16/09/2024
AQOON.
Aqoon sidoo kale loo yaqaano Cilmi ( Knowledge) waa habka ama nidaamka waxbarasho ee qof lagu barayo ama fahansiinayo wax aanu aqoon u lahayn.
Markaan tix-raacno Af-Soomaaliga saxda ah ereyga Aqoon ayaa ah kalmada ugu haboon isticmaalka, halka ereyga Cilmi tahay mid af-Carabi ah inta badana loo isticmaalo magac qofeed.
Aqoontu waa furaha nololsha oo qofka aqoonta lehi aad ayuu uga maskax, fahan iyo karti badan yahay midka aan waxba aqoon.
1. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.
2. Qofka wax bartay wuxuu ku noolaa nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo.
3. Dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen.
4. Qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay marwalba fakarka ama aragtida dadka kale.
5. Qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.