10/10/2021
Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fiican oo caafimaadka maskaxda ah. Kalkan waxaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ka hadlaysa caafimaadka maskaxda.
“Maanka/maskaxda caafimaadka qabta” Waa marka uu qofka gaaro heer uu
ogyahay waxa karaankiisu yahay, marka uu maareyn karo daruufaha nolosha ee caadiga ah, uuna wax u qaban karo naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay.
Si qofka uu ugu noolaado nolol tayo leh waxaa muuhiim ah in uu la socdo xaalada caafimaad ee uu maankiisa ku suganyahay iyo inaanbarano sida aan u ilaalin laheyn caafimaadka maankeena.
Soomaali haddaan nahay , marka aan ka hadalno caafimaadka maskaxda waxaan ka fekernaa qofka waalan oo keliya. Marka qofku gaaro heerka waallida waa heerka ugu dambeysa uguna xag jirta xanuunada ku dhaca maskaxda. Marka waxaa muhiim ah in aan diiradda saarno sidii aan u maareyn laheyn caafimaad qabka maskaxda
Calaamadaha lagu garto marka qofka caafimaadka maskaxdiisu fiican tahay waxaa ka mid ah:
1. Kartida wax barasho
2. Kartida in wax la dareemo, laga hadlo lana maareeyo dareemada kala
duwan ee nolosha.
3. Kartida in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale
4. Kartida in la aqbalo in nolosha sida la rabo aanay mar walba noqoneyn.
5. Waxay xamili karaan baahida nolosha iyo dhibka la soo gudboonaada.
6. Go’aamadoodana iyaga ayaa gaari kara
Somaalida waa bulsho isku xiran, istaakuleysa, wada xiriirta isna garab taagan.
dhaqamadaasna waa kuwo horumariya caafimaadka maanka.
Ka qayb qaado kobcinta cafimaadka maskaxdaada:
1. Ka hadal dareenkaaga: Marka qofku uu ka hadlo waxa uu dareemaayo,
waxey ka caawisaa in caafimaadka maankiisu uu xoogsado iyo in uu wajaho dhibaatooyinka soo foodsaaray.
2. Jimicso: Jimicsiga waxuu qofka u fududeeyaa in uu helo hurdo, dareemana jawi fiican.
3. Cunto tayo leh Cun: Cunto dheelitiran waxa ay u fiicantahay caafimaadka jirka iyo ka maskaxdaba.
4. Caawinaad weydiiso: Haddii aad dareentid in xaaladda kugu soo
wajahantay ay tahay mid aadan maareyn kareynin caawinaad weydiiso.
Waxaa laga yaabaa in qoyskaaga ama asxaabtaada ay kaa caawiyaan.
5. Jawiga Badalo: Daqiiqado gaaban ayaa kuu noqon kara wax aad ku
nafistid. Naftaadaa waqti u gaar ah sii.
6. Ku qanac qofka aad tahay: Kalsoonida waxa ay kaa caawineysaa in aad
dulqaad u yeelato marxaladaha adag ee nolosha.