09/04/2026
NEXT GENERATION MEDICAL SUMMIT 2026
Waxaa sharaf weyn noo ah in SOMSA ay qeyb weyn ka tahay NEXT GENERATION MEDICAL SUMMIT 2026, oo ah madal muhiim u ah horumarinta ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta mustaqbalka.
Shirkan oo uu qabanqaabinayo
Dr. Adnan Abdallah,
wuxuu xambaarsan yahay mowduuc aad u qiimo badan:
โFrom Confused Medical Student to Confident & Successful Doctor: A Clear Roadmap to Local & Global Excellence.
Mowduucan wuxuu diiradda saaraya safarka ardayga caafimaadka โ laga bilaabo jahawareerka iyo caqabadaha waxbarashada ilaa laga gaarayo kalsooni, xirfad sare, iyo guul caafimaad oo heer qaran iyo heer caalami ah.
๐ฉบ SOMSA, oo ah urur hormuud u ah mideynta iyo horumarinta ardayda caafimaadka Soomaaliyeed, waxay door weyn ku leedahay
taageeridda:
Kobcinta aqoonta caafimaadka
Horumarinta xirfadaha hoggaaminta
Hagidda mustaqbalka medical students
Dhisidda jiil dhakhaatiir Soomaaliyeed ah oo tayo sare leh
Kulankan wuxuu noqonayaa fursad qaali ah oo lagu helo aqoon, dhiirigelin, iyo aragti cad oo ku saabsan sidii loo gaari lahaa heer sare oo caafimaad
๐ Aynu wada dhisno mustaqbal caafimaad oo ifaya, halkaas oo arday kasta uu u kobcayo dhakhtar kalsooni leh, guuleysta, kana muuqda gudaha dalka iyo caalamkaba.