09/03/2026
โiska jooji!! Dhibaatooyinka laga dhaxlo isticmaalka moobilka ee habeenkii !!
1๏ธโฃ Hurdo xumo (insomnia) โ Iftiinka buluugga ah ee screen-ka wuxuu hoos u dhigaa hormoonka hurdada ee melatonin, taasoo adkeynaysa inaad si fudud u seexato.
2๏ธโฃ Indho daal iyo arag daciif ah โ Ku fiirsashada screen muddo dheer habeenkii waxay keeni kartaa indho qalalan, daal iyo madax xanuun.
3๏ธโฃ Maskax daal iyo feejignaan yar maalintii โ Hurdo laโaanta ka timaadda isticmaalka telefoonka waxay hoos u dhigtaa xusuusta iyo diiradda maalinta xigta.
4๏ธโฃ Qoorta iyo dhabarka xanuun โ Marka qofku sariirta ku jiifo isagoo madaxa hoos u foorarsan (text neck), waxaa iman kara xanuun qoorta iyo dhabarka ah.
5๏ธโฃ Walwal iyo stress kordha โ Isticmaalka social media ama wararka habeenkii waxay kordhin karaan walwalka maskaxda, taasoo sii adkaynaysa hurdada.
โ
Talo: Waxaa fiican in telefoonka la joojiyo ugu yaraan 30โ60 daqiiqo ka hor hurdada si hurdadu u noqoto mid fiican.