Dr. Adnan Abdallah

Dr. Adnan Abdallah Waxaad ka heleysaa bartaan Muuqaalo isugu jira aqoon caafimad iyo baraarug hormarineed.

Waxaan ahay Dhaqtar ku taqasusay Daaweynta iyo Qaliinka Kilyaha, Kaadi mareenada iyo Taranka ragga.

28/12/2025

Dhibaatada nakala heysato Anaga & Bukaanadeena Soomaaliyeed!

YouTube ayaa iisoodiray email uu igusoo xasuusinaayo in aan 2,883 Maalmood oo xiriir ah aan barta YouTube aan idiinkula ...
15/12/2025

YouTube ayaa iisoodiray email uu igusoo xasuusinaayo in aan 2,883 Maalmood oo xiriir ah aan barta YouTube aan idiinkula wadaagay muuqaalo nacfi uleh bulshadeena.

Wuxuu iisheegay taageeradeyda ugu badan iney kusuganyihiin Somalia, Kenya & Ethiopia.
Da’ada dahabigana ay ubadanyihiiin 18jir ilaa 44sano jir.

Aqyaareey marunbaa in aad Isniin, Talaado iyo Arbaco aad ubadantihiin dhanka YouTube, oo maalmaha kale xagee joogtiin aan muuqaalada idiinkugu keene… Mahalkaan Facebook baa leydiinkahelaa maalmaha kale😁

Waxaa farxad iyo sharaf ii ah markaan lakulmo walaal Somaliyeed oo horay u arkay clip/Muuqaaladeena, kadibna si dhoolacadeyn leh inaan isku salaano oo duco iyo ereyo wanaagsan aan is dhaafsano runtii shidaal cusub bey ii noqotaa ficiladaas… Xadiiska Nabiga (NNKH) muxuu ahaa… "الكلمة الطيبة صدقة"

Hadaba waxaa jira 1 ficil oo geesinimo leh “Qofkii wax fiican sameeya uqir wanaaga kuna aqoonso, adigana waa laguu qirayaa. Sidaas ayaa kunoqonkarnaa bulsho is caawineysa kuna kobcinkarnaa wanaaga lagu baahiyo baraha bulshada ”.

Hadii aadan weli kanaalkeena YouTube soobooqan, xagaasna nalajoog oo Comment 1aad👇 ayaa link kuu dhigay.

Waxaan Allah weydiisaneynaa inuu na waafajiyo kheyr dhamaantiis.
Mahadsanidiin 💐🙏

10/12/2025

10,000 TILAABO MAALIN WALBA MAXEY KABADALEYSAA JIRKAAGA | 10K Steps

09/12/2025

Noloshaada ha u burburin si aad dadka kale u qanciso 🌿.

06/12/2025

3 Arin Kataxadar Wiilashaada intey yaryihiin!

Waxey aheyd maalin dheer oo xiiso iyo faaido badan.From A to Z, Barnaamij aad loo agaasimay oo aan ku qaadanay nuucyada ...
06/12/2025

Waxey aheyd maalin dheer oo xiiso iyo faaido badan.

From A to Z, Barnaamij aad loo agaasimay oo aan ku qaadanay nuucyada Qaliinada Kansarka Kaadiheysta kudhaca (Bladder Cancers) iyo siyaabaha kaadiheys looga diyaariyo Mindhicirada/ Xiidmaha.
Barnaamijka Wuxuu ka koobnaa 2 qeybood ookala ah Aqoon (Theory) iyo Baraatiko (Practical wet lab), waxaa qaliino kala duwan kusameynay xayawaano.

Waxaa fursad qaali ah u helnay in koorsadaan uu hogaaminayey Prof. Dr. Hassan AbolEnein oo ah Madaxweynaha Midowga qaliinada Kilyaha & Kaadimareenada dalka Masar, waana mid kamid ah dadka looga dambeeyo qaliinada Kansarada kudhaca Kaadiheysta guud ahaan dalka Masar iyo caalamkaba. Wuxuu leeyahay Habab qaliin uukusoo kordhiyey caalamka, laguna xuso kutubta cilmiga iyo cilmibaarisyada.

Marka aad cilmi ama xirfad kabaraneysid qabiir tawaaduc badan oo shaqada kusoo jiray in kabadan 40 sanadood, waxaad dareemeysaa in si sahlan ay kuusoo gaarayso qibradii aadna kuqaadan kartid sidii adoo qaando laguugu quudinaayo ookale 😊

Aad baan uga mahadcelinayaa Teamka agaasimay barnaamijka iyo Proffesorskii kala duwanaa ee barnaamijka kaqeyb ahaa 🙏

Waqtiga aan joogno waa mid tijaabo iyo fursad iskugu jira waa hadaan caqli leenahay.Xagee aaday dareenkii, dadnimadii, m...
04/12/2025

Waqtiga aan joogno waa mid tijaabo iyo fursad iskugu jira waa hadaan caqli leenahay.

Xagee aaday dareenkii, dadnimadii, masiirkii umadeed, qabkii iyo sumcadii?

Markaan xasuusto yaraanteeni waxaan aheyn ciyaal xamar, aanan aqoon wax layiraahdo qabiil, xiqdi iyo xumaan midna !
Bal maanta arag jiilka cusub ee ku indha qaaday gobaleysiga, iyo mowjadaha social media ee Kala qobka leysugusoo furto LIVE!, sidey utaala rajada mustaqbalka laga filankaro💭.

Soomaalidu waa umad caqli iyo karti leh, balse waxaa dilatay qabyaalad, eex, kala go’ iyo kalsooni darro 🥺

Haddii aynu maanta garowsanno in xooggeenna, midnimadeena iyo horumarkeennu kujiro is fahan iyo isku tanaasul, waxaa noqoneynaa umad aan cabsi qabin oo ilaashata sumcadeeda kuna faanta magaca Soomaali weyn.

Bal u fiirso culeyska ay dareemaan muwaadiniin badan oo Soomaali ah kuwaasoo kukala sugan dunida dacaladeeda sababta uguweyna ay tahay tafaraaruqa kajira dhexdooda!

Hada xusuuso sheekada dugsiga h***e ee 3dii lo’ iyo Libaaxa (🐄🐄🐄&🦁), kadibna xikmadaan kudarso.
"متحدين نقف متفرقين نسقط"
“United we stand, divided we fall”.

“Inta maanku gaajeysanyahay, Guuli waa weli”.

03/12/2025

Subaxnimo adigoo caafimaad qaba oo ukalahaayo Howlahaaga aduun waa nimco weyn ee Allah uga mahadceli!
الحمدلله.

30/11/2025

Bukaano kumanaan kabadan ayaan ku daaweynay ! Hau ciishoon inaad lakulantid Dhaqtarkaaga🌷

Wacyigelin muhiim ah: PROSTATE CANCER ⚠️‼️Qanjirka Prostate, waa xubin yar oo kutaala kaadiheysta Ragga hoosteeda, waxey...
27/11/2025

Wacyigelin muhiim ah: PROSTATE CANCER ⚠️‼️

Qanjirka Prostate, waa xubin yar oo kutaala kaadiheysta Ragga hoosteeda, waxeyna soo deysaa dheecaan muhiim u ah Ragga.
Qanjirkaan xanuuno badan ayaa ku dhicikaraan, waxaana kamid ah;
👉BARAR KUYIMAADA OO LAXIRIIRA DA’ada (BPH)
👉Caabuq kudhaca qanjirka (Prostatitis)
👉Kanser oo ah kan ugu daran (Prostate Cancer)

Prostate cancer waa kanserka 2aad ee ugu badan ku dhaca ragga gaar ahaan da’da 45 sano kaweyn.

Mudo kayar 6bilood waxaan dalka Masar kuqaabilay oo ay daawo usocotaa, inkabadan 10 bukaan Soomaali ah oo qabaan xanuunkaan weliba heer uu ku faafay qeybaha kala duwan ee jirka iyagoonan ogeyn 🥺‼️

⚠️ Cudurkan Lama ogaan karo— calaamado badan ma muujiyo ilaa uu faafo maahe, sidaas darteed ogaanshaha xili h**e waa furaha badbaadada.

👌Hadii kansarka Prostate-ka la ogaado kahor intuusan faafin, 100% waa ladaaweynkaraa 🩺😷.

🎗️Ragga waxaa si gaar ah ula gudboon:
1• Mar hadaa 40jir noqotay, waxaa haboon inaad sameysid baarista sheybaar ee lagu ogaado dheecaanka psa oo uu qanjirka Prostate-ka soo daayo (PSA blood test) ugu yaraan sanadkiiba mar.
2• Hadii qof kamid ah qoyskaaga lagu sheegay kansarkaan, adiga 30jirba kubilaaw baaristaan.
3• si joogto ah ula xiriir dhakhtarka (Urologist) haddii aad isku aragtid dhibaato xagga kaadida ah, dhiig soo raaca kaadida ama shahwada iyo xanuun joogto ah oo dhabarka qeybtiisa hoose ah.
4• Yeelo nidaam nololeed oo caafimaad leh:
– Cunto caafimaad leh cun
– Jimicsi joogto ah sameey
– Ka fogaaw sigaarka iyo cayilka

🤯Hadaba, Caalamka badankiis waxey si joogto ah usameeyaan Checkup (Screening) / baarista xilih**e lagu ogaado xanuunka, anaga Raggeena inta fahamsan halista xanuunkaan imisa ayey gaarayaan⁉️

💡Baaritaan h**e = Badbaado.
🎗️Wacyigelin = Ka-hortag.
🩻Caafimaadkaaga waa mas’uuliyad adiga kuu taalla.

Hadii aad daneyneysaan xanuunka Kansarka Prostate, qeybta commentka👇 igula wadaag, anigoo tixgelinaayo aragtidiina ayaan muuqaal faahfaahsan kasoo diyaarindoona insha Allah.

✍️Dr. Adnan Abdallah

Sidaan horay uga balanqaaday dadka daneynaya arimaha laxiriira waxbarashada sare ee dalka Masar, waakan Kulankii xiisaha...
26/11/2025

Sidaan horay uga balanqaaday dadka daneynaya arimaha laxiriira waxbarashada sare ee dalka Masar, waakan Kulankii xiisaha badnaa ee aan layeelanay qaar kamid ah ardayda wax kabarato dalka masar oo dhameestiran ka daawo linkiga yaala 👇Commentka 1aad…
Qodobo badan oo muhiim ah ayaa looga hadlay ee ka faaideyso 🌷

25/11/2025

Su’aal:🚗🚙🚘🚖
Gawaarida dalka lakeeno badankood waxaa ladhihijiray 4ta lugood waa in laga badalaa xitaa hadey cusubyihiin maxey tahay sababta kadambeyso arinkaas, adigase maiska badashay weligaa? 🤔

Address

Cairo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Adnan Abdallah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Adnan Abdallah:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram