National Health Workforce Summit

  • Home
  • National Health Workforce Summit

National Health Workforce Summit The NHWS is an annual conference that brings together Somali health professionals

Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Shirkadda Qurxinta Xafladaha iyo Munaasabadaha ee Hundubey Events management oo si ha...
15/06/2023

Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Shirkadda Qurxinta Xafladaha iyo Munaasabadaha ee Hundubey Events management oo si hagar laโ€™aan ah dadaalbadan ku bixyeen suurta galnimad qabsoomida Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaaddka.

Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa Shirkadda Tiknolojiyadda iyo Tababarada ee Jamhuriya Technology Solutions - JTech, oo ...
15/06/2023

Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa Shirkadda Tiknolojiyadda iyo Tababarada ee Jamhuriya Technology Solutions - JTech, oo naga taageertay dhanka nashqadeynta iyo maamulida baraha bulshada Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka , oo maanta noogu soo idlaaday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Jazeera.

Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Somali Research &  Education...
15/06/2023

Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Somali Research & Education Network, oo naga taageeray dhanka farsamada ee Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed, oo maanta noogu soo xirmay Muqdisho.

SomaliREN waxa ay nagu taageertay barnaamijka maareynta shirarka ee SomaliREN Event Management System (SEMS), waxaana cilmibaarisyadii shirka laga jeediyay ku soo daabici doonnaa barnaamijka keydka cilmibaarista ee Somali Research & Education Repository (SORER) ee ay hirgelisay SomaliREN.

June 15 2023 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Dr. Ali Haj...
15/06/2023

June 15 2023 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Dr. Ali Haji Adam ayaa soo xirey Shir waynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo labo maalin ka socday Hotelka jazeera ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Xiritaanka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiro heer federaal ah, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hey'addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha Caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha Caafimaadka dalka oo dhan.

Shirka ayaa ahaa mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh taas oo kor u qaadeysa guud ahaan tayada iyo adkaysiga Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo, Cilmibaarisyo kala duwan oo dhamaan ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Shaqaalaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale Shirka laga soo jeediyey Khudbado kala duwan oo lagu dul istaagey hiigsiga tayeynta Caafimaadka iyo Shaqaalaha maadaama qeybta Caafimaadka ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan bulshada.

Ugu dambayntii Shirka Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ayaa laga soo saarey Warmurtiyeed ballaaran oo lagu faahfaahiyey nuquladii kasoo baxay shirka socday mudada labada maalin ee ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyada uu quseeyo Caafimaadka.

Certificates of Appreciations have been awarded to all NHWS2023 presenters.
15/06/2023

Certificates of Appreciations have been awarded to all NHWS2023 presenters.

Waxaa abaalmarino lagu doonsiiyay taabageliyayaasha shirweynaha qaran ee shaqaalaha caafimaadka.
15/06/2023

Waxaa abaalmarino lagu doonsiiyay taabageliyayaasha shirweynaha qaran ee shaqaalaha caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ๐‡.๐„ ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐—๐š๐š๐ฃ๐ข ๐€๐š๐๐š๐ง."Waxaan u mahadcelinayaa qof k...
15/06/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ๐‡.๐„ ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐—๐š๐š๐ฃ๐ข ๐€๐š๐๐š๐ง.

"Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo ka qeyb qaatey Shirkan, waxaan hirgellin doonnaa dhamaan qodobada kasoo baxay Shirka, waxaan sidoo kale diyaarin doonnaa Manhajkii Caafimaadka Qaran si aan u gaarno hiigsgeena horumarinta Caafimaadka Soomaaliya".

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข."Waxaa isoo jiitay in shirwayne qaran la qabto taas oo keenays...
15/06/2023

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข.

"Waxaa isoo jiitay in shirwayne qaran la qabto taas oo keenaysa in la horumariyo Caafimaadka Soomaaliya, waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano Shuucda lagu dhaqan gellinayo qeybaha Caafimaad".

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaad ๐‡.๐„ ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ซ๐ฒ๐š๐ฆ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง."Hadii uusan Caafimaad jirin ma jiri karto nolal wax...
15/06/2023

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaad ๐‡.๐„ ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ซ๐ฒ๐š๐ฆ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง.

"Hadii uusan Caafimaad jirin ma jiri karto nolal waxaan diyaar u nahay in aan dhageysano fikiradiina quruxda badan si aan u horumarino Caafimaadka dalkeena, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhallinyaradii ka shaqeysay qabsoomidda Shirkan"

๐’๐ž๐ง๐š๐ญ๐จ๐ซ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐Ž๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐ฅ๐ž."Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka S...
15/06/2023

๐’๐ž๐ง๐š๐ญ๐จ๐ซ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐Ž๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐ฅ๐ž.
"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhabarka u xirtay in la horumariyo Caafimaadka dalkeen".

Gabogabadii Shirweynaha waxaa laga soosaaray war murtiyeed soo koobaya shirweynaha waxaa soo jeediyay Agaasimaha isbitaa...
15/06/2023

Gabogabadii Shirweynaha waxaa laga soosaaray war murtiyeed soo koobaya shirweynaha waxaa soo jeediyay Agaasimaha isbitaalka Demartino ๐ƒ๐ซ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ณ๐š๐ค ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ (๐ƒ๐ซ๐‰๐š๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ฎ๐๐ข๐ข๐ง).

Dr Maxamed Xuseen Calasow Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Caafimaadka XFS."Waxaan u mahad celi...
15/06/2023

Dr Maxamed Xuseen Calasow Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Caafimaadka XFS.

"Waxaan u mahad celinayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS H.E Dr. Ali Haji Aden oo qabashada Shirkan noo xilsaaray, waxaan sidoo kale u mahad celinayaa cidkasta oo gacan ka geysatey Shirkan iyo cidkaata oo kasoo qeybgashey"

Address

Ministry Of Heath FGS Corso Somalia Street, Shangani, P.O. Box 22 Shangani Destrict Mogadishu +2526 Somalia

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when National Health Workforce Summit posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to National Health Workforce Summit:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram