09/09/2025
Wasiirka wasaarada caafimaaadka Dowlada Puntland ayaa maanta safar shaqo ku yimi Cisbitaalka Guud ee Qardho, waxa uuna si rasmi ah xarigga uga jaray qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay cisbitaalka, halka uu dhagax dhigay qayb cusub oo la dhigi doono mashiinka CT-SCAN ka. qaybaha uu wasiirku xariga ka jaray waxa u horeeya waaxda NEONATAL INTENSIVE CARE UNIT oo ah waax lagu dabiibocarruurta aan sadkooda dhameysan, iyo INTENSIVE CARE UNIT oo ah qeybta dadka khatarta ku jira lagu daryeelo. waxa kale oo wasiirku xariga ka jaray qalab cusub oo casri ah oo lagu soo kordhiyay shaybaarka.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, wasiirka iyo wafdigiisa waxay mid mid u kormeereen qeybaha kala duwan ee cusbitaalka. Sidoo kale, munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha cusbitaalka ayaa wasiirka looga warbixiyay howlaha shaqo ee ka socda cisbitaalka.
Warbixinta guud ee Cisbitaalka waxa bixiyay Hussein Muse Nuh, Agasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho, halka warbixinta xarumaha la soo kordhiyay, adeegyadooda, iyo muhiimada ay u leeyihiin bulshada uu ka warbixiyay Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Qardho, Dr.Ibrahim Ahmed Osman.
Warbixinta waxa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin qaar kamid ah hawl-wadeenada cisbitaalka Guud ee Qardho.
Ugu danbayn waxa xaflada soo xiray Wasiirka Wasaarada Cafimadka Dowlada Puntland Siciid Jamac Qorshel, isaga oo bogaadiyay shaqada baaxada leh iyo nafhurnimada ay hayaan una mahadceliyay gudiga cusub ee Cisbitaalka Guud ee Qardho. Waxa kale oo wasiirku u mahadceliyay howlwadeenada Cisbitaalka oo har iyo habeen u adeegaya bulshada gobolka.