19/02/2024
daahin kara
Marwaliba oo ay lamaanuhu raadinayaan helida uur waa muhiim in ay garanayaan waxyaabaha keeni kara in aysan helin iyo wax waliba oo soo dadajin kara.
Uur helidu ma ahan kali ah in lamaanuhu kulmaan laakiin waxaa jira arimo badan oo kala duwan idinkuna caawin kara helida uur ama weytiisa.
Caadada oo u saxan hooyada ayaa laga yaabaa in ay ka hor istaagan in ay uur qaado xaaladaha ay ku noosahay ama shaqada ay qabato aawadeed.
Bukaandeeq waxa ay idinku caawinaysaa ogaanshaha caqabadaahaa iyo kuwa idinku caawin kara helida uurka.
Maxaa sababa in uureysigu daaho.
1. ka timaada ninka.
Mid ka mid ah kuwa ugu sareeya waxyaabaha sababa dhalma la'aanta waa tirada shahwada raga oo yar iyo shahwada oo aan caafimaad qabin ama lahayn sayntii ay ku dabaalan lahayd taas oo ay keento qalad ka yimaaday qaab samaysankii shahwada, waxaana lagu qiyaasaa 30% ilaa 40% in ay dhalma la'aanta sabab u tahay.
Waxaa lagu xaqiijin karaa baaris iyo in takhtarka lala kulmo.
2. said ah.
Buuqa ama walwalka waxa uu Qatar guud ku yahay caafimaadka jirka iyo kan maskaxda, sidaa oo kale waxa uu carqaladeeyaa helida uurka, buuqu waxa uu balance la'aan ku ridaa qanjiradii maamuli lahaa soo daynta shahwada iyo korinta ugxaanta, iyo waliba dhanka dumarka saxida caadada markaa hadii uusan qofku ku jirin daganaasho suurta gal maahan in uur la helo.
3. taga badan ama isutaga yar.
Dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin hadii kulanka sariirta uu joogto ahaado in uur laheli karo laakiin taasi sax ma'ahan, kulanka badan ee saaidka ah waxa uu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad sida, daal, wareer, murqaha oo dabca, kaadi badan, dhamaana waxa ay Qatar ku yihiin helida uur calaamadahaan.
Isu taga aadka u yar maalmo badan waxa ay hoos u dhigi kartaa uureysiga hadii kulanku yaryahana waxaa muhiim ah in lamaanuhu aqoon fiican u leeyihiin xiliga uur qaadistu diyaarka tahay.
4. sariirta kadib oo suuliga la'aado.
Marwaliba oo kulanka kadib haweneydu si dagdag ah ku aado suuliga oo soo xaajooto waxaa aad u yar fursada ay uur ku qaadi karto, waayo shahwadu waxa ay wali ku jirtaa xubinta taranka dumarka markaa hadii xubinta dumarka ka soo baxaan dareere jihada kale u socda waxa ay dib u soo celin karaan shahwada ama fadhigaa ayaaba sahli kara in shahwadu soo daadato halkaana rijadii ku dhamaato.
Markaa kulanka kahor waa muhiim in haweeneydu xaajada suuliga soo dhamaysto oo jiifka aysan ka kicin inta ay awoodo.
5. yarida.
Hurda la'aanta waxa ay qalqal ku ridaysaa xubnaha jirka iyo qaabka uu u shaqeeya difaaca jirka, waxaana uuna halis u jiraa qofka hurdadu ku yartahay in caabuq uu ku dhaco, dabeetana waxyeelo dhamaan xubnaha taranka si isku mid ah raga iyo dimarka, waxaana isku arki karaan qandho, kuleel farabadan oo jirka ka soo baxa dhaawacna u geysta shahwada, dumarkana walwal iyo qalqal caadada ku yimaada.
Waa muhiim hurda kugu filan hadii caqabad kale ay jirtana takhtarka waa muhiim lakulankiisa.
6. yari ama cayilka aadka u badan.
Caatada saaidka ah ama cayilka badan waxa ay carqaladeyn karaan uurka, hadii nafaqa daro ay jirto ugxaanta ma isdiyaarin karto, kadibna uur qaadis suurta gal mahan, si loo gaaro u jeedka waa muhiim in miisaanka lagu ilaaliyo meel ku haboon, xitaa hadii wareega dhiiga uu saxanyahay waxaa yar fursada uurka.
Cun raashin isu dheeli tiran, samey jirdhis fudud.
7. badan kareemka xubinta la mariyo.
kareemka xubinta la mariyo waxa uu Qatar ku yahay shahwada iyo qulqulkeeda, waxa uuna joojin karaa in ay is gaaraan ukunta iyo shahwada, ujeedkuna waa in si toos ah looga helo xubinta qoyaanka xiliga uur qaadista la soo daayo si shahwadu u nabad gasho una sii wadato safarkeeda, si ay u gaarto ugxaanta, markaa hadii kareemka la mariyo xubinta xiliga waxa uu waxyeeli karaashahwada.
8. nolosha qaarkood.
Nolosha xun ama laqabsiga waxyabaha qaar ayaa keeni kara in uurka la waayo sida sigaarka, cabida daroogada, dawooyinka la iska isticmaalo, cofeega, raga kuwaan waxa ay ku keeni karaan shahwa yari iyo shahwada oo jirata, dumarkana ukumaha oo aan isu diyaarin uur qaadis.
9. hawadiisu fiicnayn
Sunta lagu daadiyo bulshada dhexdeeda waxa ay ku keeni karaan raga iyo dumarkaba madhalaysnimo kuwaas oo ay ka midyihiin kiimikada, sigaarka la isku afuufo, bacaha wasaqeysan, cuntada jiran ee la gasacadeeyo, waxyaabaha la adeegsado suntan leh sida saabuunta, shaambada, iyo kareemada gabi ahaanba waxa ay wax yeeli karaan taranka yareyn karaana holiday burke waxaa Q/Dr cumar axmed colaad share halagubadiyo iyo flow mahdsanidiin dhamaantiin