
18/09/2025
Pingueculitis
Eraygan waxa uu ka yimid pinguecula (waa koritaan yar oo jaalle ama caddaan ah oo ku yaal dhinaca cad-cadka isha, gaar ahaan meel u dhow xagga sanka ama geesaha indhaha).
Pingueculitis waa marka koritaankaas uu bararo ama uu caabuqo yeesho.
Sababaha
Qorraxda (UV rays) oo isha ku dhacda muddo dheer
Dabaysha, boodhka ama qiiqa
Xidhan mudo dheer muraayad aan ilaalin UV
Caabuq ama kicitaan (irritation)
Calaamadaha
Guduudasho (isha oo casaata) gaar ahaan halka pinguecula ku taal
Cuncun, gubasho ama dareen xanuun
Dareen โwax isha ku jiraโ oo raaxo darro ah
Mararka qaarkood ilmeyn ama qallayl
Wax yar oo barar ah meel caddaan ama jaalle ah oo isha ku taal
Talooyin caafimaad (self-care)
Xiro muraayadaha qorraxda UV filter leh
Isticmaal artificial tears si isha u qoyaan
Ka fogow boodhka, qiiqa, iyo dabaysha xoogga leh
Haddii xanuun ama guduudasho daran jirto โ la xiriir dhakhtar indhaha; mararka qaar dhakhtarku wuxuu bixiyaa daawo anti-inflammatory ama antibiotic drops..
๐ โIndhahaagu waa muraayadda dunida โ ilaali, nafaqee oo ka ilaali wax kasta oo waxyeelo u keeni kara. Daryeelka yar ee maalin kasta aad bixiso maanta ayaa ka hortagaya dhibaato weyn berri.โ...
๐ Xarunta Adeegga Indhaha
Magaca: Alihsan Eye Clinic โ Kambo
Goobta: Degmada A/aziz
๐ โHaddii aad isku aragto calaamadaha kor ku xusan, nagala soo xiriir si aad u hesho baaritaan iyo daaweyn sax ah.โ