Dr Sayid Ali Ahmed Shardi

Dr Sayid Ali Ahmed Shardi Anfac Media

  oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad  ahaan loo yaqaannaa " ", inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad ...
25/01/2023

oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa " ",

inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad dhaaf ka noqoto laakiin ma gaaraan heer ay dhiig badan lumiyaan oo la dhihi karo waxay qabaan "Menorrhagia" dhiig-bax caadada ah.

Haddii aad qabtid xaaladdaan, mar kasta oo caadada kugu dhacdo waxaad dareentaa dhiig badan iyo casiraad xagga caloosha hoose ah oo aad xanuunka dareento.

garto waxaa ka mid ah:
- In calalkaaga ay buuxsamaan saacaddiiba mar dhowr saacadood oo isku xigxiga.
- Baahi aad u qabto in aad hurdada ka soo toosto si aad calalka u badalato.
- Caadada oo socoto hal isbuuc ama ka badan.
- Caadada oo soo raacaan xinjirro waaweyn
- Howl maalmedkaga oo si sahlan u qabsan karin.
- Inaad isku aragto tabardarri, daal iyo neefsashada oo ku dhibto kuwaas oo daliil u ah in dhiig yari ku hayso.

Haddii aad isku aragto calaamadahaas kor ku xusan waxaad u baahanthay in takhtar aad la xiriirtay si laguu daaweeyo.

maxa Sababo Menorrhagia ama Cadado badta

1- Hormooniska oo isku dheellitirneyn
2- Ugxan sidaha oo sidii laga rabay u shaqayneynin.
3- Buro ka soo baxdo minka oo loo yaqaanno "Fibroid"
4- Fiix ka soo baxa dahaarka gudaha minka.
5- In qanjirrada minka iyo murqaha is dhex galaan oo keenaan cudur loo yaqaanno "Adenomyosis"
6- Haddii lagugu xiray qalab ka hortaga uurka.
7- Dilan uur ka dib wuxuu u ekaan karaa, caado xad dhaaf ah.
8- Kansar midka ku dhaca ugxan sidaha iyo afka minka.
9- Daawooyinka qaar sida: kuwa ka hortaga caabuqa iyo kuwa ka hortaga xinjiroobista dhiigga.
10- Xaalado caafimaad qaar sida Infekshanka ku dhaca haweenka, cillad xagga qanjirka toroodhka, xanuun ku dhaca dahaarka minka iyo hawlgabka kilyaha

Yaa Halis ugu jiro.Xanuunkan

1- Gabdhaha qaangaaray mar dhow oo sanadkooda ugu horreeya ku jira
2- Haweenka ku sii scodo dhalmo deyska kuwaas da' ahaan u dhaxeeya 40 illaa 50 sano.

Maxaa Kadhasho Xanuunkan

Baaritaannada lagugu samayn karo haddii aad takhtar la xiriirtid waxaa ka mid ah:
1- Baaritaan dhiigga ah
2- Baaritaan afka minkiisa ah
3- Baaritaan cad laga qaadayo minka.
5- Ultrasound ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyutar".
6- Raajo dheeh wadato oo minka iyo tubooyinka la saaro.


Markii takhtarka baaritaan buuxa iyo wareysi kula yeesho waxaa lagu siin doonaa daawooyin isugu jira kuwa dhiigga sare u soo qaado, xanuun baabi'iyayaal iyo daawooyin yareeya caadada badan kuwaasoo ka mid noqon karaan daawooyin ka hortagga uurka.


Haddii daawooyinka wax kuu tari waayaan waxaa jira dhowr qalliin loogu talalagalay xaaladdaan taasoo tii kugu habboon takhtarka kugula talin doono.

gareey oo gaarsiii asxaabtada

Dr Sayid Ali

Address

Sayidcali7890@gmail. Com
Mogadishu
252

Telephone

+252 61 5498244

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Sayid Ali Ahmed Shardi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Sayid Ali Ahmed Shardi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram