16/04/2026
Maamulka sare ee Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay shir ay qabanaysay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ahmed Yusuf Hassan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta midnimada dhallinyarada, ka shaqeynta arrimaha bulshada, iyo u diyaar garowga maalinta Dhallinyarada 15-ka May.
Goluhu waxa uu arrintan u arkaa mid farxad iyo bogaadin mudan, waxaana naga goβan ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada iyo taageeridda dhallinyarada Soomaaliyeed.
Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed
Ministry of Health- Somalia
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS