Wax ka baro arimaha caafimadka

Wax ka baro arimaha caafimadka Rahma Osmaan

12/09/2022

Have a look at this:-

12/09/2022
01/10/2021
09/09/2021
05/08/2021

Ka faa'ideysi wacan Gabdhaha aad ayay u isticmalaan xaqiiq waaye Dr Mohamed Ali Hersi mahadsanid Wax yaaba badan Naga qarsoon Aya ino so gudbisaa

25/06/2021

Aabe ayaa inan 15 jir ah uu dhalay inoogu keenay isbitaalka asigoo ka cabanaayay xanuun gabadhiisa in muda ah dhibaato ku haayay, kaas oo ka asiibay gacmaha, lugaha iyo wajiga.

Xanuunka ayaa gabadha ku beeray xishood iyo cabsi.

Kadib markaan eegnay xaalada gabadha waxaan Ku diagnosis gareenay xanuun kamida xanuunada raaga ee maqaarka ku dhaco oo lagu magacaabo Sooriyaasis.

Xanuunkan waxaa lagu gartaa qofka inuu maqaarka yara gaduuto, qolfoof adag oo dusha Sara ka cad iyo jilif yeesho.

Aabaha iyo gabadhiisa waxaan u sharaxnay xanuunka, qeebihiisa, heerarka uu maro iyo calaamadaha lagu garto.

Aabaha si qaas ah waxaan u barnay in gabadhiisa xanaano iyo dhiiri galin joogta ah u baahantahay maadaama xanuunkan la xakameenkaro laakin aysan jirin daawo dabar goyneeso.

Kadib sadax isbuuc oo daawo ah dhamaan jiliftii iyo qolfooftii bukaanka ku tiilay waa ay ka bogsatay.


.

08/06/2021

Isbitaalka Kalkaal Waxaa ku soo biiray Dhaqtar Nur Abdullahi Karshe oo Ku Taqasustay Qaliimada Madaxa iyo Neerfaha oo Khibrad Dheerna Uleh daaweentooda.



02/06/2021
11/04/2021

Muuqalkan wuxu cadeynaya magalada Mogadishu aad ugu so badanayan dhalin da'yar isticmalaysa drugs aan loogu talagalin hadanu nahay bahda cafimadka waa inaan talaba qadna sida loo yeerayo khatarta ay Leedahay daawa aan munaasab kugu ahyn inaa qadato

22/10/2020

Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!

Waa maxay duumadu ama malaariyada?
Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka si uu ugu tarmo.
Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba todobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.

Maxay malaariyadu u tahay cudur halis ah?
Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada.
Waxay sababtaa duumadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho.
Waxay kugu dili kartaa 12 saac gudohood.
Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinka kaneecada isla markaasna aad liqdid dawada ka hortagga malaariyada.

Haadii ay malaariyo kugu dhacday, mar h**e ma leedahay difaac?

Dadka ay duumadu ku dacdo marar badan waxay yeeshaan difaac jir oo aan dhamayn, laakin difaacu waqti yar ka dib ayuu ku tagaa.
Inta badan I ilaa 2 sano guduhood ayaad la mid noqon kartaa qofka aanay h**e ugu dhicin duumo.
Markaa uma lihid difaac, xataa hadii ay waayo h**e kugu dhacday duumo.

Sidee looga hortagaa?
Ka hortagga duumada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa h**e iyo maqribkii inta badan.
Samee arrimahan ka hortagga ah.
Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryaha wuxu eryaa kaneecada.
Seexo guri ku leh shebeg dariishadaha ama daaqadaha.
Seexo sariir leh mara kaneeco.
Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.
Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.
waxad iibsan kartaa maro kaneeco ama teendo kaneeco (sansayeeri).

Kafaa'ideysi wacan
22/10/2020

Kafaa'ideysi wacan

Juudaanka

Juudaanka waxa soomaalida ay u taqaanno waa cudur faafi kara oo ay keento bakteeriyo lagu magacaabo "Mycobacterium Leprea" waxaana lagu dhahaa luqadda ingiriiska "Leprosy".

Dadka qaba juudaanka maahan dad dadka cuna ama dadka qasha sida soomaalida ay ka aaminsantahay una bixiyeen magacyo badan sida "waraabo dadow" iyo wax la mid ah.

Waxa magacyadaas loogu bixiyay xanuunkaan ayaa ah in qofka jirkiisu uu badalo, waxaana ka soo baxa nabro waaweyn oo qofka wajigiisa, sankiisa iyo afkaba ka dhigi karo wax laga cabsado, qofka muuqaalkiisane wuu wada badalmi karaa.
Waxaa intaa sii dheer in faraha uu qofka ka go'go'i karo oo qofka ku soo hari karto kaliya calaacal ama cago aanan lahayn faro.

Leprosy waa ,mid ka mid ah cudurrada ugu duqsan ee maanta dunida taqaanno.
Leprosy waa cudur laga cirib tiray aduunka badankiis inta aan ka aheyn wadamo gooni ah oo ku kala yaalla qaaradda Asia iyo Africa.
Leprosy waa cudur halis ah isla markaana si sahlan lagu garan karo loona daaweyn karo.

Bakteeriyada keenta cudurka juudaanka waxay qaraabo dhaw yihiin bakteeriyada keento cudurka tiibishada/qaaxada taasoo iyadane lagu magacaabo "Mycobacterium TB"
Cudurka juudaanka wuxuu ku dhacaa neerfaha, maqaarka, neefmareenka, sanka iyo indhaha waxaa laga kala qaadaa calyada iyo diifka.

Cudurka juudaanka wuxuu maraa heerar kala duwan markuu qofka ku dhaco illaa uu saameyn ku yeesho neerfaha gacmaha iyo lugaha oo ay go'go'aan iyadoo qofku uusan dareemin.

Cudurka juudaanka waa la daawayn karaa waana laga bogsan karaa, waxaa jiro daawooyin loo qaato

Xigasho : somalidoc

Address

Thirty Street
Mogadishu
YAAQSHIID

Telephone

+252614390197

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wax ka baro arimaha caafimadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Wax ka baro arimaha caafimadka:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram