01/03/2025
๐ฅWacyigelin ku saabsan *Canbaarta ku dhacda Jidhka* (Tinea corporis)
*Tinea Corporis*(Canbaarta Jidhka) waa infekshan fungal ah oo ku dhaca maqaarka, waxaana uu ku dhici karaa qayb kasta oo jidhka ka mid ah, marka laga reebo cagaha, timaha, wejiga, iyo ciddiyaha. Waxaa badanaa loogu yeeraa "Ring worm" sababtoo ah wuxuu soo baxaa iyadoo ay ka muuqdaan meelo wareegsan oo caadi ah.
*Yaa qaadi kara Tinea Corporis?*
Tinea corporis waxaa laga helaa inta badan adduunka, gaar ahaan meelaha kuleylka iyo qoyaanka badan uu ka jiro. Cudurkaan waxaa inta badan lagu arkaa carruurta iyo dadka dhalinyarada ah.
*Waxyaabaha keeni kara ee la xiriira dhinaca caafimaadka:*
- Infekshan tinea h**e ama isku mar ah
- Sonkorow (Diabetes mellitus)
- Nidaamka difaaca jirka oo daciif ah (Immunodeficiency)
- Dhidid Xad-dhaaf ah (Hyperhidrosis)
- Maqaarka oo qalalan (Xerosis)
- Xanuunka ichthyosis (Ichthyosis)
*Waxyaabaha keeni kara ee la xiriira dhinaca deegaanka waxaa ka mid ah:*
- Guryaha dadka badan ay ku nool yihiin (Household crowding).
- Haynta xayawaanka guriga
- Xidhashada dhar culus ama xiran (Wearing occlusive clothing)
- Hawlaha madadaalada ee ku lug leh xiriir dhow oo lala yeesho dadka kale, oo ay ku jiraan musqulaha wadaagga ah (Recreational activities involving close contact with others including shared change rooms).
*Maxaa keena Tinea Corporis?*
Tinea corporis waxaa ugu badnaan keena fangaska dermatophytes ee ka tirsan qoysaska *Trichophyton* iyo *Microsporum*. Noocyada *anthropophilic* ee *T. rubrum* ayaa ah sababaha ugu badan ee keena tinea corporis adduunka oo dhan.
*Sida ay ku faafto Tinea Corporis*
Tinea corporis waxay ku faafta iyadoo fangaska spores ka soo daataan maqaarka infected-ka. Faafidda waxaa fududeeya deegaan kulul iyo qoyan, iyo wadaagga agabka sida sariiraha, tuwaalada, iyo dharka. Cudurka dermatophyte ee ku dhaca qeybaha kale ee maqaarka, sida *tinea pedis* (canbaarta cagaha), sidoo kale waa la gudbin karaa. *Waqtiga inkubation-ka* waa 1 ilaa 3 toddobaad. Dermatophyte-ku wuxuu ku dhaca oo ku faafaa *stratum corneum* (lakabka sare ee maqaarka), laakiin ma awoodi karo inuu soo galo lakabyada kale ee maqaarka caafimaadka qaba.
*Calaamadaha Caafimaad ee Tinea Corporis*
Tinea corporis waxay marka h**e ku bilaabataa *dhibic casaan ah oo wareegsan* oo leh xuduud sare oo qalloocan. Meesha dhaawacu waxay ka faafisaa bartamaha, taasoo keenta in ay sameysanto *qaab wareeg ah* oo leh *hypopigmentation* (midab-bixin hoose) bartamaha iyo *xuduud casaan oo qalloocan* (canbaarta). Xuduudda dhaawaca waxay noqon kartaa *papular* (boog la taaban karo) ama *pustular* (malax ku jirto). *Cuncun* waa calaamad caadi ah. Wakhti ka dib, *dhibicooyin badan* ayaa ka soo bixi kara oo waxay isku biiri karaan si ay u sameeyaan *qaab polycyclic* (qaab wareegsan oo isku xiran).
W/Q: Abdikadir M. Abdullahi