Dr Mohamed

Dr Mohamed walalayaal Ku soo dhawaaada page keyga cusub waxaad ka heli doontaan wax walbo oo quseeya caafimaadk

28 July: Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga (WORLD HEPATITIS DAY)Dhibaato intee le'eg ayuu cudurka Cagaarshowga...
28/07/2022

28 July: Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga (WORLD HEPATITIS DAY)

Dhibaato intee le'eg ayuu cudurka Cagaarshowga ku hayaa Bulshada?

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2022 waa “Inaan la sugin oo la ciribtiro cagaarshowga “Hepatitis Can’t Wait”.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifi n iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah.

h**ey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 294 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

 Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
 Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
 Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
 Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual In*******se).
 Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
- Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
- Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
- Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
- Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
- Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 60 milyan qof ; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-
Qeybta H**e :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase):

Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii h**e laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% - 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% - 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% - 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% - 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu h**eyn waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka la cuno. Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro, sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyada u gudbiso dhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.

Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii h**e, waxaana loo qaataa marka h**e bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6), Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga .

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu h**eyntii waxaa la faryaaa:

1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

3. Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

W/D: Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle.

28/07/2022

MAXAA KEENA BARARKA LUGAHABararka anqowka ama lugaha h**e  waa wax  halis ku ah cafimaadka jidhka waa haddii ay yihin  w...
20/07/2022

MAXAA KEENA BARARKA LUGAHA

Bararka anqowka ama lugaha h**e waa wax halis ku ah cafimaadka jidhka waa haddii ay yihin wax xanuun keenay sida in kilyaha iyo wadnaha jiran yihin markaas oo kale waxaa habboon in si deg deg ah loo daweeyo.

Sida oo kale waxaa jira barar iska yimaada haddana iska taga kuwaas oo sameyn ku yeesha anqowka iyo labada lugood.

Bararka iska yimaada maxaa keena
■Istaaga badan ama qofka ku shaqqeya istaaga waa lagu arkaa bararka lugaha h**e.
■Fadhiga badan sida in aad safar dheer gashid oo saacado badan fadhidid ama darawal tahay oo saacado badan shaqeysid.
■Sidoo kale Bararka anqowyada iyo faraha h**e waxaa lagu arkaa hooyada huurka leh oo markay ku jirto bisha 8aad ilaa 9aad inta badan hooyadu marka ay dhasho bararka uu katagaa.
■Cilmi-baarisyo kala duwan oo la sameyey waxaa la ogaaday dadka isticmaala ama aadka u cuna waxyalaha dhadhaan sida cusbada iyo wixii la mid ah in lagu arko luga barar.
■Ugu dambeyn waxaa keeni karaluga bararka dawooyinka qarkood sida kuwa wadnaha loo isticmaalo iyo kuwa uurka looga hortago contraceptive pills.

Haddii lagu barar iyo anqow barar isku aragtid si deg deg ah u gaar dhakhtarkaada si u ku siiyo dawooyin kugu haboon iyo talooyin kugu haboon.

Sii sheer garee lana wadaag asxaabtaada

Dr Cadceed

  (Xididada xiniinyaha oo weynaada)farikoosil waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaa...
01/07/2022

(Xididada xiniinyaha oo weynaada)

farikoosil waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaan ama balaartaan xididada dhiiga ka qaada xiniinyaha oo geeya sambabada si dhiiga loogu soo daro ogsijiin, Xididadaan oo dhumucdooda kabalaarta ayaa loo yaqaana .

Waa xaalad lagu arko in badan oo ragga ka mid ah. Waxaa la qiyaasaa in 100kii ninba 15 kamid ah lagu arko xaaladdaan.

farikoosil waxaa uu hoos udhigaa soo saarida shahwada, taasoo keeni karta in ninku uu noqdo ma dhalays.

98% iyo in kabadan waxaa lagu arkaa farikoosil xiniinta bidix. farikoosil waxuu sababi karaa in xaniinyahu aysan samayn wax koriimo ah, taas oo sidoo kale keeni karta in tayada shahwada noqoto mid hooseeysa oo aan bacrimin kara ugxanta dumarka.



Inta badan ma cada waxa sababa farikoosil, balse waxaa la aaminsan yahay in weelalka u dhaxeeya veinska ku dhexjira tubada soo qaada minida ay isusoo dhawaadaan taaso sababaysa in dhiiga maraya xididadaasi uu la kulmo cadaadis, kadibna uu waynaanayo ama balaaranayo dhumacda xididka. Tani waxay dhaawici kartaa xaniinyaha waxayna bilow u noqon kartaa dhalma la’aan. Xalaadaan waqtiga ugu badan ee la arko ayaa ah xiliga qaangaarnimada.



farikoosil malahan wax astaan ah inta badan, waxaana laga yaabaa inay marmarka qaar la dareemo xanuun kaasoo kasii dara marka la istaago, xanuunka ayaa iska taga marka loo jiifsado dhanka dhabarka. Calaamad kaliya ee la arki karo ayaa ah xididada veinska ee haraga xaniinyuhu ku jiraan oo ishu qaban karto, kana balaaran ama dhumuc weyn marka ay caadiga yihiin.



Khataraha ka dhalan kara farikoosil ayaa ah kuwo ku kooban taranka ninka. Inta badan waxaa lagu arkaa xaniinta bidix waxaana yaraada ama isku soo urura xaniinta taasoo saamayn ku yeelanaysa heerka shahwad samaynta. Yaraanshaha shahwada iyo tayadeeda ayaa ugu danbeyn keenaya in taranka ninku uu noqdo mid aan mira dhalayn.



Farikoosil inta badan uma baahna wax dawo ah waana mid iska xalismata, haday keenayso xanuun ama calaamado muuqda oo la arki karo ama dhalma la’aan waxaa lagama maarmaan in la daweeyo. Qaabka ugu badan ee loo daweeyo ayaa ah qalliin taasoo lagu furayo xididka ay isu soo dhawaadeen weelalkiisu, si dib loo soo celiyo isusocodka dhiiga ee xaniinyaha. Qalliinka kadib waxaa dhici kara in ay dib usoo noqoto farikoosil ama in dheecaan uu galo haraga xaniinta hydrocele.

:

Hadii aysan jirin wax xanuun ah ama dhalma la’aan ah oo uu sababayo farikoosil waxaa wanaagsan inaadan xiran dharka kugu dhagan ama aadan isku dhajin suunka tani waxay yarayn kartaa cadaadiska dhiiga ee xididada xaniinyaha. Marwalba la tasho dhaktar waayo xaaladaan waa mid ugu danbeyn keeni karta dhalmo la’aan.

Dilanka soo noqnoqda Waa su,aal aad muhiim u ah in aad wax ka ogatid waxa sababa dilanka joogtada iyo cilladda meesha ay...
07/10/2021

Dilanka soo noqnoqda

Waa su,aal aad muhiim u ah in aad wax ka ogatid waxa sababa dilanka joogtada iyo cilladda meesha ay ka jirto.

Waxyabaha sababa dilanka uurka waxaa ka mid ah.

Riximka:

Haddii uu qaab dhismeedka riximka qaldan yahay wey adkaneysaa minka in uu xajiyo ilmaha boqolkiiba 30 % ilmaha wey soo dilmaan,sidoo kale dadka ilmaha ka soo dilmo waxaa suurta gal ah afka minka in uu dabacsan yahay saas oo kale haddii ay dhacdo takhatiirtu qofka waxay ku xiraan ningax si ilmaha u soo quban.

Ugxaansidaha oo yar.

Ugxaan sidaha hooyadu waxay qeyb weyn ka ciyaraan kobaca uurka haddii ay yar yihin ugxaanta iyo hormoonada ilmaha ma helayaan nafaqadii la rabay in ay ilmaha helaan waxaa sahalanaaneyso in uu dilan yimadaan.

Hormoonada oo qal qal ku yimaado:

Hormoonadu waxaa u baahan jidhka waxayna aad ula shaqeyaan falgalka uurka haddii uu lumo xadkii laga rabay hormoonku waxaa suurta gal ah in uu dhaco ficil dilan ah.

Fiix/Buro

Qofka inta uusan qaadin uur haddii ay jirto fiix ama buro riximka ku taal,fiixdaas waxay halis ku tahay uurka imaan doona cilmibaariyaashu waxay tilmameen 100kiiba 70% in uu dilmaan yimaado.

Caabuqa.

Hooyada uurka leh waxaa u fudud in uu ku dhaco caabuqyo kale duwan sida Brucellosis,Toxoplasmosis oo ay soomaalidu u taqaan dhiiga dhiciska kaas oo ugu dambeyn sahla dilan soo noqnoqda haddii aan si sax ah loo daweyn.

Dawooyinka sida qaldan loo qaato.

Inta badan waxaa dhaca oo la arko hooyooyinka uurka leh in ay si qaldan u qataan dawooyin aan dhakhtar u qorin,ugu dambeyntiina u sahasha in uu dhaco dilan,Haddaba haddii aad uur iska shakisan tahay iska ilaali wixii naftaada qatar galin kara iyo nafta aad masuulka ka tahay

Sidoo kale waxaa jira unigyada dhiiga oo isdiida ama iska horyimaada hooyooyin badan ayaa cilladda noocaas oo kale lagu arkaa markii aad uur qaadid waxaad u baahan tahay in aad iska baartid dhiigaada nooca uu yahay.

Dr Cadceed

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮  𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 : (𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿𝗱 𝗴𝗿𝗲𝗲𝗻𝘀 & 𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵).Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qan...
09/05/2021

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 : (𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿𝗱 𝗴𝗿𝗲𝗲𝗻𝘀 & 𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵).

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

Caafimaadka iyo Nafaqada
Dr Mohamed

𝗠𝗨𝗥𝗤𝗔 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔  (𝘅𝗼𝗴 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗺 𝗮𝗵) Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) d...
05/05/2021

𝗠𝗨𝗥𝗤𝗔 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 (𝘅𝗼𝗴 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗺 𝗮𝗵)

Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) dadka qan garay waxay isku arkan murqa xanuunka

Murqo-xanuunku badanaa waxaa keena kacsanaanta qofka, ,murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato.

Murqa xanunku sidaa si lamida wuxu ku inaan karaa xanuuna kale oo ah cudura guud oo jirka bani aadam ka ku dhaca sida SLE da oo kale

Murqa xanunka hadii aan la iskala tacaalin wuxuu sababi karaa in u ku gaarsiyo heer aad wax qabsan waydo ama aad socod kaba gabto

𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐊𝐄𝐄𝐍𝐀 𝐌𝐔𝐑𝐐𝐀 𝐗𝐀𝐍𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀:

•Shaqa culus oo aad qabato
•Excercise ama aalamito kugu cusub
•Jug ka soo gaarta muruqa
•Dilaac gaara xili aad kubad cayaarayso

•Cudurada guud sida SLE iyo rhomatoid arthritis oo ayagana wata murqa xanuun
•Infection nada dhiiga raaca
•Daaawo aad qadanaysay oo side effect ahaan u wax yeleysa murqaha
•Cudurka dhiig karka ( cloudication )


𝐂𝐀𝐋𝐀𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐑𝐓𝐎:

•Danqasho
•Barar murqaha ah
•Murqaha oo gaduuta
•Qandha kaa fuusha muruqa

𝐆𝐎𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄 𝐔 𝐁𝐀𝐀𝐇𝐀𝐍 𝐓𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐈𝐍𝐀𝐀𝐃 𝐃𝐇𝐀𝐐𝐓𝐀𝐑 𝐋𝐀 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐈𝐑𝐓𝐎 :

*Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
*Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
*Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
* Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc.

Dr Mohamed

𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐄𝐞 𝐁𝐚𝐬 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚. Bas-baaska wuxu  qani kuyahay  oo aad ugu badan vitamin C  taas oo kadhigan 100 gr...
23/04/2021

𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐄𝐞 𝐁𝐚𝐬 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.

Bas-baaska wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan vitamin C taas oo kadhigan
100 gram oo bas-baas ah waxa kujiro VitaminC = 144 milligrams oo u dhiganto 173% xaddiga vitamin C jirku ubaahanyahay maalintii : Reference Daily Intake (RDI)
Sidoo kale waxa kujiro fiitamiin B6 = 0.51 mg u dhiganto 40% (RDI)
Iyo macdanta = Iro , Magnesium , Potassium

Kasakow inay jirto fikrado ah in bas-baasku uu ka qayn qaato gaas-calooleedka iyo laab-jeexa/ laab-hurka maado kujirto bas-baaska oo layiraah capsaicin waxay keentaa dareen ah hur/gubasho sidoo kale maadada capsaicin waxay keentaa in calooshu soo dayso aash*to (acid) badan taas oo keeni karto gaas-calooleed
taas kacsigeeda fiitamiinada muhiimkaa ee kujiro bas-baaska waxay kaq ayb qaadan karaan in difaaca jirku la dagaalamo wax yaalaha ilmo aragtada ah sida bakteriyada keento gaas-calooleedka ee layiraah H. pylori

1. Wuxu xoojiyaa dhifaaca jirka = xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro wuxu sare uqaadaa difaaca jirka (immunity system) arintaas oo aad ugu muhiimsan wakhtiya uu dilaaco virus-ku .

2. wuxu la dagaalamaa caabuqa iyo infekshanka ,khaasatan kuwa ku dhaco Neef-mareenka /sanbabada : xaddiga aadka ubadan ee kujiro fiitamiin C sidoo kali fiitamiin A (beta-Carotene) waa antionxydant tasoo macnaheedu yahay wuxu ladagaalamaa oo jirka kasaara waxyaalaha sunta ah ee kadhasho falgalada khaldan ee ka dhexdhaco jirka .

3. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka : maadada fiitamiin B6 ee ku jirto waxay ka qayb qaadataa burburinta iyo dheef shiidida cuntada.

4. yareynta miisaanka jirka : maadada capsaicin cilmi-baaris caafimaad ayaa sheegayso inay hoos u dhigto miisaanka.

5.wuxu u fiicanyahay maqaarka : vitamin C wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.

6. wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada neerfaha : wax kujiro Vitamin B6 oo ka qayb qaato samaaynta fariin sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid.

7. Waxa lagu taliyaa inaysan isticmaalin bas-baadka dadka qabo gaas-calooleedka iyo laab-jeexa/hurka.

𝐅.𝐆

Hadii aad xad dhaaf u cunto basbaaska waxaa ka dhaxli kartaa dhibaatoyin badan.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐚𝐚𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚𝐚𝐧.

Dr Mohamed

𝗖𝗨𝗡𝗧𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗨 𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗚𝗦𝗔𝗡 𝗛𝗢𝗢𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗟𝗘𝗛. 🌽🍠🥑🥬Inaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.Markaad u...
19/04/2021

𝗖𝗨𝗡𝗧𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗨 𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗚𝗦𝗔𝗡 𝗛𝗢𝗢𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗟𝗘𝗛. 🌽🍠🥑🥬

Inaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.
Markaad uur leedahay jirkaaga wuxuu u baahan yahay nafaqooyin badan, fitimiino iyo macdan.

Lix da bilood ee ugu danbaysa waxaad u baahan tahay in aad cunto in kabadan intaad cuni jirtay, maxa yeelay ilmaha ayaa kula qaybsanaya wixii nafaqa ah.

Hadii ay kugu yartahay nafaqada aad cunayso, waxay wax u dhimaysaa ilmahaaga dhalan doona.
10 kaan cuntooyin waa cuntooyin la rabo in ay hooyada uur ka leh cunto si ilmaheeda iyo ayada ay u helaan nafaqo buuxda.

1-Waxyaabaha caanaha laga sameeyo :

Caanaha iyo wixii laga sameeyo waxay siinayan hooyada iyo ilmaheeda caloosha ku jiro protein iyo calcium ( barootiin iyo kalsiyoom). Labadaasba waxay muhiim u yihiin hooyada iyo ilmaha caloosha ku koraya.
Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxaa ka mid ah, cheese ka ( JIIS) iyo Yogurt ( Caanaha la fadhiisiyay). Waxaa laga helaa 2 nooc oo protein ah “casein” iyo “whey” ku wa loo yaqaan, kuwas oo aad ugu muhiimsan ilmaha iyo koritaan kiisa.
2- Digirta Iyo Misirta ( Legumes) :🌽🌽

Cuntooyinkaan waxaa ka buuxo – fiber, protein, iron, folate (B9) and calcium — kuligood waxay muhiim u yihiin hooyda iyo ilmaha caloosha ku koraya.

Folate (B9) wuxuu ka mid yahay fatamiinada (B) ga, aad ayuuna muhiim u yahay siiba 3 bilood ee ugu h**eeya uurka.
Balse, hooyooyika badankood wuu ku yaryahay Folate(B9). Waxaa lagu sheegay hooyaduu ku yaryahay in tuubada cuntada siisa ilmaha aysan si fiican u abuurmin iyo ilmaha ku dhashay hooyaday ku yartahayna uu infakshan ka ku dhaco, ilmahaas uu u badnaado markuu korayo ilma jiro badan.

Cunitaanka digir ta kala duwan waxay ku siinaysaa oo kale- fiber, iron badan , magnesium iyo potassium. In taasoo muhiim u ah adiga iyo ilmaha caloosha ku jira.
3- Bataatiga Macaan: 🍠🍠

Baradhada macaan waxaa aad uga buuxa waxa loo yaqaan -beta-carotene- taasoo vitamin A isku badasho kadib markii aad cunto.

Vitamin A wuxuu muhiim u yahay koritaanka unuga ( Cell) iyo waxa unuga ku wareegsan. Ilmaha caloosha ku jiraa wuxuu u baahanyaha in unugyadiisu ay koraan si uu u koro.
Balse, Vitamin A ga ka imaada xayawaanka in hooyada uurka leh aysan isku badin ayaa lagu waaniyaa kaasoo sun isku badala hadii aad la iskugu badiyo.

4- Kaluunka loo yaqaan Salmon: 🦈🦈

Salmon ka waxaa aad ugu badan waxyaabaha daruuriga ah ee loo yaqaan- ( amiga 3 fatii asids) -omega-3 fatty acids.
Omega-3 fatty acids waxay muhiim u tahay koritaan ka indhaha iyo maskaxda ilmaha ku jira caloosha.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay 2-3 jeer isbuucii cunto kaluun, hadii ay hesho salmon na kaba fiican. Balse, maadama laga helay cadanta qalinka Jilicsan, bir, ( Mercury) jirka kaluunka hadii hooyada ay isku badisaa markii ay uurka leedahay waxuu dhibaato u geeystaa ilmaha koraya. Saas darteed 2-3 jeer isbuucii inaysan cunin ayaa lagu waaniyaa.
Waxaa kaloo Salmon ka siiyaa hooyada Vitamin D, kasoo muhiim u ah ayada iyo ilmaha koraya.
-4 Ukunta sida wacan loo bisleeyay: 🥚🥚

Ukunta waa midii ugu fiicaneed nafaqo la cuno maxaa yeelay waxa ku jiro waxyaala badan oo cuntooyin badan laga helo.
Ukunta waxay qeebwayn ka qadataa koritaan ka dhan ee jirka hooyada iyo ilmaheeda waana cuntada ugu sahlan in la kariyo lana helo.

5- Khudaarta cagaaran:🥬🥒

Khudaarta cagaaran sida isbinaajka ( Spinach) iyo broccoli da waxaa ka buuxa nafaqooyinka hooyada iyo ilmaheeda ay u baahan yihiin.
Kuwaasooy ka mid yihiin – fiber, vitamin C, vitamin K, vitamin A, calcium, iron, folate and potassium. Cunitaanka khudaartan waxay ka caa wisaa hooyada in ay si sahlan u saxarooto.

6- Hilib baruurta ku yartahay: 🥩🥩

Hilib ka waxa laga helaa protein badan, B vitamins iyo macdan badan uu jirka hooyada iyo ilmaha u baahan yihiin
Waxa kaloo aad ugu buuxa hilibka Iron, kasoo muhiim u ah unugyada jirka in ay helaan oxygen . Hooyada uurka leh aad ayay ugu baahan tahay Iron maxaa yeelay dhiigeeda jirka wuu bataa markay uurka leedahay.
Si uu Iron ka jirka si ficiin u qaato, waxaa lala qaataa cuntooyin ka Vitamin C ga uu ku badan yahay sida liin bambeelmada ( Oranges). Vitamin C ga wuxuu caawiyaa Iron ka inuu jirka si sahalan u isticmaalo Iron ka.

7-Miraha : 🍉🍌🍎
Miraha sida Tufaaxa, Qaraha, Canabka iyo wixii la mid ah, waa muhiim inay hooyada cunto maxa yeelay waxaa laga helaa > biyo, fiber, vitamins iyo antioxidants.
Waxaa aad ugu badan Vitamin C ga kasoo aad muhiim ugu ah caafimaadka maqaarka iyo difaaca jirka.

8- Hadhuudhka oo dhan:🍲🍲

Hadhuudhku waa muhiim in lacunaa, siiba hooyada uurka leh. Waxaa laga helaa > B vitamins, fiber iyo magnesium. Waxaa kaluu Hadhuudhka u sahlaa hooyada dhinaca saxarada in ay u sahlanaato.

9- Avocados:🥑🥑

Avocados waa miro aad u muhiimsan cunidooda siiba hooyada uurka leh.
Waxaa laga helaa dufanka loo yaqaan Monounsaturated fats, ku waasoo aad u caafimaad ah dadka siiba hooyada uurka leh. Waxaa kaloo leh Dufankaas Olive oil, iyo nuts sida looska.
Sidoo kale waxaa ka buuxa Avocados ka – fiber, B vitamins (siiba folate), vitamin K, potassium, copper, vitamin E iyo vitamin C.

10- Biyo:💦💧

Hooyada markay uurka leedahay waa muhiim inay biyo cabitaankeeda la socotaa, maxaa yeelay dhiigeed wuxuu kordhaa 1.5 liters am 50 ounces markay uurka leedahay.
Ilmaha caloosha ku jiro wuxuu u baahan yahay oo dhan hooyaduu ka qaataa, marka waxa dareemaya daal iyo oon waa hooyada.
Ado biyaha kugu yar yihiin waxaad ku garan adoo dareema daal badan, madax xanuun iyo adoo xanaaq badan dareema.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay cabto 2 liter oo biya ah maalintii, balse dadku way kala duwan yihiin. cab biyaha markii oon ku qabto ilaa aad si fiican u dareento biyaha calooshhada galay.

Ugu Danbeeyntii
Waxaad cunto markaad uurka leedahay waxay saamaynaysaa adiga iyo ilmahaaga caloosha ku jiro. Hadii aad cunto dheeli tiran cunto waxaad dareemaysaa quwad iyo caafimaad.

Ma aha inaad ka walwashaa in aad buurato markaad uurka leedahay. Waa caadi waana loo baahan yahay inuu culays yar ku koraa si ilmahaga iyo adigaba aad u dareentaan in aad hesheen nafaqo indinku filan.
Tani ha kuu ahaato meeshaad ka bilaabi lahayd safar kaagii uurka ee caafimaadka badnaa. Ilahayna hakuu fududeeyo.
W/Q: somali super moms
Dr Mohamed

Dhabar xanuunka Dhabar xanuunka waa xanuun ku dhici kara qof yar iyo qof weynba wuxuu u badan yahay dadka waa weyn iyo h...
10/04/2021

Dhabar xanuunka

Dhabar xanuunka waa xanuun ku dhici kara qof yar iyo qof weynba wuxuu u badan yahay dadka waa weyn iyo hooyoyinka uurka leh.

Dhabar xanuunka waxa loo kala qeybiyaa laba nooc mid mar mar yimaada Iyo mid is joogta ah u jooga (Persistent pain).

Xanuunka dhabarka maxaa keena.

✓jug ka soo gaartay qeybta danbe ee dhabarka sida jug horre ama mid hadda ku soo gaartay.Ogsonow adigoo yar haddii uu dhabarka jug ka soo gaarta mar kale ayuu kugu soo kici kartaa jugtaas.

✓Foosha oo dheerta waa qeyb ka mid ah in laga dhaxlo dhabar xanuunka.Hooyooyinka qarkood waxay ku rafadaan foosha waxayna u horseedaa in ay la noladaan dhabar xanuun.

✓Neerfiyasha dhabarka ku teedsan oo dhawac soo gaara hal mid ogsonow haddii neerfiyaasha dhabarka ku teedsan uu mid ka mid ah dhawac soo gaara dhawac wuxuu noqonayaa xanuun si jooga ah ula noolatid

✓Caabuq ku dhaca laf dheerta ama lafaha dhabarka oo isku dhaca waxay sahlaan in uu dhabarka jirado oo uu qofka la noolaado xanuun joogta ah.

