
19/04/2024
April 14-20, 2024.
Sanad kasto xiligaan oo kale waxaa adduunka looga dabaal dagaa isbuuca xirfadlayaasha sheybaariistayaasha, ujeedada looga gol-leeyahay waa in la muujiyo muhiimadda ay bahda sheybaariistayaasha u leeyihiin bulshada ay ka tirsan yihiin.
Ururka sheybaariistayaasha Soomaaliyeed wuxuu hambaliyo u dirayaa dhammaan sheybaariistayaasha Soomaaliyeed meel kasto oo ay dunida ka joogaan.
Ururka SOMLA wuxuu mar weliba u taagan yahay horumarinta iyo tayeynta xirfadlayaasha sheybaariistayaasha Soomaaliyeed iyo in uu codkooda gaarsiiyo meel kasto oo looga baahan yahay in uu gaaro.