01/02/2024
Malabka Lamaanaha Iyo Farsamooyinka La Isticmaalo
Caadi ahaan malabka waa noocyo badan yahay waxaase jira laba nooc oo ka mid ah malabka oo ah kuwa ugu fiican waana malabka cad iyo malab gaduudan inkastoo labadaba sii kala fiican yihiin
Malabku wuxuu u fiican yahay qulqulka dhiiga, wuxuu kor u qaadaa awoodda wadnaha wuxuuna xoojiyaa taranka labada lamaane wuxuu sifeeya dhiiga wuxuuna daawo u yahay cagaarshowga
Faaiidooyinka malabka ma ahan wax lasoo koobi karo wuxuuna sidoo kale ka ilaaliyaa beerka in dufan ku samaysmo wuxuu daawo u yahay nabarada kasoo baxa afka, bishimaha iyo carabka
Waxaa maalmahan aad usoo badanaya malab la sheegay inuu si gaar ah ugu fiican yahay raganimada oo marka ninku cabo dareenkiisa kor u qaada taas oo dad badan ay aad u iibsadeen
Caafimaad ahaan ma jiro malab u gaar ah lamaanaha ama gogosha balse xeelada ay isticmaalaan dadka ama shirkadaha malabkan gada ayaa ah inay dawoyin kale ku daraan malabka
Maadooyinka dabiiciga ah ee malabka ku jira iyo daawooyinka lagu daro malabka ma ahan kuwa is qaadanaya caafimaad ahaan waxaana qofka ku keeni doonaan halis iyo khataro caafimaad
Xanuunada laga dhaxlo malabka ay ku sheegaan malabka lamaaja waxaa ka mid ah sokor, dhiigkar, kalastarool, xanuuno maskaxda ah, unugyada dhiiga oo isbedela iyo qanjirada oo shaqada yareeya
Sidaa darteed malab hadii aad isticmaalayso ha noqdo malab saafi ah oo aan wax sokor ah ama daawooyin kale lagu darin, malabka ugu fiican qofku isticmaali karana waa malab caddaha
Dr Waahin Sabriye