
24/08/2025
Garoowe, 24 August 2025
Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa hergelisay adeegga cusub ee kelyo-dhaqista ee Isbitaalka Guud ee Garoowe, iyadoo dhigtay mashiinnada casriga ah ee Nipro dialysis, isla markaana tababar siisay shaqaalaha ka howl gala Xaruunta.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, oo xarigga ka jaray xaruunta, ayaa xusay muhiimadda adeeggan cusub ee bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, maadaama uu yareyn doono culayska dadka qaba xanuunka kelyaha ee ku qasbanaada safarro caafimaad oo dibadda ah.
Mashruucan caafimaad ayaa waxaa hergeliyay International Medical Corps (IMC) oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland, halka taageerada dhaqaale uu bixiyay King Salman Humanitarian and Relief Centre.
Munaasabadda furitaanka mashruucan caafimaad ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland, wakiillo ka socda Hay’adda International Medical Corps (IMC) iyo King Salman Humanitarian and Relief Centre, maamulka Isbitaalka iyo marti sharaf kale.
Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa adkeysay ka go’naashaheeda ku aaddan horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka gudaha dalka, iyada oo sii wadi doonta taageerada farsamo, dayactirka iyo adeegyada joogtada ah ee loo baahan yahay.
DHAMMAAD.