Dr.Ahmed qanciye

Dr.Ahmed qanciye page kan waxan ugu tala galay in ka fa'ideystan walalaha somaliyed arimaha caafimadka.

Waa maxay dhiikarku-xanunka qarsoon(Hypertension-silent of disease)Dhiikarku waa marka uu kordho cadaadiska dhiiga ee xi...
24/03/2023

Waa maxay dhiikarku-xanunka qarsoon(Hypertension-silent of disease)
Dhiikarku waa marka uu kordho cadaadiska dhiiga ee xididada jirka.
sanado badan ayuu ku hayn karaa adoon ka warqabin wax calaamad ah oo muuqdana aan lahayn.
Calaamada dhiikarka.
-madax xanuun daran
- laab xanuun
-dawakhsanaan
-Neefsashada oo ku adag
-lalabo
-matagid
-aragga oo cakiran ama isbeddel aragga kale -walaac
-wareer
-dhegaha ka guuxaya
- dhiig sanka
- garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn

Daaweynta dhiikarka
-Cunista cunto caafimaad leh oo wadnaha leh oo leh milix yar.
-Helitaanka dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah.
-Joogteynta miisaan caafimaad leh ama dhimista miisaanka.
-Xaddidaadda khamriga.
-Aan sigaar cabbin.
-Helitaanka 7 ilaa 9 saacadood oo hurdo ah maalin kasta.

Waa maxay cudurka macaanka? Waa cudur dhaca marki sokorta dhiiga(blood glucose) ay  sara u kacdo. Sokorta dhiiga  ayaa a...
25/06/2020

Waa maxay cudurka macaanka?
Waa cudur dhaca marki sokorta dhiiga(blood glucose) ay sara u kacdo. Sokorta dhiiga ayaa ah isha ugu muhimsan ee ka helno tamarta taaso ka timada cunada aynu cuno. Dheecan loo yaqano (Insuline hormone) oo uu sameyo beeryarada, cawisa sokorta(glucose) katimada cuntada si ay u gasho unugyada jirka si loogu isticmaalo tamar. Insuline ta ayaa laso saarayn ama yaraaneyso taaso kenaysa in sokorta(glucose) ku badato dhiiga lana xarayn wayo sokorta(glucose)si loogu isticmaalo tamar taas aya waxa loo yaqana cudurka macaan(diabetes mellitus).
diabetes mellitus waxa lo qeybiya diabetes mellitus type I :waxa u ku badan yahay dadka yaryar halka diabetes mellitus typeII: waxa uu ku badan yahay dadka wa weyn.
Calaamadaha cudurka macaankaKaadi badanoon badan miisanko lumogaajo badanarago xumaadocaabuqo so noqnoqda.bogsashada dhawacyada oo daaho.cagaha ama suulko ku kababyodo.
Hadii aad isku aragto calaamadahan kor ku xusan ama qayb kamid ah iska hubi
Sida lola tacaalo cudurka macaanka
1. Xadidida sokorta dhiiga, adigo isla soconayo iskana cabirayo sokorta dhiga.
2. Iska yare subaga.
3. Iska yare cuntada ay ku badantahy sokorta sida canjeerta,bariiska,baastada IWM.
4. Isticmaal cunta dheeli tiran.
5. Samee jimicsi.

Cuntooyinka u wanagsan qofka qabo macaanka
= Qudaarta, Miraha,Ukunta, Malaayga,
Talo bixin: 1.joogtee cuntada sadex waqti kuna aadi qado,casho iyo qureec taas waxay keenaysa inay xadidnaato sokortada.
2. Iska yare qadashada cusbada,xadid qiyaasta sokorta goniga loogu daro malinti.
3. Samee jimicsi isbuuci 5malin.
N.B: isticmaal alada sawirka gurigaga dhigo si iskula socoto. Oo iska cabir xiliyada qar.
Mhdsanidiin

24/03/2020

Talaaboyinlan hada qado waxa helaysa cafimad dhamaystiran i.a.
1. Nadaafad guud iyo mid gaar ahaaned.
2. Cunta dheli tiran.cun qudaarta si fitamiinkaga(vutamin) kor ugu so kaco kadib difacada adkaado.
3. Samee jimicsi . Jimicsiga waxa u qeyb weyn ka qata cafimadkena.
4. Cab biyo badan malintii.
5. Seexo ugu yaran 7 saac.
6. Iska ilaali dhafarka iyo stress ka waxay ka qayb qatan hos udhac jirka iyo maskaxda oo lumisa xusuusaha.
F.G . Alle ku xirnow oo badi cibada oo raac wadoyinka alle nafaray kana har kuwa uu alle naga rebay wad liibani insha allah .

Waa maxay tiifow(typhoid fever)Waa caabuq(infection) keeno bakteri(bacteria) looyaqano salmanolla typhi taaso sababi kar...
23/01/2020

Waa maxay tiifow(typhoid fever)
Waa caabuq(infection) keeno bakteri(bacteria) looyaqano salmanolla typhi taaso sababi karta qandho sare, shuban iyo mataq.
Xili huuriska tiifowga waa 10_14 maalin
Cudarkan waxa uu ku gudbaa
1.laqida saxaro bakteriýada tiifowga wadato rashin raacdo
2.saxarada çaruurta marka laga dhaqo o gacmaha la iska meyrin.
3.biya aan la jeermis dilin.
Calaamadaha tiifowga
Qandho
Madax xanuun
lalabo
Murqa xanuun
Dhaqaaqa wadnaha oo yaraada
Caloosha oo xiranta
Shuban caruurta

Nabro yaryar oo xabadka ka soo baxa
Qufac
Caloosha oo bararta
Shuban

Side uga hortagi kara tiifowga
Iska dhaq gacmaha intada cunin cunto
Marka suiliga kaso baxdo gacmaha saabun iskaga dhaq
Biyo naďiif oo la ksrkariyay hadana laqabojiyay cab.
Cun cunto nadiif oo ku qasmin wax qashin.kafogow cunto aan si fcn loo dabolin ama iska kuleyli .
Latalin
Marwalba ku dadaal nadaafada guud iyo tan gaar ahaan
Hadii qandho ku hayso cun xanun baabiye ,h**eyna iskaga ubooqo xarun cafimad silagaga baaro hadu ku hayana làgaga daweyo


# Mahadsanidiin #

12/01/2020

Caabuqa qumanka(tonsilitis)
Qumanka(tonsilis)
Waa laba qanjir oo ku yaalo qeyta danbe ee dhunta ugana yalo labada dhinac wana sida ukunta oo kale.Shaqada qumanka waa in ay ka difaacan jirka bactrriysda(bacteria) iyo fayruska(virus) ilma aragtada in ay soo galin jirkeena.
Quman waa caabuq ku dhaca qanjirada ku yaala dhunta labada dhinac oo ay keento jeermis .
bacteriyada ugu badan ee kento waa (streptococci)
Virus yada keno wxa kamid

adenovirus, rhinovirus, influenza, parainfluenza, coronavirus, respiratory syncytial virus,Epstein-Barr virus, herpes simplex virus, iyo cytomegalovirus.
Waxa lagu kala qadi karaa cudurkan
Dhibca dhibco afka kasoo duulay afka qofka qabo marku qufaco,hindhisoodo iyo shumiska (deep kissing)

Calaamadaha Qumanka
Qandho ka sareeyso 38°C
Qarqaryo ama dhaxan
Daal
Murqa xanuun
Xanuun dhuunta oo uu wax laqi waayo
Barar qanjirada dhuunta
Wax cunis la'aan
Guduudasho qanjirada markii la fiiriyo gudaha
Lalabo
Matag
Qufac
Baarit
Neefto adkaato
Af_ shiir
Baaritaanka qumanka
Calaamadaha qofka oo shegta(history taking)
Dhuunta marka la firiyo qanjirko guduudan la'arko ama bararsan ama dhibco cadcad ama jaale ah.
Dhagaxan lgu arko ku jiro qumanka
In dhecan laga so qato qumanka(Swap test) si loo hubiyo in bacteria kentay iyo in vurus kenay wa hadì lo bahdo
Dawayntisa waa antibiotics loona fiirindona darnaanshaha bukanka.
Sida loga hortago qumanka
Wa cudur ku fida si fudud
Waxadse uga hortagi karta.
Adigo ka dherada qofka qabo qumanka.
Adigo iska dhaqa gacmaha markasto salaanto ama tabato qof qabo qumanka.
Adigoo lawadaagin cuno ama cabitaan qofka qabo qumanka.
Dhibaatoyinka uu keni karo quman xanunka hadii ladawyn

Dhaga xanuun.
Qumanko malax gasho.
Hurda xumo markay aadka ubararan .

Talo bixin
Hadii aad qabto Subaxa h**e isticmaal biyo qandacsan oo cusba leh ku luqluqo taas waxay sahlaysa in jeermiska mesha ka saarto.
Nasiino qaado,cab biyo badan
Qaado qandha jabiyo paracetonol ama ibuprofen
F.G si markasta difaacada usareyo cun qudarta iyo cunooyinka vitaminska haduu difaacada dhismo jirkada waxa uu awodi dona inu iska difaaco cudura badan.

Wax ka baro gaas calooledka oo ah mid ku badan bulshadaWaa caabuq  ama boog ku timaadda dahaadhka  caloosha. Waxaa uu u ...
09/01/2020

Wax ka baro gaas calooledka oo ah mid ku badan bulshada
Waa caabuq ama boog ku timaadda dahaadhka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada(chronic)
Maxa keeno gaas calooledka?
Gaas caloledka waxa loo aaneya waxyabo kala duwan
1. Bacteria lo yaqano helicopacter pylori.
2. (Qamriga)Alcohol
3. Isbuuqa( stress)
4. Qofka u gambiyo xiligi cuntada uu cuni jiray.
4. Inaa isticmasho dawooyinka anti inflammatory drugs ama qandha jabiyasha sida asprin ka.
Calaamadaha gaaska
1. Calool xanun,dibiro, mataq (mararka qaar dhiig lasocdo),saxara dhiig(saxarado madobato), kuleyl iyo kor hur(qasatan calaacasha iyo lugaha iyo calosha).
Hurdo xumo,wadna garaac iyo madax xanun
Qofka wu daremi kara kuli ama qeyb kamid ah calamadahan.
Waxa jiro arin si qaldan bulshadena u aminsantahy qofka hadi uu dhiig mataqo inu gaaska ka fiicnaanayo wana mid qaldan wayo waba uu xogaystay fadlan booqo xarun cafimad
Waligana iska ilali ina qadato dawo aan lagu qorin wayo faidada ka dayaysid qasaraha ey kuu keynaysa ka badan.
Waxa uga hortagi karta gaaska

1. Cun cunto dheeli tiran
2. Ha isticmalin asprin iyo qamri.
3. Sameyso waqti qas oo cuntaysid hana u ganbin .
4. Samee jimicsi.
5. Walwalka ama fikirka iska ilaali ama iska yaree.

Xiliga gaaska ku hayo ha isticamalin basbaaska,cuntada dufanka leh, cujtoyinka la qamiiriyay iyo cuntoyinka dhananka ku badanyahy
Isticmaal malab saafi ah,babaayga, cuntooyinka qolofta leh iyo caana dhey ah oo aan dhananeyn(ciir ahayn) xiliga jiifka wayo acidka(aash*tada calosha)ayay dajiyan.
Talooyinka
1. Isticmaal dawooyinka sida uu dhaqtark ku shegay.
2. Biya badan cab malintii
3.Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
Mahadsanidiin

Address

Mogadishu
Mogadishu
1495

Telephone

+252616872262

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Ahmed qanciye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Ahmed qanciye:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category