
08/09/2025
Fursad ayey noo aheed in aan lakulanay gudoomiyaha Hay'adda Naafada Qaranka Soomaaliya National Disability Agency somalia Mudane Mohamed Abdul Jama halkaas oo aan Kula wadaagnay xog kusaabsan xaaladaha iyo duruufaha ay Ku noolyihiin caruurta qaba baahiyaha gaarka ah.
Waxaan sidoo kale Ka dhegeysanay talooyin Ku saabsan guud ahaan Naafada dalka iyo caruurta si gaar ah.
Waxaan Isla garanay in ay muhiim tahay in leys kaashado.
Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdul Jaamac, ayaa 7-dii Sebtember 2025, xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Abdirizaak Elmiy Maxamed, Guddoomiyaha Xarunta Mustaqbal ee Carruurta Baahiyaha Gaarka ah qaba, oo ay wehelisay Marwo Umuhan Maxamed Daahir, madaxa wacyigelinta ee xarunta.
Xarunta Mustaqbal ee Carruurta Baahiyaha Gaarka ah waa urur samafal oo ka shaqeeya taageerada iyo waxbarashada carruurta qaba autism, Down syndrome, ADHD, cerebral palsy, iyo xaalado kale ee baahiyaha gaarka ah.
Intii uu socday kulanka, madaxda Xarunta Mustaqbal waxay soo bandhigeen warbixin ku saabsan shaqooyinka ay qabtaan iyo adeegyada waxbarasho ee ay u fidiyaan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Waxay sidoo kale iftiimiyeen caqabadaha horyaalla iyo baahiyaha muhiimka ah ee dhinaca waxbarashada iyo taageerada bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdul Jaamac, ayaa bogaadiyey doorka qiimaha badan ee xaruntu ku leedahay taageerada carruurta baahiyaha gaarka ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda muhiimka ah.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga si xal loogu helo caqabadaha horyaalla carruurta naafada ah, ayna wadajir uga shaqeeyaan horumarinta waxbarashada iyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Mudane Maxamed Abdisalan Diiriye, Agaasimaha Somali Disability Empowerment Network (SODEN), kaas oo fududeeyay kulanka, maadaama ay iskaashi dhow ka dhaxeeyo NDA iyo SODEN.