Somali Community Care Organization-SOCCO

  • Home
  • Somali Community Care Organization-SOCCO

Somali Community Care Organization-SOCCO waxaad nagala soo xiriiri kartaan:
Email:somalicommunity333@gmail.com
Tel:619882894

Somali Community Care Organization waa Hay,ad ka shaqeysa arimaha bani aadamnimo sida:Waxbarashada,Caafimaadka,Quudinta iwm,Waxay ka howlgashaa dhamaan Gobolada dalka.

14/05/2025
Hay,adda socco oo kaashanaysa Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee DOSYO ayaa Daawayn iyo daawo bilaash ah siiyay d...
13/05/2025

Hay,adda socco oo kaashanaysa Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee DOSYO ayaa Daawayn iyo daawo bilaash ah siiyay dad ka so barakacay Degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,barakac ku ah duleedka magaalada muqdisho gaar ahaan Xaawa cabdi kaamka Abroone.

Iyadoo laga jawaabaayo baaq uu dhowaan so saaray Midowga Horumarinta Digil ahaana in ay gurmad degdeg ah loola so gaaro dadkaas barakacay ah dhibaatooyin kala duwan heyso.

Madaxa Mashaariicda Hay,adda Socco Mundane:Abdirahmaan Sayid Cali Cabdi ayaa kor joogtaynaayay habsami u socodka Barnaamijka.

Mudane: Abdirahmaan Sayid Cali Cabdi uu mar warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in gurmadkaan uu bilaw yahay,ay xigi doonaan gurmadyo kala duwan.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii 2aad ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Si...
21/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii 2aad ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Siyaasada iyo Daahfurnaanta Waxbarashada.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo Labo maalmood ah waxaana so qabanqaabiyay Efasom Somalia .

Tababarka Marka uu dhamaaday ka dib ayaa ka qeubgaleyaasha la gudoonsiiyay shahaado ku aadan mowduuca ay barteen.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Siyaasada iyo Daa...
20/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Siyaasada iyo Daahfurnaanta Waxbarashada.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo Labo maalmood ah waxaana so qabanqaabiyay Efasom Somalia .

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ayaa Xarunta Maama Ugaaso Foundation ugu qabtay Ardayda Xarunta joogto B...
19/04/2025

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ayaa Xarunta Maama Ugaaso Foundation ugu qabtay Ardayda Xarunta joogto Barnaamijka Ka Wacyigelinta Ardayda Iskuulada Isticmaalka Maandooriyaha oo dhowaan Ururka daahfuray.

Barnaamijkaan oo lagula dagaalamaaayo Ardayda Isticmaalka Maandooriyaha,kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada gaar ahaan ubadka waxbaranaayo islamarkaana halis ku ah jiritaanka ummada ayaa Ururka Dosyo wacyigelin xoogan kaga samayn doonaa Iskuulada Dalka.

Brnaamijka ayaa taabagelisay Hay,adda Socco.

Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ahna Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa Soo jeedinaayay mowduucaan,isagoo aad kagala hadlay Ardayda Xarunta Maama Ugaaso halista iyo dhibaatooyinka kaga imaan karto Isticmaalka Maandooriyaha.

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ayaa sii wadi doona barnaamijkaan oo ah ka wacyigelinta Ardayda Halista Isticmaalka Maandooriyaha,si loo helo arday ka fiyow Isticmaalka Maandooriyaha,islamarkaana horumar ka gaara dhinaca waxbarashada.

Dhamaad.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii labaad ka qeybgalay shirwaynaha Efasom.Shirkaan o...
15/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii labaad ka qeybgalay shirwaynaha Efasom.

Shirkaan oo ahaa mid sanadle ah kana qeybgalaan Hay,adaha Xubnaha ka ah Efasom islamarkaana uu soconaayay labo maalmood ayaa lagu so bandhigay qodobo muhim ah,sidoo kale hay,adaha ayaa iyagana so bandhigay waxqabadyadooda dhinaca waxbarashada.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane:Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay maalintii 1aad ee Shirwaynaha Efasom Somalia o...
14/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane:Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay maalintii 1aad ee Shirwaynaha Efasom Somalia oo maanta Xubnaha Ururada Xubnaha ka ah Efasom ugu furmay Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco ahna Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo Mudane Abuukar S...
14/12/2024

Gudoomiyaha Hay,adda Socco ahna Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa booqday Iskuulka Hoose Dhexe ee Xaaji Yaslim ku yaala Deegaanka Moordiile ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Booqashada Gudoomiyaha Golaha Sare ayaa ku wehlinaayay Gudoomiyaha Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire Dr.Sayid Cali Macallin Yarrow iyo qaar kamid ah Golaha Fulinta.

Gudoomiyaha oo safar shaqo ah ku maraayay qaar kamid ah iskuulada ku yaalo Deegaanada hoos taga Degmada Afgooye ayaa Booqasho u kuurgalid xaalada waxbarasho ku tagay Iskuulka Xaaji Yaslim oo dhowaan Dib loo furay mudo uu xirnaa kadib.

Dhamaad.

Afhayeenka Ururka Dosyo
Abdirahmaan sayid Cali
Email: ururkadosyo33@gmail.com

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen   Ayaa maalintii 2aad ka qeybgalay tababarka barashada xirfadaha...
31/07/2024

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen Ayaa maalintii 2aad ka qeybgalay tababarka barashada xirfadaha digitalka

Tababrkaan ayaa so qabanqaabiyay Efasom Coalition,kana dhacayaa dhamaan Gobolada dalka.

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen  ayaa ka qeybgalay tababarka barashada xirfadaha digitalka Tabab...
30/07/2024

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay tababarka barashada xirfadaha digitalka

Tababrkaan ayaa so qabanqaabiyay Efasom Coalition,kana dhacayaa dhamaan Gobolada dalka.

Hay,adda Socco xubnaheeda ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka tababarka Barashada Xirfadaha Dijitaalka ay so qaban qaabisay Efa...
24/05/2024

Hay,adda Socco xubnaheeda ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka tababarka Barashada Xirfadaha Dijitaalka ay so qaban qaabisay Efasom Coalition.

Maana Xaaji Maxamed Cabdulle ayaa ku matalaysay Hay,adda Socco Tababarka.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Community Care Organization-SOCCO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somali Community Care Organization-SOCCO:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram