2- Miisaankaaga yareey haddii aad cayilan tahay
3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan isda Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska daawey.
4- Iska ilaali in aad xirato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaarsiin.
5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, iskaalshada iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkane uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.
6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.
7- Talada ugu dambeyso waa mid u gaar ah haweenka marsado cillaanka daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadaan waxay dhaawac u geysataa neerfaha mana u roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.

Waxyaabaha Sababa Boog Calooledka
21/05/2020

Waxyaabaha Sababa Boog Calooledka

How can management and Treatment of sonsilitis
16/05/2020

How can management and Treatment of sonsilitis

Sida loo maamulo Qofka macaanka ka Qaba Qofka Sonkowga Qaba
16/05/2020

Sida loo maamulo Qofka macaanka ka Qaba Qofka Sonkowga Qaba

Ka hortaga ayaa ka Wanagsan Iska dawaynta
13/05/2020

Ka hortaga ayaa ka Wanagsan Iska dawaynta

13/05/2020

WELCOME WITH OPEN HANDS

Happy Inaternation Nurses Day Backbone of Healthy professional
12/05/2020

Happy Inaternation Nurses Day Backbone of Healthy professional

Address

Makala Al Mukarama
Mogadishu

Telephone

+252634974314

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Ibrahim Garad Soofe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Ibrahim Garad Soofe:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram