Dr. Mohamed Yaqub Hassan

Dr. Mohamed Yaqub Hassan Pediatric And Child Health Specialist. |
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital. Pediatric And Child Health Specialist.

Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital

Waxan Bulsho weynta Somaliyed la wadagaya inan si Rasmi ah Uga Howl Bilaabey Hospitalka Takhasusiga ah ee Yardimeli Hosp...
03/01/2026

Waxan Bulsho weynta Somaliyed la wadagaya inan si Rasmi ah Uga Howl Bilaabey Hospitalka Takhasusiga ah ee Yardimeli Hospital

🧒🦋 ILMO QABA CUDURKA QANJIRKA THYROID-KAThyroid gland-ku waa qanjir yar oo ku yaalla qoorta, wuxuuna xakameeyaa koritaan...
16/12/2025

🧒🦋 ILMO QABA CUDURKA QANJIRKA THYROID-KA

Thyroid gland-ku waa qanjir yar oo ku yaalla qoorta, wuxuuna xakameeyaa koritaanka, tamarta, iyo shaqada jirka ilmaha. Marka uu shaqadiisa khaldo, caafimaadka ilmaha si weyn ayuu u saameeyaa.

Noocyada ugu badan:
• Hypothyroidism – Thyroid-ka oo gaabis noqda
• Hyperthyroidism – Thyroid-ka oo aad u firfircoonaada

Calaamadaha lagu arki karo carruurta:

🔹 Hypothyroidism:
⚠️ Daal badan
⚠️ Koritaan gaabis ah
⚠️ Miisaan kordha
⚠️ Qabow u nuglaansho
⚠️ Waxbarasho ama xusuus dhibaato

🔹 Hyperthyroidism:
⚠️ Wadno garaac degdeg ah
⚠️ Miisaan dhaca
⚠️ Gariir ama walwal
⚠️ Dhidid badan
⚠️ Hurdo la’aan

Goorma ayaa la dareensadaa halis?
🚨 Haddii koritaanka ilmaha istaago
🚨 Haddii garaaca wadnaha aad u bato
🚨 Haddii calaamaduhu sii xoogaystaan

Maxaa la gudboon waalidka?
✅ Ilmaha u gee dhakhtar si baaritaan dhiig loo sameeyo
✅ Raac daawada si joogto ah haddii la qoro
✅ Ha joojin daawo adigoon talo dhakhtar helin
✅ La soco koritaanka & horumarka ilmaha

📌 Ogaaw:
Cudurrada thyroid-ka carruurta waa la maareyn karaa haddii goor h**e la ogaado.

Hadad uga shakisantahay caruurtada cudurka Ku dhaca Qanjirka Thyroid-ka waxa ku diyaar ah Dr Mohamed Yaqub Hassan oo ah
Pediatric And Child Health Specialist.
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.

ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994




👶🦠 ILMO QABA TONSILLITIS (Bararka Qanjirrada Hunguriga)Tonsillitis waa caabuq ku dhaca qanjirrada ku yaalla dhabarka cun...
16/12/2025

👶🦠 ILMO QABA TONSILLITIS (Bararka Qanjirrada Hunguriga)

Tonsillitis waa caabuq ku dhaca qanjirrada ku yaalla dhabarka cunaha, wuxuuna ku badan yahay carruurta.

Calaamadaha lagu garto ilmaha qaba tonsillitis:

⚠️ Cunaha oo xanuuna marka uu wax liqayo
⚠️ Qandho
⚠️ Qanjirrada cunaha oo casaada ama leh dhibco cad
⚠️ Codka oo is beddela
⚠️ Ur xun oo afka ka yimaada
⚠️ Cunto diid ama daal

Goorma ayay khatar noqotaa?

🚨 Haddii cunuhu si weyn u bararo
🚨 Haddii neefsashada ama wax liqiddu ku adkaato
🚨 Haddii qandhadu sii socoto in ka badan 2–3 maalmood

Maxaa la gudboon waalidka?

✅ Ilmaha u gee dhakhtar si loo ogaado nooca caabuqa
✅ Ha siin antibiyootik adigoon talo dhakhtar helin
✅ Ku dhiirrigeli cabitaan diirran & nasasho
✅ Raac daawada si buuxda haddii la qoro

📌 Ogaaw:

Tonsillitis badanaa waa la daaweyn karaa, balse dayacaaddu waxay keeni kartaa dhibaatooyin kale.

💬 Haddii ilmahaagu cunto diido ama cunaha ka cawdo – ha iska indha tirin.

Caruurtada hadad ku aragto Infection Dhuunta ah ama Qanjirada dhuunta oo Bararsan waxa ku diyaar ah Dr. Mohamed Yaqub Hassan oo ah Dhaqtarka Caruurta.ز

Pediatric And Child Health Specialist.
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.

ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994


ILMAHA QABA PNEUMONIA (Oof-wareen)Pneumonia waa caabuq ku dhaca sambabada, wuxuuna si gaar ah halis ugu yahay carruurta ...
13/12/2025

ILMAHA QABA PNEUMONIA (Oof-wareen)
Pneumonia waa caabuq ku dhaca sambabada, wuxuuna si gaar ah halis ugu yahay carruurta yar-yar haddii aan si degdeg ah loo daaweyn.

Calaamadaha lagu garto ilmaha qaba pneumonia:

⚠️ Qandho sare
⚠️ Qufac joogto ah
⚠️ Neefsi degdeg ah ama dhib leh
⚠️ Daal, cunto diid, ama oohin badan

Goorma ayaa halis sii noqoneysaa?
🚨 Haddii ilmaha neefsashadu ku adkaato
🚨 Haddii bushimaha ama wejigu noqdaan buluug
🚨 Haddii qandhadu hoos u dhici weydo

Maxaa la gudboon waalidka?
✅ Ilmaha si degdeg ah ugu gee xarun caafimaad
✅ Ha siin daawo adigoon talo dhakhtar helin

📌 Ogaaw:
Pneumonia waa la daaweyn karaa haddii goor h**e la ogaado.

💬 Badbaadada ilmahaaga maanta waa mas’uuliyad wadajir ah. Ha daahin daryeelka.

Hadi aad ku aragto caruurtada Naqas ama Infekshan dhanka neef mareenka waxa ku diyaar ah Dr Mohamed Yaqub Hassan oo ah Dhaqtarka Caruurta.
Pediatric And Child Health Specialist.
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.

ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994




🔴 SKIN ALLERGY (Xasaasiyadda Maqaarka)Skin Allergy waa fal-celin uu maqaarku sameeyo marka uu la kulmo wax uusan u dulqa...
13/12/2025

🔴 SKIN ALLERGY (Xasaasiyadda Maqaarka)
Skin Allergy waa fal-celin uu maqaarku sameeyo marka uu la kulmo wax uusan u dulqaadan karin sida:
• Saabuunno & cosmetics
• Cuntooyin qaarkood
• Dawooyin
• Boodh, qiiq ama cayayaan

Calaamadaha lagu garto:
⚠️ Cuncun joogto ah
⚠️ Casaanyo ama finan
⚠️ Barar ama qallayl maqaarka ah
⚠️ Gubasho ama xanuun yar

Maxaa la gudboon?
✅ Ka fogow waxyaabaha kugu kiciya xasaasiyadda
✅ Ha xoqin maqaarka si uusan u sii xumaan
✅ Isticmaal kareem ama daawo uu dhakhtar kuu qoray
✅ La xiriir dhakhtar haddii ay sii darto ama noqoto mid soo noqnoqda

Hadii ay caruurtaada la Dhibanyihiin Xasaasiyad waxa kuu Diyaar ah Dr. Mohamed Yaqub Hassan oo ah Dhaqtarka Caruurta.

Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.
ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994

Jimca wanaagsan.
21/11/2025

Jimca wanaagsan.

20/11/2025

Caruurta inay helaan hurdo ku filan muhiimad ma uleedahay caafimaadkooda?

Dr. Mohamed Yaqub Hassan
Pediatric And Child Health Specialist.
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.

ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994

Tallaalka Caruurta  Faidoyinka uu leeyahay:1. Waqtiga loo baahanyahy ayu caawiya,2. ⁠Cuduro Halis ah ayu ka hor taga,3. ...
20/11/2025

Tallaalka Caruurta Faidoyinka uu leeyahay:

1. Waqtiga loo baahanyahy ayu caawiya,
2. ⁠Cuduro Halis ah ayu ka hor taga,
3. ⁠Difaaca jirka ayu kobciya,
4. ⁠Kuwa aan la talaalin ayu caawiya(Herd Immunity),
5. ⁠Qarash badan oo cudur in la daaweeyo ku bixi laha ayu baajinaya,
6. ⁠In cudur la cirib tiro ayu ka qeyb qaataa.

Dr. Mohamed Yaqub Hassan
Pediatric And Child Health Specialist.
Works At Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital.
ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994

12/11/2025

Hadii Hooyadu ubadkeeda ay siiso naas ama caano oo kaliya goormee ayey haboon tahay in loo bilaabo cunto?

Muuqaalkan ayaan kaga hadli doonaa wakhtiga saxda ah ee ku haboon in cunuga loo bilaabo cunto.

Hadaad ubaahan tahay la talin caafimaad waxaan ahay Dr. Mohamed Yaqub Hassan Pediatric And Child Health Specialist.
kana howlgala Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital, EX Digfeer.

ama igala soo xiriir
𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩: https://wa.me/+252615682994

Talo bixin ku aadan Isku dheela tirka cuntooyinka caruurta:1. Cuntoyinka wa iney ka koobnaadaan noocyada kala duwan sida...
10/11/2025

Talo bixin ku aadan Isku dheela tirka cuntooyinka caruurta:
1. Cuntoyinka wa iney ka koobnaadaan noocyada kala duwan sida (Kuwa Tamarta laga helo,Kuwa Protein ka laga helo,Caano,dufanta nooceeda fiican iyo Qudaar).
2. ⁠Ka yareey Cuntoyinka Sokorta iyo Cusbada ku badan,
3. ⁠Jadwalka maalinlaha ah waa inu ka koobnaada 3-da waqti la cunteeyo iyo 2 Snack(Kaabe),
4. ⁠Ka yareey Cabitaanada Sokorta leh ugu bedel biyaha caadiga ah.

Dr. Mohamed Yaqub HassanPediatric and Child Health SpecialistRecep Tayyip Erdoğan Training and Research HospitalMagacayg...
08/11/2025

Dr. Mohamed Yaqub Hassan

Pediatric and Child Health Specialist
Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital

Magacaygu waa Dr. Mohamed Yaqub Hassan, waxaan ahay takhtar ku takhasusay Daaweynta iyo Daryeelka Caruurta (Pediatrics and Child Health Specialist), waxaana ka shaqeeyaa Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital (Ex-Digfer).

Waxaan leeyahay in ka badan 6 sano oo waayo-aragnimo ah oo aan ku soo shaqeynayay daryeelka caafimaadka carruurta, ka hortagga cudurrada, iyo la-talin ku saabsan koritaanka iyo nafaqada ilmaha. Intii aan shaqadan ku jiray, waxaan bartay in caafimaadka carruurtu uu yahay tiirka ugu weyn ee nolosha bulshada caafimaad qabta.

Sababta aan ugu soo biiray baraha bulshada waa mid cad —

Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago aqoontayda iyo khibraddayda caafimaad, si aan gacan uga geysto wacyigelinta iyo horumarinta caafimaadka carruurta.

Waxaan aaminsanahay in aqoonta la wadaago ay badbaadin karto Naf, ayna horseedi karto bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal wanaagsan leh.
Ujeeddadaydu waa hal mid:

👉 Inaan abuuro bulsho Soomaaliyeed oo si wanaagsan u fahamta caafimaadka carruurta, una korisa caruur caafimaad qaba Maskax ahaan iyo Jismi ahaan, faraxsan, oo mustaqbal leh.

Nagu soo biir oo kamid noqo asxaabta ku xiran barteena cusub ee facebbok.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Mohamed Yaqub Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category