29/06/2025
🦶 Maxay Tahay Tinea Pedis?
Tinea pedis waa caabuq oo sababo jeermiska nooca fungal (fungus) kaas oo ku dhaca cagaha, gaar ahaan inta u dhexeysa faraha sida sawirka hoose ka muuqata .
Waxaa sidoo kale loogu naaneesaa xanuunkaan Athlete's Fooot.
⚠️ Calaamadaha Tinea Pedis:
Cuncun badan iyo xanuun , gaar ahaan inta u dhexeysa faraha lugaha kala dhaxdooda âś…
Maqaarka oo dillaaca ama diirka ka dhaca âś…
Cagta hoose ama geesaha oo engegta ama jabab yeelata âś…
🦠Maxaa Sababa in jeermiskaan yimaado ?
Fungus-ka - keena tinea pedis wuxuu ku noolaan karaa:
Meelaha qoyan sidaas darteed hadii badanaa qoyaanka inbadan la kulmaan lugahaada waa unugushahay xanuunkaan .....
Sidoo kale Hadii Kabaha xiran ee buudka aa ubadantahay iyo siksaanta ama iskaalshada waa unugushahay xanuunkaan huurka badan aawadii.
đź’Š Daaweynta Tinea Pedis:
1. Waxaa loo isticmaalaa boomaatooyin xaaladaha h**e --antifungal topical (kuwa la mariyo maqaarka): sida :-
🟢 1- Terbinafine (Lamisil): boomaato ✅
Waa daawada ugu fiican ee loo isticmaalo xanuunkaan waqti xaadirkaan ayada oo kaliya ayaana ku filan
Sida loo isticmaalo:-
gacanta ku mari meelaha oo cudurku saameeyay ee faraha kala dhaxdooda inyar oo kuugu filan 1–2 jeer maalintii (7–14 maalmood).
Faa’iidooyinka: Waxay dishaa fungus-ka si xoog leh.✅
Hadii halka aa joogto laga heleen midaas waxaa isticmaali kartaa kuwaan mid ka mid ah 👇👇👇
🟢 b. Azole group: Clotrimazole ama Miconazole ointments mid ka mid ah ✅
👇👇
Clotrimazole (Canesten): 2% cream
Miconazole (Daktarin): 2% cream
Habka loo isticmaalo: 2 jeer maalintii, 2–4 toddobaad wad ✅
Faa’iidooyinkooda : Waxay kahortagaan koritaanka fangaska waxayna joojiyaan infekshinka.
âś… Talooyin Dheeraad ah oo Daawada Ka Sokow:
Cagaha ha ahaadaan kuwa qalalan, si fiican u qallaji markaad qubaysato si aad uga hortagto jaaniska oo ku kori karo jeermiskaan maadaama uu jecelyahay qoyaanka .
Iska ilaali kabaha cidhiidhiga ah ee kulul ama qoyan ee buudka ah iskana nadiifi siksaanta ama iskaalshada
Ha la wadaagin kabo ama shukumaan dadka kale hala isticmaalin
📝 Gunaanad:
Tinea pedis waa cudur uu sababo jeermiska fungi oo fudud in la daweeyo haddii la adeegsado antifungal topical sida terbinafine (Lamisil) ama azoles sida (clotrimazole, miconazole), lana raaco talada aa soo xusnay si sax ah .
Haddii uu sii jiro 4 toddobaad kadib daaweynta, la tasho dhakhtar si loogu bilaabo antifungal afka laga qaato (oral antifungal) kaniiniyaal đź’Šâś…
Hadii aa halkaan soo gaartay share qormada si bulsho badan u gaarto sidoo kale like si aad noogu dhiirigiliso inaa soo badino qormooyinkaan mahadsanidiin
Qore :-