Shifa Hospital

Shifa Hospital Ku soo Dhawow Page ka saxda ah ee SHIFA HOSPITAL

Sonkorowgu waa ka halis badan sida dad badani u malaynayaan.Ma aha oo kaliya inuu saameeyo sonkorta jidhka—wuxuu dhaawic...
21/07/2025

Sonkorowgu waa ka halis badan sida dad badani u malaynayaan.

Ma aha oo kaliya inuu saameeyo sonkorta jidhka—wuxuu dhaawici karaa indhahaaga, kilyahaaga, wadnahaaga, neerfahaaga iyo xubno kale oo badan.

Fadlan, ha iska indha tirin calaamadaha. Si joogto ah u hubi heerka sonkorta dhiiggaaga oo naftaada daryeel.

Alhamdulialh waa alla mahdiiBukaan shalay shil ku galay magalada hudur.Oo markii dambena lugu guuleysaty kabistiisa.
08/07/2025

Alhamdulialh waa alla mahdii
Bukaan shalay shil ku galay magalada hudur.
Oo markii dambena lugu guuleysaty kabistiisa.

Ka faaideyso walaal Soonka Cashuura oo ah maalin Aad u fadli badan kuna beegan Sabtida insha,alaah,Sanadkii tagay dalbig...
03/07/2025

Ka faaideyso walaal Soonka Cashuura oo ah maalin Aad u fadli badan kuna beegan Sabtida insha,alaah,Sanadkii tagay dalbigeeda ayaa laguugu dhaafayaa insha,alah waana Maalinta Nabiga Scw wxu Yiri Soonka Faralka kadib maalmaha kale ee La Soomo maalinta 10-ka Cashuura ayaa ugu fadli badan

LABO Midkood waa sameyn kartaa muhiimada waa maalin kahor mari ama ka daba mari,Soon JIMCO iyo Sabti ama SABTI iyo AXAD Ileyn Yahuuda ayaa lagu qilaafayaa.

20/05/2025
Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
24/04/2025

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

31/03/2025

Mala socotaa adeegyada uu soo kordhiyay isbitaalka Shifa....seemore

SHIFA HOSPITAL.
31/03/2025

SHIFA HOSPITAL.

31/03/2025

SHIFA HOSPITAL
WXAA IDIN KU SOO KORDHISAY
ADEEGO TAYAYSAN
IYO DAAWA TAYO LEH.

Xaramka ayaa looga dhawaaqay in berri tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga ee sanadka 2025. Sacuudiga ayaa sheegay in ...
29/03/2025

Xaramka ayaa looga dhawaaqay in berri tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga ee sanadka 2025.

Sacuudiga ayaa sheegay in Bisha laga arkay qeybo kamid ah wadankaas, waxayna muslimiinta ugu hambalyeeyeen Ciida Soon-fur.

RAMADAN KAREEM☪️Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynaynaa munaasab...
28/02/2025

RAMADAN KAREEM☪️

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynaynaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.



02/02/2025

Faaidada kaa qarsan ee hurdada laga helo
Dr shine

26/01/2025

Warysi kooban oo bixiyay agaasimaha hospital Shifa Medical Center
Dr Mohamed Ahmed Abukar (mohamedey)

Address

Xuddur

Telephone

+252613004000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shifa Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram