27/11/2022
CUDURKA GAASKA iyo BAKTEERIYADA H. PYLORI?
waa nooc kamid ah bacteria-da caanka ah oo soo jireenka ah, taasoo ku dhex nool kuna dhex korta habdhiska dheefshiid ka bani’aadamka khaas ahaan caloosha iyo mandhicirada yaryar, bacteria-daan waxay awood u leedahay inay weerarto oo burburiso gidaarada caloosheena iyo mandhiciradeena, qiyaastii 60% dadka da’doodu ka wayntahay 18sano ee caalamka ku nool ayay saamaysaa bacteria-daan.
H.pylori badanaa wax samayn caafimaadaro ah ma gaysato balse xiliyada qaar ayay sababtaa in ay dhaawacdo nabarna ku samayso gidaarada caloosheena iyo mandhiciradeena.
Tixraaca:
————-
Erayga H=waxa uu macnahiisu yahay, Helico=taas oo laga soo dhiraan dhiriyay, Greek =taasoo micnaheedu yahay =Spiral= duuduuban, waana Bacteria duuduuban.
Bacteria-daan H.pylori waxay jirkeena khaas ahaan caloosheena iyo mandhiciradeena ku abuurantaa xiliga caruurnimada, xiligaas ma ay ku keento jirkeena wax calaamado ah, dadka qaybtood markay waynaadaan oo ay qaan gaaraan ayay calooshooda iyo mandhi ciradooda ku samaysaa boogo ama Nabarro markaas oo ay calamadaha cudurkaan yeelanayaan.
Bacteria-daan waxay ku dhex tarantaa ama ku kobocdaa caloosha dhexdeeda, waxaana arintaan u sahlaya qaabka ay u samaysantahay oo ah (Spiral, ama Duuduuban) iyo sidoo kale caloosha oo ay kala dirirayso aash*tada (Acid-ka) ay soo siidayso, aad ayayna ugu adkaanaysaa inuu dhifaaca jirkeena iska dhiciyo bacteria-daan, aakhirkana khatar nololeed ayay ku keenaysaa qofka iyo xitaa geeri.
Maxaa Sababa Cudurkaan H.pylori (Causes of H.pylori):
———————————————————————–
Wali sabab sax ah lagama hayo asal ahaan waxa sababay bacteria-daan inay jirkeena ku abuurmato, walise cilmi baaris ayaa lagu wadaa, kumanaan sano inay soo jirtayna waa la ogaaday.
waxyaabaha fududeeyn kara inuu qofku cudurkaan qaado waxaa kamid ah:
(1)- in qof uu qof kale u gudbiyo asagoo la wadaagaya, Cabid, Cunid, gacan qaadka (handshake)ama Dhunkasho.
(2)- Saxaro afka kuu gasha siday kugu gali kartana waa, adigoo saxarooda markaa saxarootid ka dibna aanan faraha iskaga dhaqin biyokulul iyo sabuubuun dabadeedna cunto ku cuna.
(3)- Biyo wasakhaysan oo uu qofkucabo.
(4)- Cunto wasakhaysan oo uu qofku cuno.
La soco qeybaha xiga
Mahadsanid.