18/02/2026
πππ¦πππ₯π²π¨ ππ’π₯ππ¬π‘πππ ππ’π¬π‘π πππ«ππ€πππ¬ππ§ ππ ππ¨π¨π§ π
Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyaasha Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Axmed Cusmaan Ibraahim ( Dr. Shuqul), wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Caafimaadka, bilashada bisha barakeysan ee Soon .Bisha barakeysan ee Ramadaan waa bil raxmad, dembi-dhaaf iyo naarta oo laga xoreeyo adoomada Alle. Waa bil uu Alle (SWT) uu naxariistiisa balaariyo, ducada aqbalo, dambigana ku dhaafo.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, dambiyadeena dhaafo, acmaasha wanagsan naga aqbalo, nagana xoreeyo Naarta. Sido kale uu Alle nawaafajiyo habeenka Leylatul-qadri oo Ka qeyr badan kun bilood.Sidoo kale, Naadiga wuxuu ku baraarujinayaa dhamaan bulshada in laga faaβiideysto fadliga bishan barakeysan, lana badiyo camalka suuban.
Dalkeena Soomaaliyeed wuxuu wajahaya xaalado adag, gaar ahaan abaarta saameysay dad badan oo walaalaheen ah. Sidaa darteed, waxaan ku boorineynaa bulshada in loo duceeyo dalka iyo dadka, isla markaana la muujiyo garab istaag iyo gurmad intii karaanka ah. Alle ha naga aqbalo soonkeena, salaadeena iyo sadaqadeena, Alle hanaga dhigo kuwa ka faaβiidaysta fadliiyo Bishan Barakeesan.
SOON WANASANπ
DHAMAAD