Dr Isse ceymoy

Dr Isse ceymoy Dr. Isse Mohamed Emoi, MBBS, BPH, MHSM, MS (Gen. Surg.), FSG Surg.) Fellowship in Gastro Surgery → (Gastro Surgery) or FGS)

Bachelor of Medicine and Bachelor of Surgery → MBBS

Bachelor of Public Health → BPH

Master of Health Service Management → MHSM

Master of Surgery (General Surgery) → MS (Gen.

22/02/2026
22/02/2026

Fahamka A**l Fistula

🩺 Maxaa Loo Yaabaa Inaad Ka Ogaato A**l Fistula?

A**l fistula waa tubo yar oo xidha oo u dhexeeya unugyada gudaha mindhicirka iyo maqaarka agagaarka dabada. Caadi ahaan waxay ka dhalataa infakshanka ku dhaca qanjirka a**l-ka (abscess).

Calaamadaha ugu badan:

Xanuun ama raaxo-darro dabada ku xeeran

Kaadi ama dheecaan mararka qaar dhiig leh

Qanjir adag oo dareen leeyahay

Daaweynta:

Badanaa qalliinka ayaa loo baahan yahay si loo daweeyo oo looga hortago dib-u-soo-noqoshada

Qalliinka waxaa ka mid noqon kara fistulotomy, seton placement, ama advanced flap procedures

Daryeelka ka dib qalliinka waa muhiim: nadaafadda, fadhiga qubeyska kulul, iyo daawooyinka xanuunka

Talo caafimaad:

Ha isku dayin daawo guriga ah oo kaliya

La tasho dhakhtar qaliinka guud ama colorectal surgeon

Dhaqso u raadi daryeel haddii uu jiro xanuun daran, dhiig badan, ama hargab

💡 Fahanka iyo daaweynta saxda ah ayaa kaa caawin kara inaad ka hortagto dhibaatooyinka halista ah.

30/01/2026

A**L FISTULA ?

24/01/2026

Colon cancer (kansarka mindhicirka weyn) waa cudur kansar ah oo ku dhaca mindhicirka weyn (colon), kaas oo qayb ka ah hab-dheefshiidka jirk

24/01/2026

waa maxay colon cancer

18/01/2026

INGUINAL HERNIA – OGAANSO & KA HORTAG KHATARTA
❓ Waa maxay Inguinal Hernia?

Inguinal hernia waa marka mindhicir ama dufan ka soo baxo meel daciif ah oo ku taal caloosha hoose (gumaarka), taasoo keenta barar la arki karo.

⚠️ Calaamadaha

Barar ka soo baxa gumaarka ama xiniinyaha agtooda

Bararka oo soo baxa marka la istaago ama la qufaco

Xanuun, cuncun ama dareen culays

Mararka qaar bararku wuu baaba’aa marka la seexdo

👥 Yaa u nugul?

Ragga (aad ayay ugu badan tahay)

Dadka qaada culaysyo badan

Qofka qufac ama calool-fadhi joogto ah qaba

Dadka cayilan ama waayeelka

🚨 Goorma ayay halis noqotaa?

Haddii:

Bararku adkaado oo xanuun daran keeno

Matag, calool istaag, ama bararku dib u geli waayo
➡️ Isla markiiba isbitaal tag (EMERGENCY

Daaweynta

Qaliin kaliya ayaa si rasmi ah u daaweya inguinal hernia

Daawo ama suun (truss) ma bogsiinayaan

Haddii aan la daaweyn, waxaa dhici karta:

Obstruction (mindhicir xirmay)

Strangulation (dhiigga oo istaaga) – xaalad khatar ah

Qaliin ayaa ah daaweynta saxda ah

FG : Inguinal hernia ma aha ceeb, waana cudur caadi ah.
Haddii aad aragto barar gumaarka ka soo baxa, ha iska indho
tirin, la xiriir dhakhtar. Qaliinka waqtigiisa la sameeyo waa mid
ammaan ah, natiijaduna waa fiican tahay.