✓Dhabarka waxaa ku teedsan muruqo kuwaas oo isku haya jirka,haddii uu dhabarka galo muruq waa ay adag tahay in la kala saaro lafta in ay tahay iyo in uu yahay muruqa, dhakhatiir inta badan wey ku wareraan in uu muruq yahay iyo in uu yahay lafta markaas oo kale waxaa lagu kala saraa Rajato, MRI iyo CT scan.

✓Fadhiga badan wuxuu dhawac gaarsiiyaa dhabarka dambe inta badan darawaliinta waxaa dhawac ka soo gaara qeybta dambe ee dhabarka.

Samee inta aadan aadin dhakhtar
1.Soco maalintii ugu yaraan 30 daqiiqo.
2.Jimcsi joogta ah samee oo dhanka dhabarka ah (Back training)
3-Dhabarka ku xiro suunka lagu tala galay in lagu xirto dhabarka.
4-Cab waxyabaha kulul sida sanjabiisha,toonta,basbaaska iyo maraq oo fil fil leh.

Dr Cadceed
Dr Mohamed

Taxanaha CaafimaadkaSalpingitis (Salbinjaaytis) - infakshan ku dhaca Tubooyinka1. Salpingitis waa caabuq ama infakshan s...
08/04/2021

Taxanaha Caafimaadka

Salpingitis (Salbinjaaytis) - infakshan ku dhaca Tubooyinka

1. Salpingitis waa caabuq ama infakshan saameeya ama ku dhaca tubooyinka makaanka waxaana caabuqaan dadka qaba kasoo daahda ama qalqal gasha caadada, marka ugu dambaysana waxa aad u yaraada fursadaha dhalmada gabadha

2. Salpingitis calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qoyaan ka yimaada xaga hoose gaar ahaan qoyaan midabkiisu badalan yahay, shirif la socda qoyaankaas, dhiiga caadada in gabadhu aad ugu xanuunsato iyo gabadha oo jamaaca dhexdisa ku dareenta xanuun zaaid ah

3. Sidoo kale calaamadaha cudurkaan lagu garto waxaa ka mid ah in dhiig yar yimaado inta u dhaxaysa labada wareeg ee caadada, dhabar xanuun, caloosha oo dhinac ama labada dhinac qofka ka xanuunta, qandho yar, dhabar xanuun joogta ah iyo lalabo marka qaar la arko

4. Xanuunkaan waxaa keena ama sababa noocyo ka mid ah bakteeriyada (bacteria), sidoo kale xanuunkaan wxaaa keeni kara cudurada lagu kala qaado galmada qaybo ka mid ah, haweenka la xanuunsan cudurkaan ayaa aad usoo badanaya marka loo eego sanadihii h**e

5. Waa cudur la daawayn karo aadna u fudud hadii si dhab ah loo baaro, iyada oo laga duulaayo astaamaha cudurkaan sidoo kale xanuunkaan waxaa dhici karta in saamayn uu ku yeesho galmada, timaha qofka oo daata, dhalmada iyo dhicis ama dilan inuu keeno

6. Vitaminada qaar oo qofka jirkiisa ka maqan, barar in gabadhu ka dareento xuddunta hoosteeda, iyo fadhiga oo aad u badan waa waxyaabaha sababta u noqon kara xanuunkaan, sido kale xanuunkani saamayn toos ah iyo mid dadban ayuu ku yeelan karaa ugxaanta

7. Exercise ama jimicsi in uu qofku sameeuo ay waajib tahay, cuntooyin in uu ka fogaado lagula taliyo iyo waxyaabo in uu cuno lagu taliyo ayaa jira marka laga hadlaayo xanuunkaan sidaa darteed la xiriir dhakhtarka kuugu djow hadiu aad isaga shakiso xanuunkaan.

Gaarsii Walaalaha Kale Si Taladaan U Caawiso


DrWaahinsabriye
Dr Mohamed

Address

Moha
Mogadishu
0612177250

Telephone

+252613431877

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category