Drs Sowtu Omar Hassan

Drs Sowtu Omar Hassan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Drs Sowtu Omar Hassan, Doctor, Drs Sowtu Omar Haasn, Mogadishu.

10/06/2020
Asc wllWa barnamijki kororso aqoontada Manta waxan kuso qaadanayna suasha ah hooyada uurka leh ma isticmaali karta kanin...
14/05/2020

Asc wll
Wa barnamijki kororso aqoontada
Manta waxan kuso qaadanayna suasha ah hooyada uurka leh ma isticmaali karta kanininga ibuprofen ka
Inkasto inta badan khuburada caafimaadka ay bil kuliyanba diidan qaadashada kaniniga ibuprofen ka hadana waxay aad ah usi diidan markay hooyadu ku jirto marxalada sedexaad (3rd Trimester) iyago ku sababeeeya laba arin midood
1-In u yareeyo biyaha (Amniotic Fluid) u ilmaha u sahasha inu si dhib yar u dhaqdhaqaq ugu sameeyo taso keenta ugu dambayn in hoyadu ay si caadi ah u dhali weyso
2- In ilmaha ( Foetus) ka u ka qaado wadno xanun u ku dhasho
Hadaba waxan so jedinayna inay hoyoyinka uurka leh ay ka feejignadan isticmaalka kaningas

Jimco wanagsan
Ka faaideysi wacan

Maxaa Sababa Dhiig La’aanta, Siddeena Ku Xallin Karnaa?-----------------------------------------------------------------...
12/02/2020

Maxaa Sababa Dhiig La’aanta, Siddeena Ku Xallin Karnaa?
------------------------------------------------------------------------
Dhiig la’aantu waa yaranshaha cabbir ahaan ama tirro ahaan unuggyada dhiigga cas ee ku jiro jirka Aadanaha. Waana xaalad jirka uu galaayo marka uu waayo dhiigga in ku filan oo ah unuggyada dhiigga cas ama hemoglobin (Hb).

Hb oo ay Soomaalida sidda wacan u yaqaanaan, ayaa waxa uu yahay qayb aad u wayn oo kamid ah unugyada dhiigga cas, waxa uuna jirka dhamaantiis siiyaa oksijiinka asagoo kaso qaadaayo sanbbabaha.

Dhiig la’aantu waa waxa ugu caansan ee xaaladaha dhiigga saameeya. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday 5.6% in Dadka Mareykanka kunool ay saameeyso dhiigg la’aanta. Halka qiyaas ahaan 60% inka badan ay saameeyso dhiig la’aanta Dadkeena Soomaaliyeed , gaar ahaan dumarka iyo caruurta iyo Dadka qabo Cuddurada ku daahay (choronic). Mararka qaar dadka ayaa nooga dhinto dhibaatooyin ka dhashay dhiigg la’aanta.

Haddaba Kaallay Aan Is La Fiirinee Wax Yaalaha Sabbabo Dhiig La’aanta:

Qofka oo uu jirkiisa uu waayo nafaqo ku filan.
Qofka oo dhiigg baxo
Qofka oo qabo cuddurada ku daahay (choronic)
Jirka oo saa saari waayo in ku filan unnugayada dhiigga cas

Haddaba Soo Bax Aan Isla Aragee Caalamadahau Lagu Garan Karo Dhiigga La’aanta:

Wadno garaac badan.
Daal faro badan.
Daciifnimo.
Qofka oo rabitaanka cuntada waayo.
Maqaarka iyo ciridka oo caddaan noqda.

Siddee Ku Ogaan Karnaa Inuu Qofka Yahay Dhiigg La’aan?

Qofka in aan la yeelano waraysi .
Qofka inaan u sameeyno indha indheeyn iyo inaan ka cabbirn calaamadaha nolosha (vital sign) .
Qofka inaan ogaano culeeskiisa inta Kg uu yahay.
qofka in aan u dirno dhiiggag si an ugaano Hb mesha uu maraayo.

Siddee Ayaan Ku Xallin Karnaa Dhiigg La’aanta?.

Qofka in aan siino Cunto dheeli tiran.
Qofka inaan siino daawooyin ay ku badan yihiin fitamiin B12 iyo foolik asiid (folic acid).
Qofka in aan ku shubno dhiigg .
Qofka in loo abuuro dhuux kasoo soo saaro dhamaan dhiiggaga noocyadiisa kala duwan.
Qofka in aan ka daweeyno infekshanka oo qayb lixaad leh ka qaata imaanshaha dhiigg la’aanta.

Gunaanad, bulshadeenna Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay markasta ay cunnaan cunta dheelitiran gaar ahaan in la ogaado cuntada dhallaanka iyo hooyinka nuujiyo iyo kuwa uurka leh , waxaa wanaagsan inaan badsano cunista digirta, ukunta ,mooska , miraha sidda canbaha , qudaarta cagaaran , loowska, liinta , hilibka gadudan, caanaha iyo cuntada leh qolofta dhammaan wadakeena hodan ayuu ku yahay waxaan jeclaan lahaa inay ka faaideystaan oo ay ku baraaruygaan muhiimada ay leeyihiin si ay nooga yaraadan saameeynta dhiig la’aanta ay dadkeena ku hayso.
Fikirkaada Waa Muhiim

𝗙𝗔𝗔'𝗜𝗜𝗗𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗔𝗛𝗔Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magaabaa midabkiisa, waxaa ira green tea, black tea, white tea &...
04/01/2020

𝗙𝗔𝗔'𝗜𝗜𝗗𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗔𝗛𝗔

Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magaabaa midabkiisa, waxaa ira green tea, black tea, white tea & oolong tea.

Waxaa illaa iyo hadda la isku waafaqsanyahay in green tea uu yahay shaaha ugu caafimaad badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Soomaalida waxay cabtaa black tea kaasoo isaga xitaa aan faaido la'aan ahayn inkastoo laga faaido badan yahay.

Faaida shaaheenna waxaa ka mid ah:
1- In uusan halis uusan ku ahayn caafimaadka wadnaha uusanne ka qeyb qaadan waxyaabaha wadnaha khatarta galiyo sida dhiig-karka.
2- Shaahaeenna wuxuu yareeyaa halista cudurka faalijka.



3- Waxay baaritaan la soo saaray sanadka 2009 lagu ogaaday in shaaha madow uu yareeyo cudurka sonkorowga isagoo nuugista sonkorta jirka uu ku yareeyo.
3- Baaritaan kale wuxuu sheegay in shaaha oo si joogto ah loo cabo in uu yareeyo halista cudurka kansarka, inkastoo ay jiraan baaritaanno kale oo warkaas ka soo horjeedo oo ah wax faaido uusan shaaha madow u lahaynin kansarka.

Ugu dambayntii shaaha cagaarka oo aad hadda in dunida looga cabo la billaabay ayaa wuxuu leeyahay faaidooyin caafimaad oo tira badan kuwaas oo aan laga helin shaahyada kale, marka talo ahaan haddii aad tahay qof aad shaaha u cabo, isbar in aad cabto shaaha cagaaran, kaasoo soomaaliya iyo kenyaba laga helo.

Shaaha inta aad cabto ayay ku xirantahay hurdada ku qabanayso, maxaayeelay koobkii shaaha madaw waxaa ku jira 50 mg oo Caffeine ah. meesha Kaffee-ga caadiga ah uu ku jiro 100-350 mg oo caffeine ah.
Shaaha cagaaran waxaa ku jiro 8-30 mg oo caffaine ah

Somalidoc

𝘚𝘩𝘢𝘳𝘦 𝘨𝘢𝘳𝘦𝘦 𝘰𝘰 𝘨𝘢𝘢𝘳𝘴𝘪𝘪 𝘢𝘴𝘹𝘢𝘢𝘣𝘵𝘢𝘢𝘥𝘢 𝘴𝘩𝘢𝘢𝘩𝘢 𝘫𝘦𝘤𝘦𝘭 𝘴𝘪 𝘢𝘺 𝘶 𝘰𝘨𝘢𝘢𝘥𝘢𝘢𝘯 𝘧𝘢𝘢𝘪𝘪𝘥𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘢𝘮𝘢 𝘩𝘢𝘭𝘬𝘢𝘢𝘯 𝘶𝘨𝘶 𝘸𝘢𝘤

  Waa maxay Kaduudiye?Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay som...
13/12/2019



Waa maxay Kaduudiye?

Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay somalia sanadkii 2005.

Inkastoo xanuunka waagaas lagu wareeray oo dhakhaatiir badan oo bahda caafimaadka ah isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen waa Dengue fever, qaarne waxay dhaheen Rift valley fever".

Balse Bilihii la soo dhaafay ayuu xanuunkan mar kale aad uga dilaacay qaybo kamid ah dhulka Soomaalida sida Somaliland iyo Puntland.

Waxaa ka sii horeysey mar kale 2016dii oo uu koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya aad uga dilaacay.

Haatan ayuu haddana kadillaacay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaam Muqdisho.
Laakiin magaca saxda ee xanuunkaan waxaa la dhahaa "Chikungunya", waa xanuun uu keeno jeermiska fayraska, waxaana lagu kala qaadaa qaniinyada kaneecada, waa sida malaariyada oo kale, calaamadaha ugu badan oo uu qofka dareemo waa qandho, kalagoysyo xanuun, kalagoysyo barar, madax xanuun iyo murqo xanuun, marmarka qaar wuxuu wataa faruuruc jirka ka soo yaaco.

Magaca xanuunka "Chikungunya" asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: "qallooc u socod", qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis.

Waa xanuun laga yaqaano wadamada sawaahiliga ku hadlo iyo jasiiradaha ku teedsan badwaynta hindiya, laakiin waa xanuun si sahlan ugu faafi karo meelo cusub, waxaa la sheegay inuu mareekanka oo aan laga aqoonin xanuunkaan uu gaaray sanadkii 2013, lana aamisan yahay in laga soo dhoofiyay bariga afrika!!.

Kaduudiye halis ma noqdaa?

Xanuunkaan badanaa dilaa ma ahan, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab'iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino.
Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!.

Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaan qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin.

Xanuunka kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa?

Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaas, waxayna jawaabtu qaadataa usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.

Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqaaqane wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.

Waxaase jirta arrin la isku qilaafsan yahay oo ah in uu soo laabto iyo inkale, Adigu weli ma aragtay qof uu ku dhacay oo uu markale kusoo laabtay ?

dheh

Mashiin kaan maxaa loo yaqaan erey bixinta caafimaad?
31/10/2019

Mashiin kaan maxaa loo yaqaan erey bixinta caafimaad?

  qaar ayaa aaminsan  xilyada foosha in wiilku uu ka fool kulul yahay gabadha.  Waxey kaloo  sheegan in wiilka uu ka   b...
31/10/2019

qaar ayaa aaminsan xilyada foosha in wiilku uu ka fool kulul yahay gabadha. Waxey kaloo sheegan in wiilka uu ka badan yahay gabadha inta eey uurka ku jiraan.

sidoo kale waxey aaminsan yihn hadii qeybta kore u weyn tahay in ay hooyadu ee gabar sido, sidoo kale haddii caloosha qeybta hoose ay u wayntahayne in hooyadu ay wiil sido.

waa waxyaabo eyagu iska aaminsan mana ahana sax ama run.

Khuraafaat badan ayee aaminsanyhin dumarka qaar xilyada uurka.

Xage hoose nogu reeb ama waxaad ka ?


Cuntooyinka hooyada uurka leh ufiican-------------------------------------------------------------1-UKUNTAUkunta biyaha ...
13/08/2019

Cuntooyinka hooyada uurka leh ufiican
-------------------------------------------------------------

1-UKUNTA
Ukunta biyaha lagu kariyay
waxaa ku jiro protein badan Waxa ayna ufiicantahay koriimada maskaxda ilmaha
Waxaa kaloo ku jira vitamins

2-TIMIRTA
Timirta waxaa ku jiro sonkor dabiici ah
Xilliga uurka hooyadu waxey ubaahantahay energy badan
Waxay kaloo timirta socodsiisaa caloosha.

3-Liinta iyo toonta
Liimaha noocyadooda kala duwan
Liinta waxaa ku jiro vitamins
Waxay toonta iyo liinta jirka ka saaraan
Sunta .

4-Digirta /fasuuliyada cas
Iyo qudaarta cagaaran
Waxay ka hortagaan calool fadhiga.

5-Kaluunka
Kaluunka wuxuu dajiyaa maskaxda.

6-Mooska waxa uu soo dajiyaa nerfaha
Waxa laga helaa energy
Waxaa ku jira labo maado oo aad
Muhiim ugu ah hooyada uurka leh
Kuwaas oo kala ah: folic acid iyo
vitamin B6.

7-Caanaha
Caanaha waxaa ku jira calcium
Waxayna xoojiyaan lafaha.

8-Biyo badan inaad cabto

Ugu danbeyntii Qudaarta iyo fruits ka noocyadooda kala duwan ku dadaal xilliga uurka.

Casharkeenu maanta waxaan ku soo qaadanayaa musiibo ka mid ah masiibooyinka haysata dhalinyar badan oo bulshada ku dhex ...
25/07/2019

Casharkeenu maanta waxaan ku soo qaadanayaa musiibo ka mid ah masiibooyinka haysata dhalinyar badan oo bulshada ku dhex nool. Waa dhalinyarta daawooyinka u adeegsato maandooriye ahaan.

Waxaan qoraalkaan ku soo gudbin doonaa xog badan oo aan ka soo aruuriyay dhalinyaro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo isticmaala daawooyinka daroogada ah iyo waalidiin dhalay caruurtaasi qaar ka mid ah.

ugu badan ee dhalinyartu isticmaasho:

Tramadol: waa xanuun baab'iye xoog badan, loona isticmaalo xanuunka daran ee ka dhasho xaaladaha halista ah sida kansarka, dhaawacyada iyo qalliimada, wuxuu ka tirsan yahay koox daawo ah oo loo yaqaano "Opiates", waana daawo laga ilaaliyo in lagu gado xarumaha bukaan socodka maadaama dadku qabatimi karaan oo daroogo ahaan loo isticmaali karo, daawooyin kale oo isla kooxdaas ka tirsan, daroogo ahaanane loo isticmaalo ayaa jira sida:

, Codeine, Methadone, Morphine, He**in iyo Oxycodone, kulligood waa daawooyin maandooriyaal ah, wayna kala awood badan yihiin.

waxay ku yimaadaan kaniin ahaan, sharoobo iyo cirbad, laakiin Tramadol-ka ayaa laga helaa farmashiyada badankood, wuuna ugu raqiisan yahay, dadka isticmaalane waxay aaminsan yihiin inuusan dhib ku hayn caafimaadka.

dhalinyartu waxay daawooyinkaan u isticmaalaan si ka badan xadkii loogu talagalay, waxayna isticmaalaan iyagoo aan wax xanuun ah aan dareemaynin, taasi ayaa keenayso in qofka uu dareemo sarkhaan ama inuu doorsoomo, mar walba marka ka sii dambaysane wuu la qabsanayaa daawada oo wuxuu u baahan yahay inuu kordhiyo, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah inay dhaawacdo beerka iyo kilyaha, ku fakaris isdil, qofka oo kontaroolka ka lumo (isku-kaadsho / isku-saxaroodo isagoo hurda) haddii xad dhaaf loo isticmaalane qofka wuu qallalaa, wadnaha ayaana si kadis ah ku istaago, waana arrin ay ii xaqiijiyeen dhalinyartaasi inay garanayaan dhalinyaro sidaa u dhimatay.
Diazepam: waa dajiye, hurdo lagu helo, laguna daaweeyo bukaanada qallalka qaba, waxaa kaloo loo yaqaanaa magaca "Va**um", dhalinyartu waxay u isticmaalaan maandooriye ahaan, waxayna ii sheegeen in wax badan laga isticmaalo, kadibne qofka iska ilaaliyo inuu hurdo isagoo fadhiisanayo meel dabeyl ah ama sameynayo shaqo u diidayso inuu hurdo, markaasne uu galayo xaalad u dhaxayso hurdo iyo soo jeed mid u dhaxaysa, midda kale waxay daawadaan la cunaan wax niyadda kiciyo oo lid ku ah sida qaadka / jaadka iyo daawooyinka kiciyaha ah sida kaniiniga Ephedrin, qofka markuu isku cuno qaad iyo diazepam ama Ephedrine iyo Diazepam maksaxdu way wareeraysaa oo qofka wuxuu galayaa xaalad sarkhaan, waxayna ii sheegeen in kuwa nuucaan ah ee la isku qaadanayo ee u yaqaanaan "Jiif iyo joog" oo ay ka wadaan in la isku qaato midkii jiifka iyo midkii soojeedka, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah in neefsashadu ay si kadis ah ku istaagto, qofkane galo xaalad loo yaqaano "Respiratory Arrest" waana sababta ugu badan ee dhalinyarta qaabkaan isku maandoorisa ay u dhintaan. daawadaani waxay isku shaqo yihiin kuwa badan oo isla dhalinyartu isticmaasho sida Librium, Xanax IWM laakiin Diazepam ayaa ugu caansan.


/ Phenergan: waa daawo sadaxaad ee dhalinyartu ugu isticmaal badan yihiin, waxayna u yaqaanaan "Fargan" waa daawo loogu talagalay allarjiga, lalabada iyo hurdo la'aanta, waxaa kaloo jirta iyadoo lagu daray daawadii kor aan ku soo xusay ee ahayd "Codeine", oo iyadane loo isticmaalo maandooriye ahaan, markii wax badan laga qaato sharoobadaas isku-dhafka ah, qofka wuu ku sarkhaamaa. waxaa kaloo jirta iyadoo daawada farganka oo lagu daray daawada "Ephedrine" oo lagu daaweeyo dadka wareero oo matago markay gawaarida raacaan, waxayna dhalinyaradaan u isticmaalaan maandooriye ahaan. asal ahaan daawada farganka waxaa loo isticmaali jiray dadka maskaxda ka jiran ama waallida qabo, laakiin waxaa lagu badalay daawooyin ka dhib yar, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah inay keento qallal, nuuc waallida ka mid ah iyo in naqaska ku dhego qofka oo hurda, marka dhalinyarada daawadaan aad u isticmaasho iyagoo dhintay ayaa sariirta laga soo qaadaa subaxdii.

: sidaan kor ugu soo sheegay, daawadaani waa niyad kiciye "Stimulant" sidii qaadka oo kale, asal ahaan waxaa loo isticmaali jiray xiiqda / neefta / sanboorka.

laakiin maadaama waxyeello badan yeelay, daroogo ahaanne loo isticmaali karo waa laga mamnuucay dunida badankeed, waana la joojiyay laakiin nasiib xumo waxaad ka heli kartaa farmashiyada dalka ka jira waxayna dhalinyartu u isticmaashaa maandooriye ahaan iyagoo kaligiis isticmaala ama la cuna daawooyin kale oo lid ku ah sida aan kor uga soo hadlay, waxyeellada ugu daran ee daawadaan loogu dhinto waa wadne qabad (Heart Attack) iyo Faalijka (Stroke).

intaa ka badan ee dhalinyartu isticmaasho way jirtaa, laakiin kuwaas ayaa ugu caansan.

dhalinyartu u barataa daawooyinka daroogada ah?

Waa muhiim in waalid walba uu la socdo, kana ilaaliyo caruurtiisa waxyaabaha u keeni kara inay isticmaalaan daawooyinkaan, kuwaasoo noloshooda halis gelin kara ama ka dhigi kara qof nolosha ka dhacay oo waalidka laftirkiisa halis ku noqon kara.

: Dhalinta ugu badan ee isticmaasha daawooyinkaan waa kuwa sport-ka ciyaara ama la saaxiibka ah, maadaama juhdi dheeraad ah la bixinayo qofkane uu rabo inuu guul soo hoyo waxay isticmaalaan daawooyinka xanuun baab'iyeyaasha ee kor ku xusan iyo kuwa niyadda kiciyo, waxaana laga isticmaalaa qaddar aad u badan, kadibne daroogo ayay isku badashaa qofkane k**a maarmi karo.

: Waxaa jira dad badan oo ay dhakhaatiirtu u qortay daawooyinkaan laakiin iyaga si qalad ah u isticmaalay ama xad ka bax ah, kadibne qabatimay oo daroogo ahaan u isticmaalo.

-maalka: Dadka ka shaqeeyo howlaha culus sida xammaalka aad ayay u isticmaalaan iyagoo aaminsan in culeyska uusan saameyn ku samaynayn jirkooda, laakiin aqoon darro awgeed ma ogo in maskaxda ay hilmaansiinayaan dareenkii xanuunka, kadibne qofka uusan shaqaysan karin daroogo la'aantaas. waxyaabaha aan la yaabay ee dhalinyartu ii sheegtay waxaa ka mid ah in dadka qaar ay siiyaan shaqaalaha u shaqeeyo si aysan shaqada uga daalin!!.

qurba joogta: Caruur badan oo dalka la keenay si loo dhaqan celiyo ayaa si fudud ku helo daroogo sharciyeysan, waxayna bareen kuwii la saaxiibka ahaa, kuwaasoo u badan qaraabadooda.

xun: dhalinyarta shaqo la'aanta ah oo waxbarashada ka haray aad ayay ugu sahlan tahay inay bartaan daawooyinkaan iyagoo la saaxiibo dhalinyarta wareersan ee xaafadda la dagan ama ay isla ciyaaraan.
Balwadda: Dhalinyarada leh balwadda khaasatan qaadka, aad ayay u isticmaalaan daawooyinkaan iyagoo shaaha ama cabitaannada ku qasto si ay ula isticmaalaan qaadka / jaadka.

waana arrin aad ugu badan dhalinyarada qaadka cunto.

/ Haweenka: dumarka ugu badan ee isitcmaala daawooyinkaan waxaa u badan kuwa qaadka cuna ama shiisadda caba ama la haasaawa kuwa daawooyinkaan isticmaalo.

ku socoto bulshada:

Arrintaan waxay dhibaato baaxad leh ku haysaa qoysas badan oo aan garanayn meel ay wax ka bilaabaan, nasiib xumo kuwaasi waa kuwa dhif ah sababtoo ah waalidiinta badankood aqoon uma lahan waxa ay caruurtoodu isticmaasho, dhalinyaraduna way iska ilaalisaa in la ogaado iyagoo samaystay magacyo sarbeeb ah oo ay ula baxeen daawooyinkaas sida: "Kii" "Saaxiibkeey" "jiif & joog" "Anaa gar leh" Aabo ii daa" "Anigaa ku wato" iyo magacyo kaloo badan. Dhibka kale ee muuqdo waa daawooyinkii sharci darrada ahaa in bulshada lga gado oo oo si sahlan dhalinyaradii ku heli karto, weliba iyagoo loo qarinayo ama waalidkood aan lala socodsiinaynin, waxaa intaa sii dheer iyagoo aan laga wacyi gelinayn ama aan loo sheegeyn dhibaatada ay leedahay daawooyinkaas iyo iyadoo wadanka uusan ka jirin siyaasad lagu xakameeyo daawooyinkaas, waxaa intaas ka sii daran iyadoo aysan jirin xarumo lagula tacaalo dhalinyaradaan ku walfay ama qabatimay daroogadaan.

la yaabay:

Arrintaan heerka ay gaarsiisan tahay iyo wacyi la'aanta ka jirto, waxaan ka loo la yaabay sida dhalinyarada u yaqaanaan ugana sheekeynayaan sida daawooyinka la isugu daro si loo sarkhaamo, daawooyinkaasoo qaarkood xitaa loo qaadanayo si aan loogu talagalin, Tusaale ahaan: waxay ii sheegeen daawo dadka lagu suuxiyo markay qalliinka galayaan oo cirbad ahaan dadka loogu duro, lagana helo isbitaallada kaliya in qaarkood ay cabaan si ay u sakhraamaan.

Talada SomaliDoc:

Waxaan Alle ka baryayaa in caruurteena ka badbaadiyo dhibaatadaas, waalidkii dhibkaan la nool inuu Alle ka qaado, caruurtaasne uu soo hanuuniyo, iima muuqato xal degdeg ah oo arintaan lagu xak**ayn karo waqtigaan la joogo, laakiin waa in wacyi gelinta la badiyaa, waalidkane uu caruurtiisa ka war hayo lana saaxiibo. Qofkii aan weli isticmaalin daawooyinkaan ha iska ilaaliyo inuu daawo ahaan u qaato. Fadlan qoraalkaan waa wacyi gelin ee la wadaag qof walba oo aad garanayso si waalidka u ogaado halista caruurtiisa ku soo fool leh, dhalinyartuna u ogaato halista waxyaabaha ay isticmaalayaan. "Ilaahayow dal nabad qaba iyo dad caafimaad qabo".

dheh oo lawadag asxabtada.
saar Page ka mahadsanid.

 -kaTramadol Waa daawo xanuun baab’iso ah waxaana lagula tacaalaa xanuunada meel dhaxaadka ah iyo kuwa aadka u daran sid...
22/07/2019

-ka

Tramadol Waa daawo xanuun baab’iso ah waxaana lagula tacaalaa xanuunada meel dhaxaadka ah iyo kuwa aadka u daran sida xanuunada kadhasha kaankarada.

Cirbad iyo kaniiniba wa ay u diyaarsantahay oo waa looga helaa Farmashiyaasha iyo Xarumaha daawooyinka.

Daawooyinka dunida laga helo aya ah 2bo qeybood marka loo eego sharciga iibsashada Daawooyinka;

1.qeyb loo ogolyahay in uu qofka iibsado asigoo aan heysan ruqsad ama warqad dhaqtar so qoray iyo

2.Qeyb uusan qofka iibsan Karin warqad dhaqtar uu soo qoray la’aanteed. Tramadol-ku waxa uu Qeyb ka yahay Qeybta 2aad ee an la ogoleyn in uu dhatar soo qoro mooyaane. Hadaba

-ka Dhibaato intee la eg ayuu leyahay?
Daawadaan waxa ay ka howl gashaa maskaxda Waxa ayna yareysaa dareenka xanuun ee jirka iyadoo kadhigto qofka mid xanuun iyo cajis aan dareemin inta ay jirka ugu jirto. Balse dhibaatada ugu xoogan ayaa ah laqabsi iyo in qofkii jirkiisa uu shaqeyn waayo daawada la’aanteed, taasoo qofki ka dhigtay mid u baahan markaste qaadashada daawada.

:

1. isticmaalka daawadan waqti dheer
2. Qaadashada kuuro ka weyn inta looga talagalay
3. Qaadashada daawadan si isu dhadhow.
4. In uu qofki iska cuno asigoo uusan dhaqtar uso qorin; arintaan waxa ku badan dhalinyarta kubadda ciyaarta iyo dadka shaqooyinka culus qabta, ayagoo kadareema firfircooni balse aqoon badan u laheyn dhibaatadiisa.
5. In lala isticmaalo daawadaan maandarooyaal kale sida: khamrada, xashiishka, daawada diyaasbam (diazepam), xanuun baabi’yaal kale IWM.

:

1. Qofka oo aan daawada ka ahaan kareyn, marwalbana raadiyo
2. Qofka oo aan daawada la’aanteda shaqeyn kareyn
3. Saameyn shaqada maskaxda sida: qofki oo lug ama gacan dhacdo, kaadida oo ku dhagta IWM.
4. Qofki oo aan shaqeyn Karin daawada la,aanteeda
5. Kacsanaan, xanaaq badan, walwal, qalal, matag, wareer, dhalmo la’aan, mala awaal wadno garaac, madax xanuun, qofka oo dhulka kudhaca iyo calaamado badan ayaa laga yaaba in u qofka isku arko.

. Haddii uu qofka la qabsado daawadaan waxa uu yeelan karaa calaamadaha aan kor kusoo xusnay taaso haddii uu iska joojiyo daawada caqabad ku noqoto, hadaba waxaa lagu taliyaa in qofka si tartiib tartiib ah u yareeyo isticmaalka daawada isla markaasna lasiiyo daawooyin lagu baabi’inaayo calaamadaha ka dhashay tramadol-kii layareeyay ama lajoojiyay.

Qofka haddii uu muddo isticmaalo daawadaan calaamadihii laqabsigane yeesho waxa adag in laga daaweeyo ama laga gooyo. xalka ugu Dambeyo ayaa ah in qofkaasi laga badalo dhiiga qeybtisa biyaha ah oo an dalkeena Somaliya iyo wadama badanba lagu sameyn Karin.

. Sanadihii ugu dambeeyay waxa aad usoo batay isticmaalka Daawada Tramadol-ka gaar ahaan dhalinyarada iyo xoogsatada iyagoo ka aaminsan in tramadol-ku yahay daawo xanuun baabi’iye foorta ah Balse aan si dhab ah u ogeyn waxyeeladiisa ba’an.

Haddii aad dhacdo kala kulanta ama ka maqashay isticmaalka daawadaan fadlan nala wadaag adigoo aan xuseyn bukaanka heybtiisa.

Lana wadaag asxabtada oo share gareey


# MAHADSANIdiin #

  #Waa maxay Typhoid ?Typhoid-ka = waa cudur u eg cudurka duumada  waxaana badaanaa laga qaadaa canaha iyo biyaha wasaqe...
22/07/2019

#

Waa maxay Typhoid ?

Typhoid-ka = waa cudur u eg cudurka duumada waxaana badaanaa laga qaadaa canaha iyo biyaha wasaqeesan taas oo sababta qandhada. tiifowga waxa ay sameesaa jirka oo dhan waxaana lagu ogaan karaa ayada oo baaris lagusameeyo dhanka dhiiga loona isticmaalo test lagu magacaabo .

( waxa sababa )

Typhoid-ka waxaa sababa bacteria looyaqaano
( salmonella ) .

( calamadaha )

1. Daal iyo cajis farabadan
2. Qadho heerkul keedu gaarayo 38c°
3. Dhabar xanuun
4. shuban ama caloosha istaagta
5.Finan Yar Yar oo afka kasoobaxa

( side uga hortaga )

1. Waxaa wanaagsan in musqulaha lagadhiso meela guriga kafog isla markaasna kudadaal nadaafada guud iyo tan gaar ahaaneed .

2. Waa in cuntada oo dhan laga ilaaliyaa Wax
alaala iyo wixii xasharaad ah sida baranbarada iyo tusxiga .

3.waa in qudaarta lagudhaqaa biyo diran

4. Waa in gacmaha ladhaqaa diyarinta cuntada kohor

5. Waa in biyaha fadhiya oo dadku isticmaal koodu k**aarnin waa in ay iska karkariyaan


like & share & commments
Lawadaag Azxptada
❤ Mahadsanidin ❤

Address

Drs Sowtu Omar Haasn
Mogadishu
966647

Telephone

+252617723321

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Sowtu Omar Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category