Naima Shidoow

Naima Shidoow Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Naima Shidoow, Medicina e saúde, Rua Casimiro de Abreu 755 34 rua praiba, Mogadishu.

Dr. Naima💉
📚 La-talin & wacyigelin caafimaad (bilaash)
👩‍⚕️ Dhalmo-la’aanta rag & dumar
🤰 Hooyooyinka uurka leh
🛑 FGM (Gudniinka Fircooniga)
💊 Vitamiinada, miisaanka & cudurrada guud
📩 Nala soo xiriir si aad talo u hesho

📢Maxaaa subixi ku bilaawataa?Haddii aad subaxda ku bilowdo sokor badan (tusaale shaah sokor leh, coffee sokor lehWaxa ji...
06/05/2026

📢Maxaaa subixi ku bilaawataa?

Haddii aad subaxda ku bilowdo sokor badan (tusaale shaah sokor leh, coffee sokor leh
Waxa jirkaaga ku dhicikara👇

1. Sonkorta dhiigga si degdeg ah ayey u kacdaa
Sokortu si dhakhso ah ayey u gashaa dhiigga, taasoo keenta tamar degdeg ah iyo “firfircooni” gaaban Kadib si degdeg ah ayey u dhacdaa (energy crash)
Wax yar kadib, insulin ayaa hoos u dhigta sonkorta, taasoo keeni karta:
daal gaajo degdeg ah madax wareer ama feejignaan yari
✅️. Gaajo badan maalinta h**e
Sokor badan subaxdii waxay keeni kartaa inaad si degdeg ah u cunto mar kale, gaar ahaan cunto macaan ama carbohydrates.
✅️Saameyn muddo dheer ah (haddii ay caado n️oqoto)
Haddii subax kasta sokor badan la qaato
🚩miisaan kordhin
🚩halis insulin resistance (ka hor sonkorow)
🚩tamar joogto ah oo aan xasilloonayn
🚩feejignaan gaaban oo fiican
🚩kadibna “brain fog” ama daa

🧠 Halista mustaqbalka guud
Haddii ay caado noqoto
1. Sonkorow (Type 2 diabetes)
2. Miisaan kordhin & calool barar
Sokor degdeg ah = insulin badan
insulin badan = dufan kayd badan, gaar ahaan caloosha

3. Wadno xaxuun iyo dhiig-karka
triglycerides kor u kac
✅️cadaadis dhiig oo kordha

👩‍🦰 Dumarka gaar ahaan halista u badan
1. PCOS (Polycystic O***y Syndrome)
Sokor badan iyo insulin resistance waxay kordhin karaan:
caado aan joogto ahayn
finanka (acne)
timaha badan (face/body hair)
uur qaadista oo adkaata
🩸. Dhibaatooyinka uurka
Haddii caado noqoto:
halis gestational diabetes (sonkorowga uurka)
miisaan badan inta uurka lagu jiro
dhalmada oo adkata
❌️ Hormoonnada oo is beddela
insulin badan waxay saameyn kartaa estrogen & progesterone
waxay keeni kartaa caado wareer ama PMS daran
🩸Maqaarka & gabowga
sokor badan =“glycation” (waxyeello collagen-ka)
taasoo keenta
maqaarka oo degdeg u duqooba
laalaab h**e yeesho.

06/05/2026

Maxaa diidaya in aynu beddel yar sameyno?

Halkii aan ka cuni lahayn bariis badan oo keliya (carbohydrate badan), maxaa diidaya in aynu ku darno digir maadaama ay jaban tahay oo nafaqo badan leedahay?

🫘 Digirtu waa:

- Borotiin (dhista jirka)
- Fiber (wanaajisa dheef-shiidka)
- Waxay xakameysaa sonkorta dhiigga
- Waxay u fiican tahay wadnaha
- Waxay hodan ku tahay iron iyo fitamiino

Hilibku waa muhiim, laakiin maalin kasta hilib gaduudan cunistiisu caafimaad uma fiicna, gaar ahaan dadka waaweyn. Sidoo kale qof walba ma awoodo inuu si joogto ah u helo hilib ku filan.

Haddaba maxaa diidaya in aynu ka faa’iidaysanno dalagga dalkeenna sida digirta—oo jaban, caafimaad leh, isla markaana buuxin karta baahida jirka?

✅️Xasaasiyada iyo gaaska oo dad badan isku qaldaan hoos ka aqriso👇

📢🚩Maku tahay ukuntu xasaasiyadFarqiga ukunta dalka iyo tan Dibada.Ukunta gudaha dalka iyo tan dibadda laga keeno labadub...
05/05/2026

📢🚩Maku tahay ukuntu xasaasiyad
Farqiga ukunta dalka iyo tan Dibada.

Ukunta gudaha dalka iyo tan dibadda laga keeno labaduba asal ahaan waa isku nooc (ukunta digaagga). Farqiga ugu weyn wuxuu ka yimaadaa sida digaagga loo dhaqo, cuntadiisa, iyo nadaafadda, ma aha “bacrimin” gaar ah oo caafimaadka wax u dhimaya.
🥚 Ukunta gudaha dalka: Badanaa waa dabiici, digaagguna wuu banaanka wareegaa, taasoo mararka qaar ka dhigta mid dhadhan fiican leh. Laakiin mararka qaar nadaafadda iyo kaydintu way liidataa.
🥚 Ukunta dibadda laga keeno: Waxaa la mariyaa kormeer iyo nidaam adag, sidaas darteed waa la hubiyaa tayadeeda iyo badbaadadeeda.

Xasasiyada iyo nadafa ukunta dalka?
2 nuuc ukunta maxay kukala duwanyihiin?
Hoos ka aqriso👇

🥚Sidee ayaa xasasiyad ku tahay mida dalka ama mida dibada?

📢FAA’IIDOYINKA CAAFIMAAD EE CUNISTA UKUNTA IYO CIDDA KA FOGAAN KARTAUkuntu waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada ba...
05/05/2026

📢FAA’IIDOYINKA CAAFIMAAD EE CUNISTA UKUNTA IYO CIDDA KA FOGAAN KARTA

Ukuntu waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada badan ee la cuni karo. Waxay bixisaa borotiin tayo sare leh, dufan caafimaad leh, fiitamiino, iyo macdano taageera shaqooyin badan oo jirka ah.
Baro faa’iidooyinka caafimaad ee cunista ukunta, ka aqriso hoose 👇🏾

05/05/2026

🖐💉📢Naas-nuujinta joogtada ah (exclusive breastfeeding) ma aha oo kaliya inay ilmahaaga siiso nafaqo, balse sidoo kale si weyn ayay u yaraysaa booqashooyinka isbitaalka lixda bilood ee ugu horreeya noloshiisa.

🥚🩸Omega-3 waa nafaqooyin leh awood ka hortag barar (anti-inflammatory) iyo ka hortag oksaydheeshin (antioxidant), waxayn...
02/05/2026

🥚🩸Omega-3 waa nafaqooyin leh awood ka hortag barar (anti-inflammatory) iyo ka hortag oksaydheeshin (antioxidant), waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadka taranka ragga.
Waxay qayb muhiim ah ka yihiin xuubka unugyada shahwada (s***m cell membranes), iyagoo saameeya dabacsanaanta xuubka, dhaq-dhaqaaqa (motility), iyo shaqada guud ee shahwada.
Oksaydheeshin badan (oxidative stress) iyo barar waxay dhaawici karaan qaabka (morphology) iyo dhaq-dhaqaaqa shahwada, kuwaas oo aad muhiim ugu ah bacriminta guuleysata.
Cilmi-baaris caafimaad oo lagu daabacay joornaalada taranka (reproductive medicine) ayaa lagu daraaseeyay Omega-3 ragga qaba dhalmo la’aan iyo shahwo aan caadi ahayn.
Daraasado badan, raggu waxay qaateen Omega-3 muddo ku dhow 3 bilood, taas oo la jaanqaadaysa hal wareeg oo buuxa oo soo saarista shahwada ah.

👇Omega-3 waxay taageertaa taranka ragga

🚩Yareysa bararka jirka
🚩Ka hortagta waxyeellada oksaydheeshinka
🚩Hagaajisa dhaqdhaqaaqa shahwada
🚩Xoojisa xuubka unugyada shahwada
🚩Kor u qaadda tayada iyo shaqada guud ee shahwada

🔥Cuntadaadu waxay door weyn ka ciyaartaa caafimaadka taranka, in ka badan inta aad u malaynayso. Cuntooyinka hodanka ku ...
01/05/2026

🔥Cuntadaadu waxay door weyn ka ciyaartaa caafimaadka taranka, in ka badan inta aad u malaynayso. Cuntooyinka hodanka ku ah nafaqooyinka waxay ka qayb qaataan firfircoonida guud ee jirka iyo dheellitirka caafimaadkiisa.

🔥🖐Dhakhaatiirta ilkaha, sida kuwa ku sugan Ireland, waxay ku taliyaan in la cabo biyaha tuubada (tap water) sababtoo ah ...
01/05/2026

🔥🖐Dhakhaatiirta ilkaha, sida kuwa ku sugan Ireland, waxay ku taliyaan in la cabo biyaha tuubada (tap water) sababtoo ah waxay leeyihiin fluoride iyo saameyntiisa la xaqiijiyay ee ka hortagga suuska ilkaha Dental caries.

Meelaha sida Ireland, biyaha tuubada badanaa waxaa lagu daraa fluoride si heer ammaan ah loo xakameeyo. Fluoride-ku wuxuu ka caawiyaa:
1) Xoojinta dhaldhalaalka iliga (enamel)
Fluoride-ku wuxuu ka dhigayaa iliga mid adkaysi badan u leh aash*tada ka timaadda bakteeriyada iyo sonkorta, taasoo yareysa suuska ilkaha.

Biyaha tuubada iyo biyaha caaggadaha.

Biyaha tuubada
badanaa waxay leeyihiin fluoride la xakameeyay oo faa’iido u leh ilkaha.
Biyaha caagga: badanaa fluoride yar ama ma leh, inkastoo ay nadiif yihiiin

🔹 Gunaanad
Dhanka fluoride iyo caafimaadka ilkaha, tap water badanaa waa ka faa’iido badan yahay.
Laakiin badbaadada biyaha waxay ku xiran tahay tayada dalka iyo nidaamka nadiifinta.

🖐Midkee adiga cabtaa?
🩸Somalia kawaran?

01/05/2026

📢Haddii aad qabto xanuunka neerfaha loo yaqaan Sciatica, oo badanaa dumarka dhalmada kadib ku dhacda, samee jimicsigaan 🚩💉hadaa daawo kudaashay.

🔥Faa’iidada biyo qabow ama baraf wejiga lagu dhaqo Wuxuu si degdeg ah u dejinayaa walbahaarkaWuxuu kiciyaa maskaxda oo “...
01/05/2026

🔥Faa’iidada biyo qabow ama baraf wejiga lagu dhaqo
Wuxuu si degdeg ah u dejinayaa walbahaarka
Wuxuu kiciyaa maskaxda oo “reset” sameeya
Wuxuu yareeyaa garaaca wadnaha iyo kacsanaanta
Wuxuu kaa caawin karaa in ceeryaamo maskaxeed (brain fog) yaraato
Wuxuu soo kiciyaa dareenka feejignaanta (alertness)

Si fudud: wuu qaboojiyaa jirka + maskaxda, wuxuuna kaa saaraa kacsanaanta si degdeg ah.

Wali ma tijaabisay?

Subax wanaagsan 🌅Subaxdaadu ma aha inay noqoto mid dhamaystiran si ay u noqoto mid wanaagsan.Wax kasta waxay ka bilaabma...
01/05/2026

Subax wanaagsan 🌅

Subaxdaadu ma aha inay noqoto mid dhamaystiran si ay u noqoto mid wanaagsan.
Wax kasta waxay ka bilaabmaan hal go’aan oo yar—inaad kacdo oo aad bilowdo, xitaa haddii aadan dareemayn diyaar.
Inaad noqoto qof subaxdii kaca ma aha wax si fudud ku yimaada—waa wax aad maskaxdaada ku tababarto oo aad la qabsato maalinba maalinta ka dambaysa.
Ha siin maskaxdaada waqti ay ku keento marmarsiiyo.
Ha sugin dareen kugu riixa.
Adiga ayaa is riixaya.
Tallaabada ugu horreysa ayaa wax walba beddesha—kac oo muuji awooddaada 💪

Address

Rua Casimiro De Abreu 755 34 Rua Praiba
Mogadishu
03013001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naima Shidoow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Naima Shidoow:

Share