16/02/2026
Midowga Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda SIMAD University – SIMAD University Health Student's Association-SUHSA – ayaa martigeliyay Shirka Guddoomiyeyaasha Caafimaadka Jaamacadaha Gobolka Banaadir.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isdhexgalka ardayda, adkeynta midnimada hay’adaha waxbarashada sare, iyo horumarinta iskaashiga jaamacadaha si loo gaaro waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadi karta baahiyaha bulshada iyo horumarka casriga ah.
Shirkan wuxuu noqday madal wax ku ool ah oo la isku dhaafsaday fikrado aqooneed, laguna dhiirrigeliyay wada shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa jaamacadaha, si loo horumariyo fursadaha waxbarasho ee ardayda.
Waxaa sharaf iyo qiimo gaar ah noo ahayd ka qeybgalka Deenka Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University ee Jaamacadda SIMAD Ustad , taas oo muujineysa doorka muhiimka ah ee jaamacaduhu ku leeyihiin horumarinta aqoonta, tayeynta adeegyada caafimaadka, iyo dhisidda jiil aqoon leh oo bulshada wax ku biiriya.
Dhanka kale, martigelinta shirkan waxaa si rasmi ah u qabtay SIMAD University Health Student's Association- (SUHSA), taas oo muujisay hoggaan, karti abaabul iyo ka go’naansho ay ardaydu u leeyihiin horumarinta waxbarashada, mideynta ardayda, iyo kor u qaadidda iskaashiga jaamacadaha.
Kulankan wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo wadajirka, isfahamka, iyo horumarinta waxbarashada sare. Wadajir, midnimo iyo iskaashi dhab ah ayaa ah furaha lagu gaari karo mustaqbal waxbarasho oo ifaya, bulsho caafimaad qabta, iyo horumar waara oo naga dhaxlan jiilalka soo socda.