Hafsa Mohamud Mohamed

Hafsa Mohamud Mohamed Psychologist,counsellor,trainer and educator.

17/05/2025

๐Ÿ—“๏ธ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š๐š๐ฌ ๐Œ๐ž๐ž๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐จ โ€“ ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“!

Walbahaarka (Stress) ma saameeyaa noloshaada shaqsiyadeed ama shaqadaada?
barnaamijkeenna cusub ee โ€œMastering Stress Managementโ€ wuxuu noqon doona xalkaaga!

Kusoo biir munaasabaddan gaar ah oo ka dhici doonta Muqdisho, si aad u barato xeelado wax ku ool ah oo kaa caawinaya inaad:
โœ… Fahamto walbahaarka
โœ… Barato sida loo xakameeyo xilliyada adag
โœ… U daryeesho maskaxdaada iyo dareenkaaga

๐Ÿ“ Goobta: Muqdisho
๐Ÿ“† Taariikhda: 29-ka May 2025
๐ŸŸข si aadan u seegin: https://forms.gle/gxd4ecsRSwfFkq4u8
๐Ÿ“ฒ La xiriir Number-kan : 0614733332

02/05/2025

ุฌูู…ุนุฉ ู…ุจุงุฑูƒุฉ ๐Ÿค
Rasuulka ๏ทบ wuxuu yiri:
"Jimce kasta waxaa jiro waqti ducooyinka la aqbalo. Haddii qof Muslim ah uu Alle baryo saacaddaas, Ilaahay wuu ka aqbalaa."
(Saxiix Bukhari & Muslim)

Jimcaha waa maalin barakeysan โ€“ waa fursad qaali ah oo lagu xoojiyo xiriirka Ilaahay, laguna helo naxariis iyo dambi-dhaaf.

๐†๐จโ€™๐š๐š๐ง ๐‹๐šโ€™๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐œ๐ข๐ข๐Ÿ๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐–๐š๐š ๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ง ๐๐š๐Ÿ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐Cilmi-baarisyo h**e ayaa muujiyay in qofka oo ku adkaada goโ€™aan q...
19/04/2025

๐†๐จโ€™๐š๐š๐ง ๐‹๐šโ€™๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐œ๐ข๐ข๐Ÿ๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐–๐š๐š ๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ง ๐๐š๐Ÿ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐

Cilmi-baarisyo h**e ayaa muujiyay in qofka oo ku adkaada goโ€™aan qaadashada โ€“ xitaa marka uusan si cad ugu muuqan dhibaato โ€“ ay la xiriiri karto hoos u dhac ku yimaada shaqada garashada maskaxda (executive functioning). Tani waxay si gaar ah ugu muuqataa xaalado nafsiyeed sida niyad-jabka (depression) iyo walwalka joogtada ah (generalized anxiety disorder).

Daraasado ay sameeyeen Tversky & Kahneman (1981) iyo cilmi-baarayaal kale oo ku takhasusay neuropsychology-ga ayaa caddeeyay in culeyska nafsiyeed uu si toos ah u wiiqo awoodda maskaxda ee falanqaynta, qorsheynta, iyo xalinta dhibaatooyinka.

Sidaas darteed, marka aad aragto qof si joogto ah u muujinaya goโ€™aan laโ€™aan ama ka fogaansho masโ€™uuliyad, ha u fasiran daciifnimo shakhsiyadeed, balse u fiirso in ay noqon karto astaan muujinaysa xaalad nafsiyeed. Waxaa muhiim ah in qofkaasi helo qiimeyn iyo talo-bixin xirfadeed oo uu la kulmo dhaqtar cilmi-nafsiyeed (psychologist).


17/04/2025

๐ŸŽฅ Qeybta 3-aad ee Wareysiga Xaaladaha Nafsiga ah
qof aan u bahneyn maajiro faham iyo taageero nafsiyeed?

๐Ÿ‘ฉ๐Ÿฝโ€โš•๏ธ Hafso waxay si qoto dheer u sharxeysaa muhiimadda la-talinta iyo daaweynta xirfadeed ee lagu caawin karo dadka wajahaya xaaladaha nafsiyeed sida walbahaarka, murugada, iyo xaaladaha kale ee maskaxda.

โœจ Is ogow, is taageer, is badbaadi.
๐Ÿ‘‰๐Ÿฝ Daawo, la wadaag, oo noqdo codka isbeddelka!

Waa caadi in aad dareento daal ama niyad jab โ€“ muhiimadu waa in aadan halkaa ku nagaan.Xasuusnow:โœ… Qof kasta wuu horumar...
12/04/2025

Waa caadi in aad dareento daal ama niyad jab โ€“ muhiimadu waa in aadan halkaa ku nagaan.

Xasuusnow:
โœ… Qof kasta wuu horumari karaa
โœ… Wax walba way hagaagi doonaan
โœ… Adiguna waad mudan tahay farxad & nabad nafsiyeed

Isku day inaad naftaada fahanto, kuna dadaal kobocaaga.
Dr. Hafsa โ€“ Garab kaa ag dhow! ๐Ÿ’™

Hafsaโ€™s Counselling Services Available Online ๐Ÿ’ป๐Ÿ’ฌIsla shekeysiga kaligaa jooji oo kulan la yeelo drsda adigoo jooga gurig...
11/04/2025

Hafsaโ€™s Counselling Services Available Online ๐Ÿ’ป๐Ÿ’ฌ

Isla shekeysiga kaligaa jooji oo kulan la yeelo drsda adigoo jooga gurigaaga!

Dr. Hafsa waxay kuu diyaarisay la-talin xirfadeed oo online ah si aad ugu hesho taageero nafsiyeed meel walba oo aad joogto.

Haddii aad dareemayso, niyad-jab,walaac,maskaxiyan daal ama aad u baahan tahay qof kuu dhagaysta โ€“ ha sugin!

๐Ÿ“ฉ Book your online session today.
๐Ÿ“ฑ WhatsApp: 06147333332

๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐š ๐€๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ ๐€๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ ๐ƒ๐š๐ฒ!Autism waa xaalad aan ahayn xanuun, balse waxay saamayn ku leedahay isdhexgalka bulshada...
02/04/2025

๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐š ๐€๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ ๐€๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ ๐ƒ๐š๐ฒ!

Autism waa xaalad aan ahayn xanuun, balse waxay saamayn ku leedahay isdhexgalka bulshada, hadalka, iyo habdhaqanka ilmaha. Ilmaha ku jira xaaladdan waxaa lagu gartaa:

๐Ÿ. ๐ˆ๐ฌ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š: Caawimaad ku saabsan xiriirka iyo is dhexgalka bulshada.

๐Ÿ. ๐‡๐š๐๐š๐ฅ๐ค๐š: Waxaa laga yaabaa inay ka gaabiyaan hadalka ama aysan si fiican u hadli karin.

๐Ÿ‘. ๐‡๐š๐›๐๐ก๐š๐ช๐š๐ง ๐ฌ๐จ๐จ ๐ง๐จ๐ช๐ง๐จ๐ช๐๐š: Ilmuhu wuxuu leeyahay xiise gaar ah ama wuxuu sameeyaa caadooyin soo noqnoqda.

Maxaa lagama maarmaan ah? Waalidiinta, ehelka, iyo bulshada oo dhan waxay u baahan yihiin inay fahmaan xaaladda ilmaha, si ay ugu muujiyaan taageero iyo aqbalaad. Waxaa muhiim ah inaan ka fogaanno takooridda iyo garabaysiga.

Ma jirtaa daawo? Jawaabta waa "HAA." Nafis counselling and therapy center waxa ay ka shaqeysaa taageerida dadka la nool xaaladda Autism-ka. Waxaan bixinaa casharro iyo daryeel gaar ah oo ka caawinaya inay horumariyaan xirfadooda iyo hibadooda si ay si buuxda uga qeyb qaataan bulshada.

Wacyigelin iyo taageero waa furaha fahamka!

06/02/2025

Ku Soo Dhawaada Page-kayga Rasmiga ah!

Waan idin salaamay, magacaygu waa Hafsa, waxaan ahay dhaqtar cilmi-nafsiga ku taqasusay kana howlgasha Xarunta Nafis. Waxaan gar ahaan ku takhasusay caafimaadka maskaxda carruurta iyo dhalinyarada, daaweynta dabeecadda iyo fikirka (CBT), iyo qiimeynta waxbarasho-nafsiga.

Waxaan idinku casuumayaa inaa idin la wadaago safarka caafimaadka maskaxda, anigoo idin siinaya taageero iyo hagid ku saabsan sida loo maareeyo caqabadaha nafsiga. Haddii aad u baahan tahay caawimaad ama aad qabto su'aalo, fadlan ila soo xiriir.

Mahadsanidin, kuna soo dhawaada mar kale!

03/01/2025
01/01/2025
04/12/2024

โ€œSAAMAYNTA DEPRESSION-KU KU YEELAN KARO NOLOSHA QOFKAโ€.

Kulanka Khamiista soo socota waxa sidokale ku casuuman Dr Ahmed M. Jama wuxuu na noqon doonaa mid online ah, waxaadna nagala soo qeyb geli kartaa adigoo linkiga nagu soo biiraya.

https://chat.whatsapp.com/KVe2iEJqByz010db3hiFbd

Address

Sultan Bussiness Park
Mogadishu
00000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hafsa Mohamud Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hafsa Mohamud Mohamed:

Share