27/03/2020
CASHIRKII 3-AAD EE BARASHADA CUDURAADA MAQAARKA
□ Skin: Appendages (Waxyaabaha lagu lifaaqo maqaarka
1. . Nail cidiyaha qaabdhismeedkeeda waxaa ka qeeb qaato maadada loo yaqaano keratin
▪ Keratin. Waa protein tasoo ah furaha qaabdhismeedka
Tinta.
Cidiyaha.
Maqaarka.
Waxaana laga helaa qaybta ugu saraysa ee maqaarka. (Epiderms)
2. Hair follicle: waa unug dhaq dhaqaaqa lagana helo maqaarka naasleeyda. ( mammalian) waxaana laga helaa qaybta lagabka labaad ee maqaarka wuxuuna kasamaysanyahay 20 unug oo kala duwan waxayna nidaamiyaan shaqada koriinshaha tinta.
3. Sebaceous glands: ( qanjirada saliida ee maqaarka)
Waa qanjiro soo saara saliida yar ee lagahelo maqaarka naasleeyda (mammalis) waxayna soo saaraan dufanka waxayna kubadan yihiin wajiga iyo mafaxa .
□ Sweat glands: ( qanjirada dhididka)
Waa qayb kamid ah unugyada qanjirada ee qashin saarka jirka waxayna usaaraan dhididka qaybta sare ee maqaarka ( Epidermis) iyaga oo sii marsiinaya duleelada maqaarka.
Lasoco cashirka xiga fadlan
Like Share