18/01/2026

waa maxay Inguinal Hernia ?

17/01/2026
17/01/2026

ventral hernia

16/01/2026

Waa maxay Fissure (A**l Fissure)?

Fissure a**l waa dildilaac ama jeex yar oo ka dhaca maqaarka gudaha (dabada).
Badanaa wuxuu sababa xanuun iyo dhiig yar marka saxaro la sameynayo.

⚠️ Maxaa keena Fissure-ka?

Saxaro adag (constipation)

Ku riixid xoog leh marka musqusha la isticmaalayo

Saxaro badan ama shuban joogto ah

Cunto fiber yar

Cabitaan biyo oo yar

Fadhi dheer (musqusha ama shaqo)

🔍 Sidee lagu ogaan karaa haddii Fissure a**l jiro?

Qofku wuxuu dareemaa:

❗ Xanuun daran marka saxaro la sameynayo

❗ Xanuunka oo sii jira daqiiqado ama saacado kadib

🩸 Dhiig cas oo yar (ku yaalla waraaqda musqusha ama saxarada dusheeda)

🔥 Dareen gubasho ama cuncun futada ah

➡️ Badanaa ma laha barar weyn ama dheecaan sida cudurrada kale.

🛡️ Sidee looga hortagi karaa Fissure-ka?
✔️ Ka hortag wanaagsan:

🥗 Cun cunto fiber leh
(khudaar, miro, qamadi, laws, digir)

💧 Cab biyo badan (ugu yaraan 2–3 litir maalintii)

🚽 Ha ku raagin musqusha, hana isku qasbin

🏃‍♂️ Samee dhaqdhaqaaq jirka ah maalin kasta

💩 Haddii saxaro adkaato → la tasho dhakhtar

💊 Haddii Fissure a**l ku dhaco maxaa la sameeyaa?

Ha is-daaweyn muddo dheer

La xiriir dhakhtar si:

Loogu siiyo daawo jilcisa saxarada

Kareem ama saliid yareyso xanuunka

Talada saxda ah ee ka hortagga mustaqbalka

➡️ Qalliinka waxaa loo baahan karaa kaliya haddii uu noqdo mid waqti dheer jiray (chronic). badanaa waxaa lasameyaa qaliinmada kala ah Fissurectomy iyo Sphincterotomy , Fissurectomy iyo Sphincterotomy waa qaliinno loo sameeyo chronic a**l fissure, waxayna ku kala duwan yihiin hab-falkooda:

Fissurectomy:
Qaliinkan waxaa laga saaraa unugga dillaacsan (fissure-ka) iyo skin tags, lamana gooyo murqaha sphincter-ka. Ujeeddadu waa in la abuuro nabar cusub oo si dabiici ah u bogsada. Waxaa badanaa loo doortaa bukaanada a**l tone-koodu caadi yahay ama kuwa khatar sare ugu jira incontinence (xakamayn la’aan saxaro).

Sphincterotomy (badanaa Lateral Internal Sphincterotomy – LIS):
Qaliinkan waxaa si yar loo jeexaa internal a**l sphincter muscle-ka, si murqaha loo dabciyo. Tani waxay yaraysaa spasm-ka, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga, taasoo fududeysa bogsashada. LIS-ku badanaa wuxuu keenaa xanuun yaraansho degdeg ah sababtoo ah si toos ah ayuu u daaweeyaa murqaha kacsan.

👉 Guud ahaan, LIS waxaa lagu yaqaan healing rate sare iyo xanuun degdeg u yaraada, laakiin waxaa jirta khatar yar oo incontinence ah. sidaas darteed waa inaa mar waliba xasuusnataa dhibaatda ka dhalan karto,

16/01/2026

Waa maxay Fissure (A**l Fissure)? ama dilaac lagu arko dabada

Address

Jaale Siyaad Streat, Dharkeenley
Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Isse ceymoy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category