
23/08/2025
๐๐๐ฌ,๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐๐ฒ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ง๐๐๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐๐ ๐๐ญ๐ข๐ฏ๐.
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐๐-๐ค๐ ๐๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ, ๐๐๐๐, Waxaa qabsoomay kulan weynaha shanaad ee samafalayaasha dhiiga ๐- kaas oo sanad walba la qabto islamarkaana lagu wacyigaliyo samafalayasha cusub ee dhiig O Negative.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta isku xirka samafalayaasha dhiiga O- iyo Bangiga Dhiiga Qaranka, si loo helo hannaan mideysan oo fududeeya helitaanka dhiiggan muhiimka ah,
Kulanka waxaa kasoo qeeybgalay dhaqaatiir, culumo iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale Kulanka waxaa kalmad kasoo jeediyay ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐, ๐๐ซ. ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ ๐, oo sheegay in dhiigga O- uu yahay nooca ugu badan ee baahida caafimaad loo qabo, isla markaana muhiim u ah badbaadinta nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Samafalayaashii ka qeybgalay ayaa soo bandhigay khibradahooda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo talooyin lagu horumarin karo nidaamka isku xirka joogtada ah ee u dhexeeya iyaga iyo Bangiga Dhiiga Qaranka. Waxaa sidoo kale si xoog leh diiradda loo saaray baahida loo qabo in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda dhiig-deeqista si loo kordhiyo tirada dadka dhiigga ku deeqaya, gaar ahaan kuwa leh dhiiga O-.
Ugu dambeyntii, kulanka waxaaa laga soo saaray baaq mideysan oo ku wajahan samafalayaasha dhiiga O- iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, si loo sii laba-jibbaaro dadaalka naf-badbaadinta, halka Bangiga Dhiiga Qarankana uu ballanqaaday taageero joogto ah iyo xiriir dhow oo lala yeesho samafalayaasha.
-------
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ณ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐
๐๐๐๐๐๐๐.
๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐ญ๐๐๐ซ ๐๐ก๐ฆ๐๐
Dhigaada oo aad bixiso waxa ay badbaadin doontaa nolosha Qof.
Dhiig Ku deeqis: https://ee.kobotoolbox.org/x/j2AhaZue
Email: bloodbank@moh.gov.so