Dr Shakaa

Dr Shakaa Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Shakaa, Doctor, Mogadishu, Mogadishu.

16/10/2022

MA ISKU ARAGTAY ASTAMAHAAN KHTARTA AH

Asxaabta so dhowaada inta kuxiran halkaan Waxaan idin wadaa markii aan daraaso soo sameeyey 6 waxyaabo oo qatar ah oo ad...
09/10/2022

Asxaabta so dhowaada inta kuxiran halkaan
Waxaan idin wadaa markii aan daraaso soo sameeyey 6 waxyaabo oo qatar ah oo adna aad ogeen

6 dawo oo awoodda ragga hoos u dhigta, aadna loo isticmaalo
Hoos u dhaca Awoodda ragga

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

1:)Xanuun-baabi'iye
Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

2:)Daawada walwalka
Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada.

Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

3:)Dawada dhiigga xinjirooba
Dawooyinka loo isticmaalo xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo cholesterol (Kolestaroolka), oo ah xinjirowga dhiigga, ayaa iyagana kaalin wayn ka qaata dhimista awoodda ragannimada.

Khubarrada caafimaadka waxay sheegeen in dawooyinkan ay faragelin ku sameeyaan hannaanka ay u shaqeeyaan unugyada taranka.

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in dawooyinka loo isticmaalo dhiig-xinjirowga ay mararka qaar sababaan dhibaato soo food saarta ragga marka ay gogosha la wadaagayaan xaasaskooda.

4:)Dawooyinka walwalka xad-dhaafka ah
Dawooyinkan oo afka qalaad loogu yeero "Benzodiazepines" waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagula tacaalo xanuunka walwalka xad-dhaafka ah, sida marka uu qofku ka cabsado waxyaabo aan jirin oo uu keligiis istuso.

Xanuunnada kale ee loo isticmaalo waxaa ka mid ah hurdo-la'aanta iyo murqo-xanuunka.

Laakiin, dhinaceeda waxyeellada waa in ay saamayso habsami-u-socodka unugyada taranka ragga iyo dareenka.

5:)Dawada Dhiig-karka
Bukaannada qaata dawooyinka loogu talagalay dhiig-karka ayaa sidoo kale la kulmi kara caqabad kale oo ah in ay awooddooda ragannimada hoos u dhacdo.

Dawooyinkan ayaa si toos ah ula fal gala xididdada qulqulka dhiigga oo sidoo kale ah kuwa la shaqeeya dareenka gogosha
Khubarrada qaarkood ayaa intaas kusii daray in xitaa ay jiraan dhibaatooyin ay dumarka qudhooda kala kulmaan dawooyinkan, kuwaasoo la xiriira xubnaha taranka.

6;)Dawada Sanboorka
Dawooyinka lagula tacaalo sanboorka, sida cuncunka gudaha sanka iyo hindhisada qayrul caadiga ah ayaa dhinaca kalena dhibaatadooda wata.

Waxay horseedi karaan caqabado ragga iyo dumarkaba kasoo wajaha dhinaca hammada. SHARE # Like ๐Ÿ‘ii saara

CUDURADA KUGU DHICI KARO HADII UU JIRKAAGA KA YARAADO  (Vitamin_A deficiency),waxaa jira cuduro farabadan kuwaas oo kaag...
02/09/2022

CUDURADA KUGU DHICI KARO HADII UU JIRKAAGA KA YARAADO (Vitamin_A deficiency),

waxaa jira cuduro farabadan kuwaas oo kaaga imaan karo hadii uu jirkaaga kuyaraado Vitamin_A waxaana kamin ah:-

1-Hurdo la aan( )
2-fiin doob( )
3-timaha ooku qalala( )
4-inuu ku adkaado maqaaarka(hyperkeratosis)
5-Inaad dareento daal( )
6-In aad hebeenki wax arki weydo( )
7-miisaankaga oo dhaca( )
8-inuu difaaca jirkaga naaquso( )
9-inuu saameeyo koritaanka( )
10-In isha lagu arko calaamad lagu magacaabo ,IWM

fadlan isticmaal cunooyinka laga helo Vitamins
Alle ayaa nimco nasiiyay iyo qeyraat waliba qudaar alx

W.Q:

Page-ka like saar siaad uhesho maclumaad dheeri ah una noqoto qofka ugu horeeyo ee kafaaideysta casharada aansoo gelino.mahadsanid

31/07/2022

Noocyada ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ ๐—๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š iyo Sida loo ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐จ.

๐’๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต sidoo kale xaga hoose ka wac ๐š๐ฌ๐ฑ๐š๐š๐›๐š๐ญ๐š๐š๐๐š, si ay uga faaideystaan.

๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ๐’๐€๐๐ˆ๐ƒ

31/07/2022

Busbuska daanyeerka waa cudur nadir ah kaas uu sababo caabuqa loo yaqaan (monkeypox virus). Cudurkani waxaa laga qaadaa daanyerada oo uu kudhaco una gudbiyo bani aadamka (zoonotic disease).

Dr zakariye abdullahi Turyare oo ah madaxa qeybta ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa (Infection prevention and control (IPC)) aya nala wadaagaya warbixinta iyo sida loga hortago caabuqan


Asxaapteyda videoka waa iimuhiim dhiirigilintiin Mahadsanidiin

27/07/2022

๐๐Ž๐…๐Š๐€ ๐’๐”๐”๐—๐’๐€๐ ๐๐ˆ๐˜๐Ž ๐Œ๐€๐‹๐€ ๐‚๐€๐๐’๐ˆ๐ˆ๐ ๐Š๐€๐‘๐€๐€?

๐’๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต sidoo kale xaga hoose ka wac ๐š๐ฌ๐ฑ๐š๐š๐›๐š๐ญ๐š๐š๐๐š, si ay uga faaideystaan.

๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ๐’๐€๐๐ˆ๐ƒiin

Taxanaha CaafimaadkaDadka ay calooshoodu fadhido waxaa ku Badan1. Baabasiirka2. Qabsinka3. Dibiryada Caloosha4. Gaaska i...
25/07/2022

Taxanaha Caafimaadka

Dadka ay calooshoodu fadhido waxaa ku Badan

1. Baabasiirka
2. Qabsinka
3. Dibiryada Caloosha
4. Gaaska iyo Daaca Qurunka

Cunista tufaaxa si maalinle ah waxay ka hortagta

1. Dufanka inu beerkaagu ku samaysmo
2. Dhagaxana in kilyshaagi ku samaysmaan
3. Dheefshiidka wuu fududeeyaa
4. Saxarada wuu jilciyaa

Dadka xasaasiyada qaba intooda bada

1. Xusuustoodu way yar tahay
2. Hurdada kadib waxay dareemaan daal
3. Iftiinka ayaa dhiba

Caruurta xafaayadaha loo xiro waxaa lagu arka

1. Diaper Rash oo ah nabarado yaryar barida uga soo baxa xafaayada ayaana keento
2. Ha marin Vaselin ama Cream kale
3. U mari barida iyo cajirada saliid cadey inta aadan xafaayada u xirin kahor

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay?
Fadlan page like noo Saar

24/07/2022

Qofka haduu wax wanaagsan sameeyo in ladhiira galiyo ayaa larawaa

24/07/2022

Address

Mogadishu
Mogadishu
MOGADISHU

Telephone

+252617041882

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Shakaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category