Naima Shidoow

Naima Shidoow Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Naima Shidoow, Medicina e saúde, Rua Casimiro de Abreu 755 34 rua praiba, Mogadishu.

Dr. Naima💉
📚 La-talin & wacyigelin caafimaad (bilaash)
👩‍⚕️ Dhalmo-la’aanta rag & dumar
🤰 Hooyooyinka uurka leh
🛑 FGM (Gudniinka Fircooniga)
💊 Vitamiinada, miisaanka & cudurrada guud
📩 Nala soo xiriir si aad talo u hesho

🩸Maogtahay Hoos u dhaca testosterone-ka wuxuu saameeyaa 40% ragga ka weyn 45 jir. Daalka, rabitaanka galmo oo yaraada, i...
13/04/2026

🩸Maogtahay
Hoos u dhaca testosterone-ka wuxuu saameeyaa 40% ragga ka weyn 45 jir. Daalka, rabitaanka galmo oo yaraada, iyo baruurta caloosha ma aha ‘gabow kaliya’, waxay la xiriiraan hormoonnada.

📢Gynecomastia (naasaha waynaada ragga) ma aha kaliya “baruur ku ururta laabta ragga.” Waxay noqon kartaa calaamad muujin...
13/04/2026

📢Gynecomastia (naasaha waynaada ragga) ma aha kaliya “baruur ku ururta laabta ragga.” Waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa dheelitir la’aan hormoonnada ama cudur ku dhaca beerka. Ha fududaysan hana ka kaftamin.

13/04/2026

Mammogram (baaritaanka naaska) wuxuu badbaadiyaa nolosha. 💗

Inta badan tilmaamaha caafimaad waxay ku taliyaan in la bilaabo da’da 40 jir haddii qofku yahay qof halis caadi ah leh.

Haddii aad leedahay:
• Taariikh qoys oo xooggan
• Ama khatar hidde-side (genetic risk)

Waxaa baaritaanka bilaabeysa ka hor 40 jir.

👉 Ogoow khatartaada
👉 Baaritaanku waa daryeel naftaada ah

Ha sugin—iska hubi maanta.

📢Talo Maalinle ah (OB/GYN): Caafimaadka va**nahAntibiyootigyada xooggan 💊 waxay carqaladayn karaan dheelitirka dabiiciga...
13/04/2026

📢Talo Maalinle ah (OB/GYN): Caafimaadka va**nah

Antibiyootigyada xooggan 💊 waxay carqaladayn karaan dheelitirka dabiiciga ah ee bakteeriyada jirka, taasoo keeni karta caabuqa fangaska (yeast infection), sida afka, va**na /afka xubinta ninka ama maqaarka.
Jooji isticmaalka antibiyootigyada adigoo u cunaya cudur kasta ❗—lama qaato haddii aan dhakhtar kuu qorin. Haddii aad antibiyootik u qaadato si khaldan, fangaska ma daaweynayo—xitaa wuu sii badan karaa.

Marka laguu qoro antibiyootik, weydii dhakhtarkaaga sida looga hortagi karo, ama haddii ay ku habboon tahay inaad qaadato probiotics.

Adigu ma weydiisaa waxyeellada daawooyinka?

💊

13/04/2026

🖐PCOS micnaheedu ma aha inaad tahay madhalays. 💗
Dumar badan oo qaba PCOS aya uur qaada ama ubad leh — mararka qaar iyagoo helaya taageero caafimaad, mararka qaarna si dabiici ah.
PCOS waa xaalad hormoono, laakiin ma aha xukun noloshaada ama dhalmadaada.
Daaweyn, nafaqo sax ah, jimicsi, iyo daryeel joogto ah ayaa wax badan ka caawin kara.
Ha niyad jabin
Annaga waan kugu taageeri doonnaa talooyin bilaash ah. 🤍

13/04/2026

📢Ma ogtahay in kaalshiyam keliya uusan ku filnayn jirkaaga?
Si kaalshiyamku si fiican ugu shaqeeyo jirka, isla markaana murqaha iyo lafahaba u helaan nafaqo sax ah, waa in lagu daraa magnesium.

💀🦴💪Marka aad gaarto da’da 40 jir iyo wixii ka weyn, cufnaanta lafaha si dabiici ah ayay u yaraataa. Sidaa darteed, siinta jirkaaga macdano ku habboon waxay noqotaa mid aad u muhiim ah

🧠Maxaa keeni kara in laba qof (ninka & naagta) aysan uur yeelan? 👇Dhibaatooyinka dhalmo la’aanta (infertility) waa arrin...
13/04/2026

🧠Maxaa keeni kara in laba qof (ninka & naagta) aysan uur yeelan? 👇

Dhibaatooyinka dhalmo la’aanta (infertility) waa arrin ay wada saameyn karto lab iyo dheddig labadaba.

🔴 Sababaha Dumarka
Endometriosis – unugyada gudaha makaanka oo meel kale ku kora
Polycystic O***y Syndrome (PCOS) – hormoonnada oo isku dheellitir la’
Tubooyinka ugxanta (Fallopian tubes) oo xirmay
Dhibaatooyinka ugxan-sii-daynta (ovulation)

🔵 Sababaha Ragga
Tayada shahwada oo hooseysa (tirada, dhaqaaqa, ama qaabka)
Isbeddelka hormoonnada
Caabuqyo
Hab-nololeed aan caafimaad lahayn:
Sigaar cabbid 🚬
Fadhi badan (jimicsi la’aan)
Shaqooyin kiimiko leh
👉 Sidoo kale, cudur la yiraahdo Varicocele (xididdada xiniinyaha oo barara) waa sabab weyn oo ragga ku keenta dhalmo la’aan, waxaana lagu daaweyn karaa qalliin.

➕ Sababo kale oo muhiim ah

👉Diabetes (Sonkorow)
👉Cayilka (miisaan badan)
👉Stress badan 😓
👉Arrimaha hidde-sideyaasha (Genetic)
👉Cabitaanka khamriga (dhafarta) 🍺 – wuxuu si toos ah u yareeyaa tayada shahwada
Nafaqo darro – jirka oo waaya nafaqooyin muhiim ah sida zinc, vitamins iwm

⚠️ Xusuusin muhiim ah:
✔️ Labada dhinac waa in la baaro
✔️ Lifestyle-ka (cunto, jimicsi, ka fogaanshaha waxyaabaha waxyeelada leh) wuxuu door weyn ka ciyaaraa dhalmada

🤲 Ugu dambeyn: Ilaahay ha siiyo ubad kuwa aan haysan, kuwa haystana ha u barakeeyo ❤️

  Dheecaanka Caabuqa funguska (Yeast Infection)Dheecaanka caabuqa khamiirka badanaa waa caddaan, qaro weyn, oo burbur u ...
12/04/2026

Dheecaanka Caabuqa funguska (Yeast Infection)

Dheecaanka caabuqa khamiirka badanaa waa caddaan, qaro weyn, oo burbur u eg caano qaro weyn sida (cottage cheese). Badanaa ur ma laha ama wuxuu leeyahay ur khafiif ah.

lagu arko surwaalka:

Midab: caddaan ama caddaan khafiif ah
Qaab: qaro weyn oo jajaban
ur xooggan ma leh

kale

Cuncun iyo gubasho daran
Casaanyo iyo barar agagaarka xubinta
Gubasho marka la kaadinayo ama galmada.

📢📍👇Fiiro gaar ah: Dhammaan dheecaan aan caadi ahayn ma aha caabuq funguskan Haddii calaamaduhu sii socdaan ama ay cusub yihiin, la xiriir dhakhtar.

📢Daraasad cusub oo 2026 ah ayaa muujisay in bacrimintaadu aysan ku xirnayn da’daada, balse ay ku xirantahay heerka walba...
12/04/2026

📢Daraasad cusub oo 2026 ah ayaa muujisay in bacrimintaadu aysan ku xirnayn da’daada, balse ay ku xirantahay heerka walbahaarka (stress) ee jirkaagu qaadayo!
Walbahaar joogto ah (chronic stress) wuxuu dedejiyaa gabowga ugxan-sidaha (ovarian aging).
sympathetic nervous system-kaaga ayaa si toos ah ula xiriira unugyada ugxan-sidaha ‼️

Qofkasta qofkuu ka walwal badan yahay ugxaantisa way kahor dhamataa.

12/04/2026

📢Uma baahnid inaad nadiifiso gudaha xubinta taranka (va**na). Jirkaagu isagaa is-nadiifiya si dabiici ah. Isticmaalka waxyabaha hosta lagu dhaqo sida biyo cusba leh ama dawooyin lagu dhaqo gudaha siilka wuxuu kordhiyaa khatarta infekshannada ma aha nadaafad.

Va**na wuxuu leeyahay bakteeriyo wanaagsan oo ilaalisa dheelitirka iyo aash*tada dabiiciga ah. Haddii aad farageliso waxa dhici kara
In dheelitirkaas burburto
In uu kugu dhaco Bacterial Vaginosis
In uu kugu dhaco Yeast ama fungas
Xitaa infekshan gudaha miskaha ah .

📢Maxaa sameynee?
Nadiifi kaliya bannaanka (v***a) adigoo isticmaalaya biyo diirran
Ka fogow saabuun ur leh iyo waxyaabo kiimiko leh
U daa jirka inuu si dabiici ah isu nadiifiyo.

12/04/2026

Ma ogtahay? ⏳💙

Haddii aad tahay 40+ ama ka weyn, waa muhiim inaad ka feejignaato caafimaadka qanjirka prostate-ka.

👉 Qiyaastii 1 ka mid ah 8 rag ah (≈12%) ayaa noloshooda ku qaadi kara kansarka qanjirka prostate-ka.

👉 Khatartu way sii kordhaysaa marka da’da la gaaro 50+ iyo wixii ka dambeeya.

⚠️ Calaamadaha la iska fiiriyo:
🚩Kaadi isbeddel ku timaada
🚩Kaadi badan habeenkii
🚩Socodka kaadida oo daciif noqda
🚩Xanuun ama culays hoosta caloosha ama dhabarka hoose

👉 Haddii calaamado jiraan, ha iska indha tirin baaritaan samee.
🛡️ Ka hortag waxay yareysaa khatarta
🖐Jimicsi joogto ah
🖐Cunto caafimaad leh (khudaar, miro, omega-3)
🖐Miisaanka oo la xakameeyo
🖐Ka fogaanshaha sigaarka & khamriga
🖐Hubin caafimaad (check-up) 40+
📊 PSA (baaritaanka dhiigga)
👉 PSA waa baaritaan lagu cabbiro caafimaadka qanjirka prostate-ka.

40 ilaa 50 jir PSA waa inuu ahaadaa qiyaastii ≤ 2.5 ng/mL.

Wali ma sameysay baaristaaan?

📢Qanjirka prostate-ka wuxuu qayb ka yahay sameynta shahwada. Marka uu xanuunsan yahay xanuun , shahwada o yarata, tayada o daciifta.

🧠Isku dheellitir la’aanta hormoonnada waxay saameyn kartaa caadada, maqaarka, miisaanka iyo xitaa caafimaadka maskaxda.H...
12/04/2026

🧠Isku dheellitir la’aanta hormoonnada waxay saameyn kartaa caadada, maqaarka, miisaanka iyo xitaa caafimaadka maskaxda.

Ha iska indha tirin calaamadaha h**e. Ogaanshaha h**e = daaweyn fudud.

Haddii aad dareento in wax is beddeleen, la tasho dhakhtar si loo ogaado sababta iyo daaweynta ku habboon.

Address

Rua Casimiro De Abreu 755 34 Rua Praiba
Mogadishu
03013001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naima Shidoow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Naima Shidoow:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram