Caafimaadka Haddii aad qabto su'aal caafimaad I weydii hala xishoon sida aad u hesho Talo bixin ama latalin kusoo dhawoow bartaan oo hel talo caafimaad

10/10/2024

Maalin wanaagsan

Soo dalbo
20/11/2023

Soo dalbo

Is qaadasho la'aanta dhiiga lamaanaha Waxaan casharkeena maanta ku soo qaadanaynaa mawduuc muhiim u ah bulshada taasoo d...
29/01/2023

Is qaadasho la'aanta dhiiga lamaanaha
Waxaan casharkeena maanta ku soo qaadanaynaa mawduuc muhiim u ah bulshada taasoo dad badani aysan ka war haynin, siyaabo khalad ahne loo fasirto.

Waxaa casharkaan loo yaqaanaa "isqaadasho la'aanta dhiigga lamaanaha" waa cillad ka timaada nuuca dhiigga lamaanaha isqaba oo is diidan taasoo saameyn ku leh cunuga ay dhali doonaan. Cilladaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Rh Incompatibility".

Sida aan wada ognahay dhiigga wuxuu u kala baxaa "A, AB, B, O", kadibne mid walba waxaa loo sii kala qeybiyaa (+ iyo -), markaasi waxaa soo baxaya 8 nuuc oo kala ah "A+, A-, AB+, AB-, B+, B-, 0+, 0-".

Haddii aabo dhiigiisu yahay (+) uu guursado hooyo dhiigeedu yahay (-), kadibne hooyadu ay uurka ku qaado cunug aabaha ku dhiig ah oo (+) ah waxaa dhacda in cunugaasi uu badbaado marka ugu horayso maadaama dhiigga hooyada uusan ku baraarugin dhiigga uurjiifka, laakiin marka ay foolanayso ayaa labada dhiig isgaaraan, kadibne difaaca jirka hooyada ayaa heegan buuxa la galiyaa si wixii markaas ka dambeeyo hadday markale qaado cunug dhiigiisu yahay (+) in la weeraro isagoo uurka ku jira, sidaasne cunuga ku dhex dhinto minka gudihiisa bilaha dambe uurka ama markuu soo baxo maalmo ka dib. laakiin hadduu uurjiifka ku dhiig yahay hooyada (-), wuu badbaadaa.

Cilladaani waa mid caalamku u wada siman yahay, waxaana looga hortagaa in hooyada la siiyo cirbad tallaal oo kale ah bilaha ugu dambeeyo uurka ama isla marka ay dhasho si difaaca jirkeeda loo hilmaansiiyo dhiigga uurjiifka, sidaasne uurka xiga ku badbaado.

Nasiib xumo hooyooyina badan lama soo xiriiraan xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka amaba lagama helo meelaha ay ku nool yihiin sidaa darteed arintaan dad badani kuma baraarugsana, hooyooyin badanne way ku waayaan caruurtooda iyagoo aan ogayn, waxaana dhimashada caruurtaasi isku xigxiga loo saariyaa in hooyada la sixray, la ileystay ama jinni hayo, khaasatan markuu ninka guursado haween kale oo ay u dhasho ilmo caafimaad qaba.

Way dhib badan tahay in waalidiintaas laga dhaadhiciyo in cillad nuucaan ahi inay jirto taasoo keeni karta in ilmuhu dhiman doonaan, sababtoo ah waxaa laguu arki karaa qof ka hadlayo arrimo qarsoon oo Alle u gaar ah.

Dhibka kale oo jira ayaa ah in cirbadaan qaali tahay, dadka badankoodne aysan awoodin, meel kastane aan laga heli karin, una baahan tahay in lagu xifdiyo qaboojiye.

Haddii hooyadu uur qaado iyadoo aan cirbadaas la siinin, waa inay la soo xiriirtaa xarumaha caafimaadka laga helo dhakhtar ku takhassusay uurjiifka iyo dhallaanka, sababtoo ah waxaa laga yaabaa uurjiifkaasi in dhiigayri aad u daran ku dhacdo, markaasne u baahdo in dhiig lagu shubo isagoo uurka ku jira ama in qaaliin lagu dhaliyo waqti h**e si loo badbaadiyo haddii sambabadiisu ay koreen.

Fadlan haddii aad garanaysid hooyo caruur isku xigxiga iyagoo mayd ah dhashay ama foosha ka dib dhinteen ku wacyi geli jiritaanka xaaladaan si ay dhakhtar u la xiriirto loona baaro nuuca dhiigeeda iyo kan ninkeeda.

29/12/2022

JImco wanaagsan inagula saliyo Rasuulka Scw

Microbiology book Waxaa uu wataa sharaxaad casharo oo muuqaalWhatsappkaan lasoo xiiriir: https://wa.link/z5g4ze
26/04/2022

Microbiology book
Waxaa uu wataa sharaxaad casharo oo muuqaal

Whatsappkaan lasoo xiiriir: https://wa.link/z5g4ze

22/04/2022

Asc

22/04/2022

H

Qiiimo dhimista ramadaanka awgii Kaliyah waa $1Whatsappkaan lasoo xiriir : 0615842607
22/04/2022

Qiiimo dhimista ramadaanka awgii

Kaliyah waa $1

Whatsappkaan lasoo xiriir : 0615842607

  mellitus
22/04/2022

mellitus

Gastroenteritis waa bukasho si caadi ah ku dhaco mindhicirta kaasoo keeno matag iyo shuban. Waxaa keeno baktiirya, fayru...
21/04/2022

Gastroenteritis waa bukasho si caadi ah ku dhaco mindhicirta kaasoo keeno matag iyo shuban. Waxaa keeno baktiirya, fayrusyo iyo waxyaabo kale.
Xanuunada badankooda waa laga fiicnaadaa maalmo gudeheeda. Haddii matagga iyo shubanka ay aad u xun yihiin, waad fuuq bixi kartaa, taasoo loola jeedo inuu jirkaada ku yaraan doono biyo ku filan. Kani aad ayuu halis ugu yahay dhallaanada iyo carruurta yar.

Calaamadaha
Calaamadda ugu caansan ee infekshanka caloosha waa shuban iyo matag. Dad badan waxaa xittaa ku dhaco calool xanuun, xummad iyo madax xanuun.
Calaamadaha waxay caadi ahaan socon doonaan dhowr maalmood, laakin waxay socon karaan ilaa hal toddobaad. Haddii aad qabtid shuban iyo matag daran, ama uu ku haayo waqti dheer, waad biyo beeli kartaa (fuuqbax). Kani waxaa loola jeedaa in biyo kugu filan uu jirkaaga ku jirin.
Calaamadaha inaad biyo la?'aan tahay waxaa ka mid ah, indhaha oo god gala, afka oo qalalan iyo kaadi aad u yar oo tiq ah.

Sababaha
Fayrusyada waxaa si fudud loo kala gudbin karaa qof ka qof markii ay xiriir yeeshaan, ama markii uu qof cudurka qaba dad kale cunto u kariyo. Mar-mar gastroenteritis waxaa keeno sunta cuntada ku jiro. Waxaa jiro noocyo badan ee bakteeriya ee cuntada sumayn karo sida kuwa lagu magacaabo E-coli iyo salmonella. Biyo bakteeriyo soo gaartay ama ay wasakhaysay ayaa sababta ugu weyn ah.

Daawaynta
Waa inaad dareere badan cabtaa, gar ahaan biyo, sidii aad uga hortagtid fuuq bax. Dadka qaarkood waxay qaataan cabitaanada biyaha ku soo celiya jirka (ORS), kuwaaso aad ka heli kartid farmashiistahaaga. Isku day inaad cunno cuntid haddii aad awoodo. Dadka badankooda uma baahno daawooyinka looga hor-tago shubanka, laakin waxaad ka heli kartaa farmashiistahaaga. Carruurta ha siinin daawada loogu hor-tago shubanka.
Haddii calaamadaha ay aad u xun yihiin ama ay ficnaan waayaan, takhtarkaaga ayaa sambal ka qaadi karo shubankaaga sidii ay u ogaadaan nooca bakteeriyada iyo go'aan uga gaaraan daawaynta dheeradka ah, haddii loo baahdo.

Ka hor-tagga
Habka ugu fiican ee looga hortago in la qaado gastroenteritis waa markii la raaco hab-dhaqan nadaafad fiican leh. Mar walba gacmaha iska dhaq ka dib markii aad suuliga tagto, ka hor intiii aadan cunto taaban, ka dib markii aad beerta ka shaqeyso ama suuqa ka timaado. Shukumaanada wayn ama kuwa yar ha la qaybsanin dadka kale oo qabo infakshanka, si joogto ah u nadiifi suuliga ay isticmaaleen. Waxaa fiican inaadan dugsi ama shaqo aadin markii aad qabtid shuban iyo matag, waana in aad ka fogaataa ugu yaraan ilaa 48 saacadood laga bilaabo markii kugu dambaysay ee aad matagtey ama shubantey, sidii aad uga hortagto inaad dad kale cudurka ugu faafiso. Kani wuxuu gaar ahaan u fiican yahay haddii aad maqaayad ka shaqeyso
SomaliDoc .

Adresse

Km4 Strt
Democratic Republic Of The

Heures d'ouverture

Lundi 09:00 - 17:00
Mardi 09:00 - 17:00
Mercredi 09:00 - 17:00
Jeudi 09:00 - 17:00
Samedi 09:00 - 17:00
Dimanche 09:00 - 17:00

Téléphone

+252611446888

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Caafimaadka publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter La Pratique

Envoyer un message à Caafimaadka:

Partager

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Type