Faragaab pharmacy& medical clinic center

Faragaab pharmacy& medical clinic center xaruntu waxa ay ku taalaa deg.wadajir isgoyska kawo godey

03/11/2025
  Sedimentation Rate (ESR)ESR test waa baaritaanka ay somalida u taqaan ifectionka dhiiga.baaritaankaan waxa lagu ogaada...
26/09/2023

Sedimentation Rate (ESR)

ESR test waa baaritaanka ay somalida u taqaan ifectionka dhiiga.

baaritaankaan waxa lagu ogaada qaabka dhiiga saldag u sameenaayo.

inta badan dhiga si dhaqso ah uma sal d**o. saldaga oo dhaqasi ku dhaco waxay cadeenaysa caabuq inoo jiro.

test waxa lagu taliya hadii bukaanka astamahan lagu arko :
xanuun.
.
oo uu ka go'o.
oo hoos u dhaca.
yari.
qoorta ama garbaha.
gooysyada oo adkaada.

range of ESR test.
saxda ee infection dhiiga.

Raga: 1-13 mm/hr.

Dumarka: 1:20 mm/hr.

rangae of ESR :

ESR oo bata waxay ka tarjumeysa xanuunadaan midkood:

1. infection - caabuq.
2.Rheumatic fever- Roomatiisimo.
3.kidney disease- jiro dhanka kilyaha.
4.heart disease- jiro dhanka wadnaha.
5.vascular disease- jiro dhanka xididada.
6.inflammatory bowel disease- barar ka jiro mindhiciraha.

range of ESR :

ESR oo yarada waxay ka tarjumeysa xanuunadaan midkood:

1.Polycythemia- unugyada dhiiga cascas oo bata midaaso adkeeynesa socodka dhiiga ee halbawlayasha iyo xididada dhiiga.

2.sickel cell anemia - waa nooc ka mid ah dhiigyarida oo lakala dhaxlo.

3. Leukocytosis- unugyada dhiiga cadcad ee qaabilsan difaaca jirka oo siyaada.

Faragaab health care center

12/08/2023

Dadka hayasin
Mahad Hassan Cagajirid

Congestyl sy Used for tiple action ◇nasal congestion◇common cold and◇ fluFaragaab health care canter
22/01/2022

Congestyl sy
Used for tiple action
◇nasal congestion
◇common cold and
◇ flu

Faragaab health care canter

  badbaadi (save your kidneys)Waxaa sara u kacay dadka da'yarta ah ee la il daran xanuunada asiibada kliyaha. taaso oo l...
17/10/2021

badbaadi (save your kidneys)

Waxaa sara u kacay dadka da'yarta ah ee la il daran xanuunada asiibada kliyaha.
taaso oo loo sababeeyo arima kala duwan oo halis galin karo inaad weyso xubnaha ugu muhiimsan noloshadaaada..

📣Halkaan waxaan kuugu soo gudbin doonaa 6 waxyabood oo qatar weyn ku ah kiliyahaada.

💥(1) kaadida oo leesku celiyo am aad ka 🏃‍♂️ wehsato inaad suuliga aaado .
arintaan ayaa sabab u noqoto in kaadi heestaado dhaafto xadka keydinta taasi oo sababta in bacteriada ku jirto kaadida si dhaqsi ah isku badiso sababtana caabuq kaasi oo dib ugu laabta kliyaha kaanena xlad loo yooqaan oo ah infections daran oo kaa asiiba kilyaha.

💥(2) cusbada badan.🍚🍚

Ha ka qaadan cusbada wax ka badan 5.8 gm maalintii. waa khatar kale oo kuu qarsoone.

💥(3)ha cunin hilib badan 🍗🍗

Hilibka aya ka kooban proteins xajmi adag .
Markii jirku shiidaayo proteins ka waxaa la soo dayaa maado loo yaqoon taasi oo halis galisa shaqada kilyahab sababtana dhaawacyo daran oo kilyaha ah...
Hilib badan = dhawaac badan ee kildaaada.

💥(4 )cabida coffee ga badan ☕☕

coffee ga ayaa sara u qaada xadiga cadaadiska dhiiga iyo shaqa kilyaha kaasi oo sababa u noqon karo in kilyahaado shaqada yareeyaan ..

💥(5) cabid yarida biyaha. ..🍸🍸

Kliyaha ayaa u baahan iney helaan biya kufilan si ey shaqadooda si caadi ah ugu qabsadaan hadii aadan biya badan cabin sunta iyo wasaqda jirka kale laga so saaro ayaa ku aruuri doona kilyahaaada kadibna usiigudbi donta dhiiiga waxana ka dhasha xaalad adag oo loo yaqaan kadida iyo dhiiga oo si dhax gala....
Waxaad u bahnatahy malintii inaad cabto 8 galaas oo biyaha saafigaa ah..
Si aaad u hubiso inaad biya kugu filan cabtay fiiri midabka kaadidada ma cadaaan saafi ah baa misa waa midab qasan oo calaw ah...

💥6) haka caajisin inaad hubiso caafimaadka kliyahaada 6 dii bilba mar jeer booqo dhaqtarka si aaad ula socoto kilyahaaada bad qabkooda.

🩸Ka fogooow daawooyinkaan hana qaadan waligaa waa dilaaga kilyahaada.
D-cold
* Vicks Action-500
* Actified
* Coldarin
* Cosome
* Nice
* Nimulid
* Cetrizet-D
Sidoo kale

📣📣Tala guud ...
Dhaqaatiir u dhaltay wadanka Germany ayaa ogaaday nuuc cusub oo ah kansarka maqaarka ku dhaco kaasi oo laga qaado maadada loo yaqaan Silver Nitro Oxide.
Madaadaan ayaa laga helaa cijiyaha qofka hadii aad dareento cun cun jirka haku xoqin maqaarka cijiyahaaada....

Fadlan nagu soobiir hadaad nagu cusub tahay si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino pageka mahadsanid

Sidokle Siina gaadhsii asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan iyaguna
Plz dheh

Faragaab health care canter

Waa maxay nabraha cadcad ee afka ka soo baxa?Nabrahaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Canker Sores" ama "Aphtous Ulcers"...
03/10/2021

Waa maxay nabraha cadcad ee afka ka soo baxa?

Nabrahaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Canker Sores" ama "Aphtous Ulcers", waa nabro ka soo baxo afka gudahiisa, badanaa nabrahaan k**a soo baxaan bishinta banaankeeda, mana ahan nabro la kala qaado ama la isku daarto, waa nabro xanuun badan.

Astaamahee lagu gartaa nabrahaan?
Nabrahaan waxay leeyihiin qaab goobaabin aam wareeg camal ah, midabkoodu waa cad ama jaalle xigeen, waxay ka soo baxaan carabka hoostiisa ama dhinaciisa, bishinta hoose ama midda kore gudaheeda, ciridka hoose ama dhinacyada jilicsan ee afka, wuxuu qofka dareemi karaa dareen gubasho ama xanfaf ah inta aysan soo bixin hal maalin ama laba maalin ka hor.
Markay baab'ayaan wax haaro ama raad ah ma reebaan.

Maxaa keeno nabraha "Canker Sores"?
Illaa iyo hadda lama oga sababta saxda ah ee ka dambayso nabrahaan inkastoo ay aad ugu badan yihiin bulshada, waxyaabo waxaa jira loo malaynayo inay keenaan waxaana ka mid ah:

Dhaawac fudud oo afka gudahiisa gaaray.

Daawada ilkaha lagu cadaysto qaarkeed iyo daawooyinka lagu luqluqdo kuwaas oo ay ku jirto maadada loo yaqaano "Sodium lauryl sulfate"

Waxyaabaha cunnada lagu daro ama lagu kaydiyo in aad xasaasiyad ku qabtid ama cunnada qaarkeed sida Kaffeyga, shukulaatada, ukunta, lowska, farmaajada, basbaaska iyo liin dhanaanta.

In jirkaaga ay ku yar tahay fitamiinka B12, birta, maadada "Zinc" ama maadada kale ee loo yaqaano "Folate"

In bakteeriyada qaar ee afka ku nool aad xasaasiyad ku qabtid.

Bakteeriyada keento xanuunka gaaska ee loo yaqaano "Helicopacter Pylori" iyadane waa lala xiriiriyaa nabrahaan.

Isbadallada hormoonka khaasatan xilliga caadada, haweenka way isku arki karaan nabrahaan.

Fakarka, welwelka iyo isku-buuqa

Intaa waxaa sii dheer in nabrahaan ay la socon karaan xanuunada qaar sida cilladaha dheefshiidka ku dhaco sida xanuunada loo yaqaano "Celiac disease, IBS ama Bahcet's disease, kuwaan oo ah xanuuno ku yar bulshada soomaaliyeed.)

Hadduu difaaca jirkaaga uu hooseeyo sida dadka qabo xanuunka AIDS-ka way isku arki karaan nabrahaan.
Ogow nabrahaan k**a yimaadaan jeermis bakteeriyo ama fayras intaba, lagumana kala qaado shumis iyo wixii la mid ah.

Sidee loo daaweeyaa nabraha "Canker Sores"?
Badanaa wax daawo ah looma baahdo sababtoo ah sidaan horay u soo sheegay iyagaa iska baaba'o hal usbuuc ama laba usbuuc gudahood, haddii nabraha ay joogto noqdaan ama xanuun siyaado ah ay keenaan, dhakhtarka wuxuu kuu qori karaa daawo lagu luqluqdo ama la mariyo si xanuunka kaa baaba'o.
Waa muhiim in aad ka fogaatid daawooyinka qallajiyayaasha ma kuwa fayraska loo qaato si aysan nabraha kuugu badan ama kugu sii daahin.
Haddii aad heli kartid malab saafi ah, waa daawada ugu fiican ee maanta dunida taallo oo nabrahaan wax ka qabato, malabka mari nabraha, markii aad seexanaysidne malabka afka ku shubo oo ku luqluqdo kadibne liq, adigoo wax biyo ah ka daba cabin jiifso, insha'llaha nabraha way kaa baab'i doonaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad baartid haddii ay jiraan wax aad allarji ku tahay ama aad isleedahay dhibaatadaan way kuu keeni karaan adigoo ka tixraacayo waxyaabaha aan kor ku soo xusay.
Ka fogow sigaarka, qaadka iyo daawooyinka aan laguu qorin, ku dadaal cunista cunnooyinka dabiiciga ah. badso cunnada leh fitamiinada.

Faragaab health care center

03/10/2021

Barqo wnagsn somaliweyn

Address

613187419
Mogadishu
00252613187419

Telephone

+252613187419

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faragaab pharmacy& medical clinic center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Faragaab pharmacy& medical clinic center:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram