Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia.

Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia., Disability service, Mogadishu.

🌍🤟 Happy International Deaf Week!Maanta iyo toddobaadkan waxaan xusnaa Deaf Week, annagoo xoogga saarayna muhiimadda ay ...
23/09/2025

🌍🤟 Happy International Deaf Week!

Maanta iyo toddobaadkan waxaan xusnaa Deaf Week, annagoo xoogga saarayna muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada, fursad siman iyo xuquuqda dadka naafada maqalka ah.

DINA (Disability Inclusion Network Alliance) waxay ku baaqeysaa:
✅ In la taageero bulshada maqalka la’aanta ah
✅ In la hormariyo luqadda tilmaanta
✅ In qof walba uu helo cod iyo fursad loo siman yahay

Aan mideyno codkeena si aan u dhisno bulsho caddaalad iyo sinnaan ku dhisan.

12ka August – Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka waa xasuusin ah in dhalinyaradu yihiin awoodda isbeddelka iy...
12/08/2025

12ka August – Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka waa xasuusin ah in dhalinyaradu yihiin awoodda isbeddelka iyo hal-abuurka bulshada.

DINA waxay garab istaagtaa dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u helaan xuquuq, fursad, iyo sinnaanta ay mudan yihiin.

.

11/08/2025

Mahadcelin gaar ah Modern University for Science and Technology taageeradiina waa rajo cusub oo bulshada naafada Soomaaliyeed.

🎓 "

FARXAD & GUUL WADAAGMaanta waa maalin taariikhi ah oo farxad weyn u leh Dalladda Isbaheysiga Naafada ee Loowada Dhanyaha...
09/08/2025

FARXAD & GUUL WADAAG
Maanta waa maalin taariikhi ah oo farxad weyn u leh Dalladda Isbaheysiga Naafada ee Loowada Dhanyahay (DINA).

Waxaan sharaf u yeelanay in xarunta DINA ay maanta soo booqdaan Jaamacadda Modern University for Science and Technology, kuna guddoonsiiyaan minxooyin waxbarasho (Scholarships) free ah loogu talagalay dhalinyarada naafada Soomaaliyeed.

Fursadahan waxbarasho waxaa ardaydu dooran doonaan kuliyadda (Faculty) uu mid walba jecel yahay marka la guda galo habraaca diiwaangelinta.

Waxaan sidoo kale isla garanay in ardayda jaamacadda loo qaban doono barnaamijyo wacyigelin ah oo ay ka mid yihiin Sign Language, Braille, iyo tababaro ku saabsan fahamka xuquuqda dadka naafada ah.

Tani waa caddeyn muujinaysa sida iskaashi dhab ah iyo taageero joogto ah ay u horseedi karaan isbeddel muuqda oo nolosha bulshada naafada ah.

DINA waxay si qoto dheer ugu mahadcelinaysaa Jaamacadda Modern University dadaalkooda qiimaha leh iyo garab istaagga ay u muujiyeen bulshada naafada Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin Modern University – taageeradiina maanta waxay iftiimisay rajo iyo fursado cusub.

Dhamaad Wanaagsan – Tababarka Luqadda Sign Language ee KismaayoWaxaa farxad iyo mahadnaq weyn noo ah in aan ku dhawaaqno...
09/07/2025

Dhamaad Wanaagsan – Tababarka Luqadda Sign Language ee Kismaayo
Waxaa farxad iyo mahadnaq weyn noo ah in aan ku dhawaaqno dhammaadka tababarka 5 maalmood socday ee luqadda sign language oo lagu qabtay Kismaayo, 5–9 July 2025.

Tababarku wuxuu diiradda saaray sidii loo baran lahaa habka isgaarsiinta dadka maqalka la’a, loona fududeyn lahaa ka qaybgalka bulshada. Waxaa la qabtay casharro ficil ah, wada sheekaysi iyo tababarro kooxeed si kor loogu qaado xirfadaha iyo wacyiga adeeg bixiyeyaasha iyo bulshada.

Dhammaan hawsha waxay ku soo dhammaatay jawi nabad iyo isfahan leh. Waxaan u mahadcelineynaa ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay hirgelinta barnaamijkan mahadsanidiin.

DINA waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa bulshada in magaalada Kismaayo lagu qaban doono tababar heer sare ah oo ku saab...
30/06/2025

DINA waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa bulshada in magaalada Kismaayo lagu qaban doono tababar heer sare ah oo ku saabsan Luuqadda Calaamadaha Aasaasiga ah, kaasoo uu qabanayo mid ka mid ah ururrada hoos yimaada DINA, gaar ahaan Organization of Trainings & Sign Language Interpreters in Somalia.

Ujeedada Tababarka:

* Kor u qaadista aqoonta macalimiinta iyo shaqaalaha bulshada ee la tacaala dadka maqalka la’.
* Baridda xirfadaha aasaasiga ah ee lagu fahmo laguna hadlo Luuqadda Calaamadaha.
* Dhisidda bulsho furan oo isfahan iyo ka mid ahaansho dhab ah ku dhisan.

Fiiro Gaar ah:

Tababarkani waa fursad qaali ah oo lagu kobcinayo xirfadaha isgaarsiineed iyo fahamka baahiyaha dadka maqalka naafada ka ah. Waxaa si gaar ah loogu talagalay macalimiinta, ardayda, shaqaalaha bulshada, waalidiinta, iyo dhammaan dadka danaynaya horumarka bulshada.

Isfahan waa furaha midnimo iyo ka mid ahaansho. Ha moogaan fursaddan qiimaha leh!

DINA waxay u dabbaaldegaysaa maalinta taariikhiga ah ee 26-ka Juun – maalintii uu calanka Soomaaliya si xor ah ugu baban...
26/06/2025

DINA waxay u dabbaaldegaysaa maalinta taariikhiga ah ee 26-ka Juun – maalintii uu calanka Soomaaliya si xor ah ugu babanayay cirka Hargeysa, astaan u ah halgankii gobannimada.

Waa xasuus muujinaysa in xorriyadda dhabta ah aysan dhameystirneyn ilaa qof walba oo Soomaaliyeed – gaar ahaan dadka naafada ah – uu si buuxda ugu helo xaq, sharaf iyo ka mid noqosho bulsho.

Calankeenna ha sarreeyo – Dadkayaguna ha sinaadaan!.

08/06/2025

Video-gaan kooban wuxuu muujinayaa qeyb kamid ah hawsha deeq qeybin ee DINA fulisay maalmaha ciidda, iyadoo si sharaf leh hilib loogu qaybiyay dadka naafada ah. Waa shaqo wadajir ah oo ka tarjumeysa dareen naxariis, isu gurmad iyo farxad ciideed. Mahadsanidiin dhammaan cidii ka qeyb qaadatay.

07/06/2025

Video-gaan waxa uu sidoo kale ka turjumayaa mahadcelinta iyo bogaadinta uu guddoomiyaha Dalladda DINA, Mudane Mahad Abdullahi Mohamed, u jeedinayo Ijmaa Foundation for Humanitarian Action (IFHA) iyo hay’adda LIFE, oo si hagar la’aan ah uga shaqeeya horumarinta iyo taageerada bulshada naafada ah.”

Maalinta labaad ee Ciidul Adxaa, Dalladda DINA, oo ah dallad mideysa una ololeysa xuquuqda iyo daryeelka dadka naafada a...
07/06/2025

Maalinta labaad ee Ciidul Adxaa, Dalladda DINA, oo ah dallad mideysa una ololeysa xuquuqda iyo daryeelka dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, waxay si sharaf leh u fulisay qeybin gargaar hilib ah oo loogu talagalay dad badan oo ka tirsan bulshada naafada ah, si ay ula qayb qaataan farxadda iyo barakada Ciidda.

Deeqdan naxariista leh waxaa nalagu soo wakiishay oo si hufan noogu gacan siiyay Ijmaa Foundation for Humanitarian Action (IFHA) – oo si mug leh ugu heelan howlaha bani’aadamnimo iyo garab istaagga dadka nugul.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa IFHA iyo LIFE doorkooda wanaagsan iyo kalsoonida ay nagu siiyeen inaan u noqono cod iyo gacan gaarsiisa dadka naafada ah. Waa mid muujineysa kalsoonida ay bulshadeennu ku qabto DINA iyo awoodda ay Dalladdu u leedahay in si hufan oo sharaf leh loogu adeego kuwa u baahan.

DINA waxay mar walba ka go’an tahay in ay sii waddo u adeegidda, u doodista, iyo kor u qaadista nolosha dadka naafada ah — iyadoo mar walba raadinaysa iskaashi wax ku ool ah, sida kan IFHA.

Ciid Mubaarak dhammaan umadda Muslimiinta – gaar ahaan dadka naafada ah ee aan la garab taaganahay farxadda, karaamada, iyo xaqooda buuxa!

Ciid Mubaarak!DINA waxay u diraysaa hambalyo iyo bogaadin dhammaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, m...
05/06/2025

Ciid Mubaarak!

DINA waxay u diraysaa hambalyo iyo bogaadin dhammaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Carafah.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga aqbalo camalkeenna, na siiyo naxariis, cafis iyo barako, kana dhigo ciid farxad iyo caafimaad u horseeda dhammaanteen.

08/05/2025

Safar waxbarasho oo beddelay aragtiyo, kuna dhammaaday cod iyo calaamad mideysan. Tababarka Luqadda Calaamadaha wuxuu ahaa bilow dhab ah oo isfaham iyo isku xirnaan bulsho. Hash tags yar ikugu samey

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram