Qardho General Hospital

Qardho General Hospital Cusbitaalka Guud ee Qardho

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, Hawlwadeenada Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU, iyo howlwadeenada waaxda daryeelka...
09/05/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, Hawlwadeenada Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU, iyo howlwadeenada waaxda daryeelka Hooyada oo isku duuban ayaa soo qaban qaabiyey munaasabad Mahadcelin iyo dhiirigalin u ah Dhakhtarka Caruurta iyo dhallaanka Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr Fayes Al Abdullahi, oo mudo Sanad ah ka shaqaynayay Cisbitaalka.

Munaasabadda waxa kaso qayb galay Maamulka Cisbitaalka Dhakhatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka iyo Shaqaalaha Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU.

Dr Fayes Al Abdullahi oo ka hadlay Munaasabada ayaa u mahadceliyey Maamulka Cisbitaalka iyo Shaqaalaha Waaxda Hooyadda iyo dhalaanka dhamaantood hawlwdeenada Cisbitaalka.

Munaasabada ayaa kuso dhamaatay jawi farxdeed.

06/05/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho wuxu ugu bishaaraynayaa Bulshada Reer Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar in CT-Scan ka Cisbitaalka Guud ee Qardho uu si toos ah shaqadiisii u wato una adeegaayo Bukaanada u bahan Scan ka wuxuna shaqeeyaa 24/7.

Kusoodhowaada Cisbitaalka Guud ee Qardho.

24/04/2026

CT-Scan ka Cisbitaalka Guud ee Qardho

16/04/2026

Kalmadaha Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Cisbitaalka iyo madaxqaybeedyada ee sagootinta Dr. Ahmed Weli.

16/04/2026

Kalmada Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho Munaasabada Sagootinta Dr Ahmed Weli Mukhtaar oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka Guud ee Qardho oo u baxay safar Waxbarasho.

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, madaxqaybeedyada waaxaha kala duwan ee Cisbitaaalka,iyo Dhakhaatiirta ka howlgasha ...
14/04/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, madaxqaybeedyada waaxaha kala duwan ee Cisbitaaalka,iyo Dhakhaatiirta ka howlgasha qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka ayaa u qabtay kulan sagootin ah Dr Ahmed Weli Mukhtar oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ka hawlgasha qaybta gargaarka degdegga ah ee Cisbitaalka, oo u baxaya Takhasus iyo aqoon kororsi dalka dibadiisa ah. Maamulka Cisbitaalka ayaa Dr Ahmed uga Mahadceliyey mudadii uu ka shaqaynayay Cisbitaalka sida kartida hufananta leh ee ugu adeegay Bulshada.

Bahda Cisbitaalka Guud ee Qardho waxay Guul u rajaynayaa Dr Ahmed Weli iyo inuu Alle u fududeeyo Safarkiisa Waxbarasho.

Alla Mahadle

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, iyo Dhakhaatiirta ka howlgasha qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka ayaa u qabtay kula...
13/04/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, iyo Dhakhaatiirta ka howlgasha qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka ayaa u qabtay kulan soo dhowayn iyo wada shaqayn ah dhakhtarka ka shaqayn doona RADIOLOGY UNIT-ka Cisbitaalka Guud ee Qardho.
Dr. BRIAN, oo ah Radiographer ka ku shaqayn doona Mashiinka CT-Scanka, Digital X-ray, Ultrasoundka, iyo Echocardiography ga.

Bulshada ku dhaqan degmada Qardho, Gobolka Karkaar iyo Guud ahaan bulshada deegaanka waxan ugu bishaaraynynaa in adeegyada kor kuxusan oo dhan laga heli doono Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Alla Mahadle

Dr. Fayes Al Abdullahi Pediatrics and Neonatology. Gardo General Hospital.
12/04/2026

Dr. Fayes Al Abdullahi Pediatrics and Neonatology. Gardo General Hospital.

Gardo General Hospital CT-SCAN.
08/04/2026

Gardo General Hospital CT-SCAN.

Wargalin Muhiim ah. Bulsho waynta ku nool gobolka karkaar, Magalada Qardho Iyo Nawaaxigeeda Waxa lagu wargalinayaa inuu ...
08/04/2026

Wargalin Muhiim ah.

Bulsho waynta ku nool gobolka karkaar, Magalada Qardho Iyo Nawaaxigeeda Waxa lagu wargalinayaa inuu shaqada kuso noqday Dhakhtar Caruurta iyo dhallaanka Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr Fayes Al Abdullahi, oo fasax kooban ku maqnaa.

Dr Fayes Waa Dhakhtar leh khibrad shaqo iyo daryeel caruur oo ka badan 26 sano wuxuna ka hawlgalaya Cisbitaalka Guud ee Qardho 24/7.

Waxa Cisbitaalka Guud ee Qardho loga baahanyahay dhiig noociisu yahay O-  Fadlan, hadii nooca dhiigaagu yahay O- badbaad...
02/04/2026

Waxa Cisbitaalka Guud ee Qardho loga baahanyahay dhiig noociisu yahay O-

Fadlan, hadii nooca dhiigaagu yahay O- badbaadi bukaanka u baahan dhiigas lana xiriir waaxda shaybaarka Cisbitaalka.

وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا.

Alla Mahadle.

Address

Xaafadda Xorgoble
Qardho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qardho General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share