Brain Story

Brain Story Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Brain Story, Mental Health Service, Maka Al-Mukarama Street, Mogadishu.

This is the official page of Brain Story Organization(BSO), a Somali-led non-profit dedicated to addressing the deep and enduring mental health crisis in Somalia.

Brain Story Waxa ay idinku casuumeysaa webinar ku saabsan Su***de Prevention, ama ka hor-tagidda qataraha isdilka nafeed...
19/09/2025

Brain Story Waxa ay idinku casuumeysaa webinar ku saabsan Su***de Prevention, ama ka hor-tagidda qataraha isdilka nafeed. Maadaama bishaan tahay bisha uu adduun-weynaha u aqoonsaday bisha wacyi-galinta qataraha isdilka nafeed, waxaan annagana bulshada Soomaaliyeed ku wargalineynaa kaalinteenna wacyi-galinneed ee ku aaddan mowduucaan, waxaana Google meeting-ka ku qaban doonnaa wacyi-galin ku saabsan mowduucaas habeenka Jimcaha ah ee soo socda Insha Allah-taariikhduna tahay 26-da bisha 9-aad, saacadda markee tahay sideedda fiidnimo-20:00pm(8:00)EAT.

Kasoo qeyb-galkiinnu waa noo muhiim. Mahadsanidiin.







***dePrevention

Brain Story waxa ay bulshada Soomaaliyeed usoo jeedineysaa wacyi-galin ku aaddan World Su***de Prevention Day (WSPD) 10t...
12/09/2025

Brain Story waxa ay bulshada Soomaaliyeed usoo jeedineysaa wacyi-galin ku aaddan World Su***de Prevention Day (WSPD) 10th-September iyo World Su***de Prevention Month (WSPM), oo ah bisha aan ku jirno.

Qofkasta oo kamid ah bulshada waxaa macquul ah inuu la kulmo qatar kamid ah qatarooyinka uu qof naga mid ahi nafta isku dhaafin karo, si aan u badbaadinno kuwa aan jecelnahay waa inaan dhammaanteen muujinnaa taxaddar ku aaddan fikiradaha qatarta galin kara nafaha bani’aadamka.








29/08/2025

Wax ka fahan xanuunada nafsiga ah ee ku dhaca Hooyooyinka, marka ay ummulaan kadib.

Marka xuquuqda qof keliya la duudsiyo, dhammaanteen ayey na saameyneesaa, aan codkeenna kor u qaadno maanta iyo maalin w...
19/08/2025

Marka xuquuqda qof keliya la duudsiyo, dhammaanteen ayey na saameyneesaa, aan codkeenna kor u qaadno maanta iyo maalin walba, waayo qofkasta wuxuu leeyahay xuquuq aas-aasi ah.

World Humanitarian Day.

Brain Story waxa ay idinku casuumeysaa mowduuc ku saabsan; "fahamka xaaladaha nafsiyeed ay dareemaan hooyooyinka marka a...
18/08/2025

Brain Story waxa ay idinku casuumeysaa mowduuc ku saabsan; "fahamka xaaladaha nafsiyeed ay dareemaan hooyooyinka marka ay umulaan kadib".

Umusha kadib hooyooyin badan ayaa dareemo xaaladaha "QULUB-ka", waxaan hooyooyinka iyo gabdhaha isku diyaarinaayo hooyannimada u rajeyneenaa in ay fahmaan xaaladaha ku gadaaman umusha kadib. Sidoo kale aabbayaasha waxaan u rajeyneenaa in ay xaaladahaan wax ka bartaan si ay u badbaadiyaan xaasaskooda iyo ubadkoodaba.

F;G-Kasoo qeyb-galkiinnu waa noo muhiim.
https://forms.gle/Dv7WYEhu4aj2NVcT7
Qofka rabo in uu kaso qeyb-galo, fadlan iska diiwaan gali link-gaan, si aad u hesho link-ga kasoo-qeybgalka. Mahadsanidiin.

11/08/2025

Moments like these don’t just happen, they are built with passion, purpose, and people who care. This is more than an event, it’s the beginning of a movement.Thanks to Ministry of Health- Somalia, Hormuud Telecom, Brain Story, Somali Mental Health Association , and special thanks to everyone who made this possible. , ,

02/08/2025

DOOD-WADAAGGEENNII LABAAD:
Cinwaanka: “Badbaado Online ah, Maskax Badqab ah – Adkeynta Asturnaanta Dijitaalka ah oo ah Xalka Muhiimka ah ee Dhallinyarada.”
Dooddan muhiimka ah waxay xoogga saartay saameynta tooska ah ee ilaalinta xogta gaarka ah iyo asturnaanta dijitaalka ah ku leedahay badbaadada maskaxda ee dhallinyarada. Waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha ay dhallinyaradu la kulmaan marka ay adeegsadaan internet-ka — sida faafinta xogtooda iyaga oo aan ogayn, hanjabaadaha cyberbullying-ka, iyo saameynta ay arrimahaas ku leeyihiin caafimaadka nafsaaniga ah.

Waxay dooddu sidoo kale iftiimisay muhiimadda wacyigelinta joogtada ah, barashada xirfadaha ilaalinta asturnaanta, iyo baahida sharciyo cad oo nidaamiya xogta dijitaalka ah. Maadaama dhallinyaradu yihiin adeegsadayaasha ugu badan ee baraha bulshada, waxay u baahan yihiin aqoon iyo taageero si ay uga badbaadaan khataraha online-ka.
Martida fadhiga:
Cabdifitah Mohamed,
Ismahaan Mohamed,
Osman Ahmed Aden,
Abdirahem Qasim
Moderator: Axmed Dhuubow



31/07/2025

DOOD-WADAAGA 1-AAD: MUHIIMADDA CAAFIMAADKA MASKAXDA EE DHALLINYARADA

Dood-wadaageennii koowaad oo lagu lafa-gurayay “Muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka maskaxda, gaar ahaan dhallinyarada”. Dooddu waxay iftiimisay sida ay muhiim u tahay in dhallinyarada la baro adkaysiga duruufaha adag ee saamaynaya dareenkooda, si toos ah ama si dadban.
Martida fadhigan waxaa ka mid ah:

Dr. Axmed Jaamac Shidane
Dr. Raxma Abdulkadir Mohamed
Dr. Hanna Cabdiraxmaan
Col. Maxamed Cabdullaahi
Daadihiso: Su’ad Arif



29/07/2025

Mohamed M.Aden Barawaani, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaay martidi ka hadashay madashi qabsoontay 24ti bishaan, taas oo looga hadlaayay, “Saamaynta ay BarahaBulshada ku leedahay Caafimaadka Maskada ee Da'yarta Soomaaliyeed”. Maxamed ayaa sidoo kale ahaay matalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom oo iyada laheyd kaalinta taakuleynta ee madasha, sidoo kale qabsoomidda madashaan waxaa suura-galiyay Ministry of Health- Somalia, BSO, iyo Somali Mental Health Association .

29/07/2025

Amb Mohamed Ali Nur Ameeriko, ayaa sidoo kale kamid ahaay martidi ka qeyb gashay madashi Brain Story ee 24ti bishaan ka qabsoontay Xamar, taas oo looga hadlaayay, “Saamaynta ay BarahaBulshada ku leeyihiin Caafimaadka Maskada ee Da'yarta Soomaaliyeed”. Madashaan ayaa waxaa suura-galiyay Ministry of Health- Somalia, Hormuud Telecom, BSO, iyo Somali Mental Health Association. .

28/07/2025

Sheikh Abdulhayi Sheikh Adam, ayaa sidoo kale kamid ahaay martidi ka qeyb gashay barnaamijki ay Brain Story host gareysay 24ti bishaan, kaas oo looga hadlaayay, “Saamaynta ay BarahaBulshada ku leeyihiin Caafimaadka Maskada ee Da'yarta Soomaaliyeed”. Madashaan ayaa waxaa suura-galiyay Ministry of Health- Somalia, Hormuud Telecom, BSO, iyo Somali Mental Health Association. #

Address

Maka Al-Mukarama Street
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Brain Story posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Brain Story:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram