Dr-Abdourahman Abdourashid,MD

Dr-Abdourahman Abdourashid,MD Somali, Medical Doctor, Clinician,Humanitarian worker, better health and education advocy towards underserved,resource limited and low income Communities.

My Decade ' Doctor's Journey of Hope and Healing'.maqaalkani wuxuu ka hadlayaa soo koobidda  tobanka sanno ee aan cilmig...
18/02/2022

My Decade ' Doctor's Journey of Hope and Healing'.
maqaalkani wuxuu ka hadlayaa soo koobidda tobanka sanno ee aan cilmiga caafimaadka ku jiray.
maqaalkani wuxuu iftiiminayaa dhibaatooyinka iyo carqalada ka jira caafimaadka wadanka sidoo kale wuxuu dhiirigalin u yahay dhalinta dhigata cilmiga caafimaadka.
walaw uu luuqada ingiriiska ku qoran yahay hadana waxaan rajaynayaa inaad wax badan ka fahmi doontid.
waxaan rajaynayaa in meelo kale oo caalami ah lagu daabici doono hada se waxaad ka akhrisan kartaa
websitekayga ;-https://drabdourahman.blogspot.com/

Linkinkayga;-https://www.linkedin.com/in/dr-abdourahman-abdourashid-587b5a202/

https://drabdourahman.blogspot.com/2022/02/my-decade-doctors-journey-of-hope-and.html

N.B Since this month was the conclusion of my 10 years in medicine career (2012-2022) , this article is highlights personal struggles an...

WacyigelinWaxaa Marar kala duwan goobta shaqo iigu yimaada hooyooyin walwalsan oo dhawr Dhakhtar u tagay sababtoo ah  ca...
17/10/2021

Wacyigelin

Waxaa Marar kala duwan goobta shaqo iigu yimaada hooyooyin walwalsan oo dhawr Dhakhtar u tagay sababtoo ah caruurtooda oo kuus yar ku yeeshay xudunta.
Xanuunkan Waxaa la yidhaahdaa Umblical hernia 'Bog-dilaac ama Eernada Xudunta Ku Dhacda'.
xanuunkani aad buu ugu badan yahay caruurta dhasha gaar ahaan kuwa aan sadkooga dhamaysan.
kaliya ilmaha waxaa lagu arkaa kuus yar oo xundhurta Ilmaha ka soo muuqda, wax xanuun ah malahan, kuuskaas yar wuxuu waynaadaa goortii uu ilmaha yari qufaco ama uu ooyo.
waxaa muhiim ah hooyooyinku inay ogaadaan inaanu xanuunkani wax daawo ah u baahnayn, Si iskii ah ayuu kuuskaas yari iskaga baabi'i doonaa markuu ilmahu gaadho 3-4Sanno.
waxaa Jira suunyar oo la ilmaha dhexda loogu xidho in muddo ah oo aan sawirkiisa soo galin doono qaybta comment ugu horaysa.
kuuskaasi kaliya wuxuu qaliin u baahan karaa marka uu aad u wayn yahay ama uu tagi waayo ilmaha oo gaadhay 5sanno.

F.G Sawiradani waa kuwa aan ka qaaday bukaano kala duwan xiliyo kala duwan sababta aan u soo galiyayna waa Wacyigalin iyo Baraarujin.

DrAbdourahman Abdourashid

Sii share garee si dad badan fariintani u gaadho.

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fi...
10/10/2021

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fiican oo caafimaadka maskaxda ah. Kalkan waxaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ka hadlaysa caafimaadka maskaxda.

“Maanka/maskaxda caafimaadka qabta” Waa marka uu qofka gaaro heer uu
ogyahay waxa karaankiisu yahay, marka uu maareyn karo daruufaha nolosha ee caadiga ah, uuna wax u qaban karo naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay.
Si qofka uu ugu noolaado nolol tayo leh waxaa muuhiim ah in uu la socdo xaalada caafimaad ee uu maankiisa ku suganyahay iyo inaanbarano sida aan u ilaalin laheyn caafimaadka maankeena.
Soomaali haddaan nahay , marka aan ka hadalno caafimaadka maskaxda waxaan ka fekernaa qofka waalan oo keliya. Marka qofku gaaro heerka waallida waa heerka ugu dambeysa uguna xag jirta xanuunada ku dhaca maskaxda. Marka waxaa muhiim ah in aan diiradda saarno sidii aan u maareyn laheyn caafimaad qabka maskaxda
Calaamadaha lagu garto marka qofka caafimaadka maskaxdiisu fiican tahay waxaa ka mid ah:
1. Kartida wax barasho
2. Kartida in wax la dareemo, laga hadlo lana maareeyo dareemada kala
duwan ee nolosha.
3. Kartida in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale
4. Kartida in la aqbalo in nolosha sida la rabo aanay mar walba noqoneyn.
5. Waxay xamili karaan baahida nolosha iyo dhibka la soo gudboonaada.
6. Go’aamadoodana iyaga ayaa gaari kara
Somaalida waa bulsho isku xiran, istaakuleysa, wada xiriirta isna garab taagan.
dhaqamadaasna waa kuwo horumariya caafimaadka maanka.
Ka qayb qaado kobcinta cafimaadka maskaxdaada:
1. Ka hadal dareenkaaga: Marka qofku uu ka hadlo waxa uu dareemaayo,
waxey ka caawisaa in caafimaadka maankiisu uu xoogsado iyo in uu wajaho dhibaatooyinka soo foodsaaray.
2. Jimicso: Jimicsiga waxuu qofka u fududeeyaa in uu helo hurdo, dareemana jawi fiican.
3. Cunto tayo leh Cun: Cunto dheelitiran waxa ay u fiicantahay caafimaadka jirka iyo ka maskaxdaba.
4. Caawinaad weydiiso: Haddii aad dareentid in xaaladda kugu soo
wajahantay ay tahay mid aadan maareyn kareynin caawinaad weydiiso.
Waxaa laga yaabaa in qoyskaaga ama asxaabtaada ay kaa caawiyaan.
5. Jawiga Badalo: Daqiiqado gaaban ayaa kuu noqon kara wax aad ku
nafistid. Naftaadaa waqti u gaar ah sii.
6. Ku qanac qofka aad tahay: Kalsoonida waxa ay kaa caawineysaa in aad
dulqaad u yeelato marxaladaha adag ee nolosha.

Talaalka Duumada Oo Lagu GuuleystayTallaalka cudurka duumada ayaa la xaqiijiyey  77% inuu yahay mid wax ku ool ah.Duumad...
07/10/2021

Talaalka Duumada Oo Lagu Guuleystay

Tallaalka cudurka duumada ayaa la xaqiijiyey 77% inuu yahay mid wax ku ool ah.

Duumadu waxay dishaa in ka badan 400,000 oo qof sannadkii, inta badan waa caruur ku nool wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Baadhayaasha ayaa sheegaya in talaalkan uu saameyn weyn ku yeelan karo caafimaadka bulshada.

Duumadu waa cudur halis geliya nafo badan, waxaana sababa dulin lagu kala qaado qaniinyada kaneecada.

In kasta oo laga hortagi karo lana daaweyn karo, haddana Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu ku qiyaasayaa inay jiraan 229 milyan oo qof inuu ku dhacay adduunka oo dhan sannadkii 2019 uuna sababay 409,000 oo dhimasho ah.

Cudurku wuxuu ku bilaabmaa astaamo sida qandho, madax xanuun iyo dhaxan, wuxuu si dhakhso ah ugu gudbi karaa cudur daran oo keeni kara dhaawac iyo dhimasho.

Wax Ka Ogow Xanuunka Hawl-gabka Wadnaha(Heart Failure).Hawlgabka wadnuhu wuxuu dhacaa goortii uu wadnuhu awoodi waayo in...
01/10/2021

Wax Ka Ogow Xanuunka Hawl-gabka Wadnaha(Heart Failure).

Hawlgabka wadnuhu wuxuu dhacaa goortii uu wadnuhu awoodi waayo inuu dhiiga si fiican u gaadhsiiyo qaybaha kala duwan ee jidhka,Wadnaha oo hawlgab noqday macnaheedu maaha inuu wadnuhu joojiyay shaqadiisa.
Wuxuu ku dhaci karaa Da' kasta balse wuxuu ku badan yahay dadka waawayn.
Calaamada lagu yaqaano hawlgabka wadnaha waxaa ka mid ah:-
1. Neeftuur ama Xiiq uu dareemo qofku goortii uu socdo.
2. Barar Jidhka ah gaar ahaan lugaha
3. Daal Badan.
4. Wadne garaac.
Waxyaabaha keeni kara waxaa inuu wadnuhu hawlgab noqdo waxaa ka mid ah :-
1. Xididadda wadnaha oo xidhma
2. Dhiigkar Wakhti dheer soo jiray
3. Fiilooyinka(Valves) wadnaha oo Xanuun ku dhaco.
4. Ekfashan(Infection).
5. Mararka qaarkood lama yaqaan waxa keenay (Idiopathic).
Daawaynta xanuunkani waxay ku xidhan tahay kolba wixii keenay xanuunka iyo saamaynta uu gaystay intay leeg tahay.

Sii Faafi Si Ay dadka u gaadho.
DrAbdourahman Abdourashid

4 Calaamadood oo Muujinaya inay  sonkorta jidhkaagu sarayso (Hyperglycemia).1.Haraad badan2. Kaadi badan3.daal badan iyo...
08/09/2021

4 Calaamadood oo Muujinaya inay sonkorta jidhkaagu sarayso (Hyperglycemia).
1.Haraad badan
2. Kaadi badan
3.daal badan iyo awood la.aan
4. Af-qalayl.
sonkorta jidhkaaga oo aad u saraysa waxay halis ku tahay caafimaadkaaga, dadka qaarkood ma cabiraan sonkortooda, waxay se is ogaadaan markii uu saamayn wayn xanuunku ku yeesho.
Sonkorta jidhkaaga hubi dhawrkii sannoba mar.

Akhriste adigu calaamadahan marna ma isku aragtay?

Share Garee si ay dad badan u gaadho.

Asalamu Calaykum Dhamaantiin.Soo Dhawaada Dhamaan 13,500 Followers ee ku xidhan boggayga Facebook. Magacaygu Waa Dr-Abdo...
03/09/2021

Asalamu Calaykum Dhamaantiin.
Soo Dhawaada Dhamaan 13,500 Followers ee ku xidhan boggayga Facebook. Magacaygu Waa Dr-Abdourahman Ahna dhakhtar ku takhakhusay xanuunada guud kana hawl gala wadanka gudihiisa.
waxaan halkan ku soo gudbin doonaa barnaamijyo caafimaad oo wacyigalin ah, La talinta bukaanada, iyo Su,aal kasta oo caafimaadka ku saabsan.
Sidoo kale waxaan bogan talooyin ku siin doonaa ardayda soomaaliyeed ee hadaku gudo-jirta barashada kuliyada caafimaadka.
Ku Xidhnow bogan siina share garee si ay dad badani uga faaidaystaan.

waxaad sidoo kale nagala socon kartaaan Instagramka https://www.instagram.com/drabdourahman/

Silent Killer (Hypertension).Waxaan akhriyay warbixin qaramada midoobay ay somalia ka qortay oo ay ku sheegtay in Soomaa...
14/07/2021

Silent Killer (Hypertension).

Waxaan akhriyay warbixin qaramada midoobay ay somalia ka qortay oo ay ku sheegtay in Soomaalida 33% (Soddon iyo Saddex boqolkiiba) oo kamid ah inay yihiin dad Cudurka Dhiig karka qaba.
Saddexdii qof ee Soomaali ah ee aad aragtid mid kamid ah ayaa Dhiig kar qaba.
Sidoo kale WHO waxay sheegtay in Kaalinta 27 aan dalalka adduunka uga jirno dadka Dhiig-karka u dhimanaya.
Ardayda jaamicadaha dalka ka qalinjabinaya waa inay baadhitaankooga thesis ku Sameeyaan arintan " Prevalence and associated factors of hypertension among adults in Somalia".

Adigu Maxaad u malaynaysaa inay dadka somalida xanuunkan ugu batay?

Waakan linkiga
https://www.worldlifeexpectancy.com/cause-of-death/hypertension/by-country/

Waakan qaybtii labaad eed sugayseen ee mawduuceenii xanuunka gaaska.Qaybtani waxay ka hadlaysaa sida loo daweeyo xanuunk...
17/01/2020

Waakan qaybtii labaad eed sugayseen ee mawduuceenii xanuunka gaaska.
Qaybtani waxay ka hadlaysaa sida loo daweeyo xanuunka gaaska iyo cuntooyinka u fiican qofka gaaska qaba.

Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.

Daawaynta Gaaska.

Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.
Waxaana kamid ah dawoyinka .
Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.

fiiro gaar ah

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.
Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada
Dheecaanka dheefshiidka oo yaraada.
Iyo hurdo laaan.
Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

Cuntada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.
Marka h**e qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

Cuntada labaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.
Waxaa kamid ah
Sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa .
Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.
Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah
Karootada cabitaan ahaan oo la badsado
Caleenta cagaaran ee shaaha.
Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay
Sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah
Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

Cuntada sedaxaad ee gaaska.
Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.
Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.
Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.
Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay .
Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.
Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.
Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

Cuntada afaraad ee gaaska.
Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.
Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.
Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

Cuntada shanaad ee gaaska.
Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka
Cuntada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ash*tada leh sida cocacola
Cuntada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.

Like share and comment.
Dr Cabdiraxmaan

Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.

Waakan mawduucii aan ku balansanayn inaan ka soo hadalno.Fadlan share garee si ay u gaadho dadkeena la dhiban xanuunkan....
14/01/2020

Waakan mawduucii aan ku balansanayn inaan ka soo hadalno.
Fadlan share garee si ay u gaadho dadkeena la dhiban xanuunkan.

Gaasku waa caabuq ku yimaada dahaarka (xuubka) caloosha ama mindhicir yaraha kaa oo ka difaaca in dhecaamada dheefshiidku waxyeeleeyaan.

Gaaska waxaa sababa waxyaabo farabadan kuwaa oo ay haboontahay in aad wax ka ogaato.
Waxayabaha sababa waxaa loo kala qeybiyaa

1-kuwo waqti yar gaaska sababa iyo
2- kuwo waqti dheer ay ku qaadato waxyeleynta dahaarka

1-kuwo waqti yar gaaska sababa waxaa kamid ah

1- Alcoloda
2- dawoyinka xanuun babiyaha (NSAID) sida (asprin) (diclofenac) (ipoprofen) iyo dawoyinka naqaska lo isticmalo.

2-kuwo waqti dheer ay ku qaadato sababida gaaska.

1-bacteriyada lo yaqaano H.pylori bacteriyadan waxaa lagu kala qaada hindisada, cuntada aan nadafada lahayn, biyaha aan nadiifka ahayn, iyo cuntada aan la karkarin
Waxa ay waxyeeleysaa caloosha iyo mindhicirka yar lkn waxa ay bacteriyada kale kaga duwantahay waxa ay ku noolaankartaa ash*tada (acid) caloosha waxa ayna samaysataa dahaar ay ku noolaato soona daysa sun (ammonia) jirka u daran kadibta dhaawac sababta
2-streska
3-cuntada basbaaska leh
4-cuntada dufanku ku badanyahay

Calaamadaha gaaska

Gubasho ama kuleel qeybta sare ee jirka
Lalabo ama matag
Xanuun boga ah
Daaco badan
Mararka qaar dhiig qofku matago
Apetite la,aan
saxarada oo madow noqota
neefta oo adkaata

dhibaatooyinka uu kaasku qofka u keeno
1- Dhiig la,aan
2- Cancer
3- Nafaqa daro
4- eerno

Gaaska waa ladaweyn karaa lkn waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesha waxa ku keena iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo waxa loo adeegsadaa baritaano badan si loo ogaado heerka uu gaarsiisanyahay ama nooca sida

1- kamirada afka lagaliyo
2- dhiig qaadista
3- saxaro baarista

La soco qaybta labaad.

Comment,like, iyo share mawducan.

Dr Cabdiraxmaan
Waxaynu qaybta labaad kaga hadli doonaa daawaynta gaaska iyo talooyin kale oo muhiim ah.

Beri insha allah waxaynu ka hadli doonaa Xanuun aad ugu badan dadkeena kaas oo loo yaqaano Gaas Calooleed.Wali h**e ma l...
11/01/2020

Beri insha allah waxaynu ka hadli doonaa Xanuun aad ugu badan dadkeena kaas oo loo yaqaano Gaas Calooleed.
Wali h**e ma laguugu sheegay xanuunkan mase garanaysaa cid qoyskaaga ama Qaraabadaada ah o xanuunkan la dhiban?
Fadlan Like Share Iyo Comment Garee Qoraaladeena Si Ay Dad badan u gaadhaan.
Mahadsanidiin
Dr Cabdiraxmaan

Waxaan hambalyada Sanadka Cusub Ugu Hambalyaynayaa Dhamaan Dadwaynaha Soomaaliyeed Ee Ku Xidhan Bogayga.Sanad Inoogu cur...
01/01/2020

Waxaan hambalyada Sanadka Cusub Ugu Hambalyaynayaa Dhamaan Dadwaynaha Soomaaliyeed Ee Ku Xidhan Bogayga.
Sanad Inoogu curta Nabad iyo Badhaadhe Ayaan Inoo Rajaynayaa.
Waxaan soo Dhawaynayaa Dadwaynaha 13ka kun ee qof ku dhaw.
Bogan Waxaad ka heli doontaan insha alah:-
1)La talin caafimaad oo bilaash
2)Wacyigalinta caafimaadka
3)Cashiro caafimaad ah oo ardayda caafimaadka dhigata ka faaidaysan doonaan.

Sidii balanteenu ahayd Mawduuca todobaadkan ay dadku u bateen wuxuu noqday Xanuunka Ay Soomalidu U Taqaano Neefta Ama Xi...
14/12/2019

Sidii balanteenu ahayd Mawduuca todobaadkan ay dadku u bateen wuxuu noqday Xanuunka Ay Soomalidu U Taqaano Neefta Ama Xiiqda Afka Qalaadna loo Yaqaano Asthma.
Wadankeena Soomaliya ayaa ah meelaha Ugu badan xanuunka xiiqda ama neefta Sababtuna waa In Dalkeena Somaaliya yahay meel hawo kulul oo qalalan sidoo kalena ah meel boodh badan ama dust badan, dhamaan waxyaabahaasina waxay kiciyaan xanuunkan neefta.
Insha alah beri ayaan soo galin doonaa xanuunka oon si faahfaahsan uga hadli doonaa.
Akhriste adigu Maxaad ka Taqaanaa Xanuunka neefta Mase Garanaysaa Cid qabta Xanuunkan.
Dhamaan walaalihi kale ee codeeyay balse aan mawdoocoogii la qaadan tix galin gaara ayaan siinayaa oo waynu ka soo hadli doonaa.

Dr Cabdiraxmaan

Balanteenu waa dadkeena soomaaliyeed oo hela wacyi galin.

12/12/2019

Jimce Wanaagsan Dhamaantiin.

Anigoo tixgalinaya Rabitaankiina Todobaadkan Mawduucee Ama Xanuunkee Baad Rabtaan Inaan Ka Soo Hadalno?

Mahadsanidiiin.

Dr Cabdiraxmaan

Fariinta dhakhtarka ee ku aadan hooyooyinkeena soomaaliyeed:Haddii ay hooyadu dhiig-bax badan yeelato xiliga dhalmada ka...
10/12/2019

Fariinta dhakhtarka ee ku aadan hooyooyinkeena soomaaliyeed:
Haddii ay hooyadu dhiig-bax badan yeelato xiliga dhalmada ka dib oo afka qalaad loo yaqaan Postpartum Hemorhage (PPH) waxaa khasab ah in ilmaha ku xiga ay ku umusho hospital ama goob caafimaad madama ay halis ugu jirto inay ilmaha labaad yeeelato dhiig-bax kale.
Fadlan share garee si ay u gaadho fariintani haweenka soomaliyeed.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub

Shaaha Cagaaran (Green Tea)     Shaaha Cagaaran waa kan ugu caafimaadka badan waxyaaha la cabo ee dunida, sida ay aamins...
08/12/2019

Shaaha Cagaaran (Green Tea)

Shaaha Cagaaran waa kan ugu caafimaadka badan waxyaaha la cabo ee dunida, sida ay aaminsan yihiin khubarada caafimaadka ku xeesha dheer.

Tobanka faa’ido ee la xaqiijiyey ee shaaha cagaaran waxaa ka mid ah:

1- Kobcinta Caafimaadka Guud

Waxaa Ku Jirta maadooyin loo yaqaano Bioactive, polyphenols maadadan ayaa hoos u dhigta bararka jidhka waxaanay la dagaalantaa kanserka iyo catechin oo ka hor tagta dhaawacyada unugyada jidhka.

Shaaha Cagaaran (Green Tea)

2- Maskada

Waxa ku jira shaaha cagaaran maadada caffeine oo aan sidaa u badnayn, balse waxtar u leh soo jeedka maskaxda kana caawinaysa garaadka qofka, xasuusta, falcelinta iyo badqabka maskaxda ee hoormoonada qaarkood in la soo daayo.

3- Duxda

Cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyey ayaa dhamaantood muujinayey in shaaha cagaan uu qeyb ka yahay miisaan dhimida isla markaana uu dedejiyo hanaanka cuno burburinta ee (metabolic rate) loo yaqaano

4- Kanserka

Kanserku waa unugyada jidhka oo si aan xadidaad lahayn u qeybsama, waana mid wakhti xaadirkan cudurada dunida dimashadoodu ugu badan tahay.

Waxaa qeyb ka ah in xanuunkani u faafo dhaawaca unugyada jidhka ee ay sababaan oxidative, waxaana ka hor tag u ah antioxidants oo laga helo shaaha cagaaran.

5- Ilawga iyo Gariirka

Shaaha cagaaran ayaa qeyb weyn ka qaata inuu hormariyo shaqada maskada, waxaa kale oo uu ka hortagaa inay gabawdo.

Alzheimer's waa xanuun waxyeeleeya neerfayaasha waxaanu badanaa ku dhaca dadka xanuunka oo keena dementia.

Parkinson's xanuunkan ayaa ah kan labaad ee ugu badan dunida kuna dhaca neerfayaasha waxa lala xidhiidhiyaa inuu dilo unugyada soo saara dopamine ee maskaxda.

6- Caabuqa/ Infekshanka

Sida lagu sheegay daraasado xidhiidh ah waxaa uu shaaha cagaran uu la dagaalamo bakateriyooyinka qaar, gaar ahaana kuwa afka ku dhasha sida sterptoccocus mutans iyo qeyb ka mid ah viruska keena Durayga/Hargabka ee influenza virus.

7- Macaanka 2

Waxa uu ka caawiyaa ganaca inuu soo saaro insulin ku filan isaga fudeydiya in xadiga sonkorta ah ee dhiiga la dhimo. 48% japan.

8- Wadnaha

Xanuunada ku dhaca wadnaha, Waxa uu shaaha cagaarani hoos u dhigaa duxda dhiiga sida cholesterol sha.

Asalamu Calaykum Habeen wanaaagsan dhamaan dadwaynaha soomaliyeed ee ku taxan Bogaygan.Waxaan soo dhawaynayaa walaalahay...
07/12/2019

Asalamu Calaykum
Habeen wanaaagsan dhamaan dadwaynaha soomaliyeed ee ku taxan Bogaygan.
Waxaan soo dhawaynayaa walaalahayga ku cusub bogeena.
Magacaygu waa Dr.Cabdiraxmaan,Dhakhtarka Xanuunada Guud Oo ka hawl gala mid ka mida isbitaalada ku yaala dhulkeenii Hooyo.
Bogan Waxaan ugu talo galay inaan dadkayga soomaaliyeed Kaga Haqabtiro Wixii La Talin caafimaad ee ay u baahan yihiin sidoo kalena inaan ku wacyi galino bulshadeena madama ay aad u hoosayso wacyi galinta caafimaad ee dadkeena.
Soo dhawaada dhamaantiin

Adresse

København
1050–1778,2100,2150,2200,2300,2400,2450,2500

Underretninger

Vær den første til at vide, og lad os sende dig en email, når Dr-Abdourahman Abdourashid,MD sender nyheder og tilbud. Din e-mail-adresse vil ikke blive brugt til andre formål, og du kan til enhver tid afmelde dig.

Kontakt Praksis

Send en besked til Dr-Abdourahman Abdourashid,MD:

Del