Abdihakiin salley

Abdihakiin salley Caafimad Iyo Dhiirigilinba

Fursad Waxbarasha oo Cajiib ah | Online Master’s Program @ Premier College 💻📚Premier College waxay billowday is-diiwaang...
04/09/2025

Fursad Waxbarasha oo Cajiib ah
| Online Master’s Program @ Premier College 💻📚

Premier College waxay billowday is-diiwaangelinta barnaamijyada Online Master’s ee sannad-dugsiyeedka 2018 E.C., kuwaasoo haysta shati rasmi ah oo ka yimid Hay’adda Qaranka ee Waxbarashada & Tababarka (FDRE ETA) ✅

Barnaamijyada Master-ka ee jaamacada bixisa :

🔹 Master of Leadership (MOL)
🔹 Master of Project Management (MPM)
🔹 Master of Business Administration (MBA)

Shuruudaha Gelitaanka:

✔️ Shahaado Degree oo laga helay Jaamacad ama Kulliyad la aqoonsan yahay
✔️ Natiijo gudub ah oo ka timid Imtixaanka Qaranka ee NGAT (National Graduate Admission Test)

Ogeysiis Muhiim ah – Fursad Barasho oo Qaali ah!  Qofkii raba inuu barto Doctor of Medicine (MD), Kulliyadda Caafimaadka...
27/08/2025

Ogeysiis Muhiim ah – Fursad Barasho oo Qaali ah!
Qofkii raba inuu barto Doctor of Medicine (MD), Kulliyadda Caafimaadka ee Yekatit 12 Hospital waxay shaacisay barnaamijka NIMEI (New Innovative Medical Education Initiative). Oo Free ah

Fursaddan waa mid muhiim ah, balse dhalinyaradeena, gaar ahaan kuwa ku nool Deegaanka wali si buuxda ugama warqaban. Sidaas darteed, waxaan si gaar ah ugu dhiirigelinayaa dhammaan dhalinyarada xiiseyneysa xirfadda dhakhtarnimada inay si degdeg ah uga faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah.

Fiiro Gaar ah:
Fursaddan waxaa ka qayb qaadan kara oo kaliya qof:
- Haysta Shahaado Jaamacadeed (BSc) oo ku saabsan Health Sciences, Biology, ama Chemistry
- Sharuudaha buuxitanka Commentiga Koowad ayaad ka heleysaa

Hadda u sheeg saaxiibkaa ama walaalkaa u baahan fursaddan qiimaha badan!

Sii share garee si dad badan uu ugaara

Basashu  1. Waxay Nadiifisaa sambabada iyo neefmareenka2. Waxay yareysaa cadaadiska dhiigga .4. Waxay xoojisaa nidaamka ...
19/08/2025

Basashu

1. Waxay Nadiifisaa sambabada iyo neefmareenka

2. Waxay yareysaa cadaadiska dhiigga .

4. Waxay xoojisaa nidaamka difaaca jirka.

5. Waxay yaraysaa calool fadhiga

6. Waxay hagaajisaa heerarka sonkorta dhiigga

7. Waxay wanaajisaa caafimaadka timaha iyo maqaarka.

8. Waxay yaraysaa halista infekshannada bakteeriyada.

9. Waxay ka hortagtaa xanuunka hargabka iyo qufaca.

10. Waxay yaraysaa bararka kala-goysyada.

11. Waxay ka hortagtaa dufanka ku aruura xididdada dhiigga.

12. Waxay caawisaa dhimista miisaanka.

13. Waxay kordhisaa shahwada iyo awoodda taranka ragga.

14. Waxay yaraysaa urta ka timaada gudaha jirka.

15. Waxay guud ahaan kordhisaa firfircoonida jirka.

1. Ma og tahay in basbaasku ay ku jirto maado hoos u dhigta kalaataroolka mase og tahay in basbaasku u fiican yahay cudu...
19/08/2025

1. Ma og tahay in basbaasku ay ku jirto maado hoos u dhigta kalaataroolka mase og tahay in basbaasku u fiican yahay cudurada ku dhaca wadnaha iyo sambabada

2. Ma og tahay in moosku dhakhsi lagu dhargo mase og tahay dadka cayilan in lagula taliyo inay cunaan 2 xabo oo moos ah inta aysan quraacan kahor

3. Ma og tahay in dumarka kabaha dhaadheer xirta miskaha qaloocdaan mase og tahay in dhabar iyo feerahaba qalooc ka galo dumarka xirta kabaha dhaadheer

4. Ma og tahay caruurta msrka ay xanuunsan yihiin ama hurdo rabaan inay suulka nuugaan mase og tahay in caruurta suul nuugista ay ka helaan wehel iyo daganaan

5. Ma og tahay in saliida xabad sowdadu daawo u tahay kala goysyada, seedaha iyo murqaha mase og tahay in xabad sowdadu u fiican tahay jugta, jilbahana u siyaadiso dhacaanka

6. Ma og tahay cuntaba cuntada ay ka oon badan tahay inay ka protein badan tahay mase og tahay cuntooyinka oonka badan laga qaado, inay ka mid yihiin digirta, hilibka iyo ukunta

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay

Caafimaadka maskaxda iyo jirka waa si dhow isugu xidhan yihiin.*  Daryeelka caafimaadka maskaxdaada wuxuu kordhin karaa ...
08/08/2025

Caafimaadka maskaxda iyo jirka waa si dhow isugu xidhan yihiin.*
Daryeelka caafimaadka maskaxdaada wuxuu kordhin karaa farxadda iyo wanaagga guud ee nolosha.
Tallaabooyin fudud sida:
✔️ Jimicsi joogto ah
✔️ Hurdo kugu filan
✔️ La xiriirka dadka aad jeceshahay
…waxay saameyn weyn ku yeelan karaan caafimaadkaaga!

*Xusuusnow:*
*Caafimaad buuxa lama helayo haddii uusan jirin caafimaad maskaxeed.* 🧠💚


AbAbdihakiin salley

01/08/2025

Sual muhiim ⁉️
Guur Ma la wadaagi karaa Qof la nool Hepatitis B (Joonis/ Cagaarshow) nolol ma la wadaagi karaa?

Miyu i qaadsiinayn?
👇jawaabta

  — War muhiim ah oo cusub:*Hay’adda Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Kansarka (IARC) waxay sheegtay in *Hepatitis D* uu y...
31/07/2025

— War muhiim ah oo cusub:*

Hay’adda Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Kansarka (IARC) waxay sheegtay in *Hepatitis D* uu yahay *cudur sababi kara kansarka*, sida *Hepatitis B* iyo *Hepatitis C* oo kale.

⚠️ *Hepatitis D* wuxuu keenaa *kansarka beerka*
❗Wuxuu ku faafaa oo keliya dadka horey ugu dhacay *Hepatitis B*.

Fadlan la wadaag dadka kale si loo kordhiyo wacyiga caafimaad.

Dhallinyaro, ha iska luminina sanadaha dahabiga ah ee idin horyaalla. Dhallinyaronimadu, kaliya  maaha da' la gudbo— waa...
29/07/2025

Dhallinyaro, ha iska luminina sanadaha dahabiga ah ee idin horyaalla. Dhallinyaronimadu, kaliya maaha da' la gudbo— waa haddiyad, imtixaan iyo masrax lagu diyaargaroobo. Yaanay kaa baxsan. Ha u ogolaan in jeediyeyaasha iyo dhabqiyeyaashu ka faa'iidaysiga haddiyaddaa kaa jeediyaan.

🌱 Wax is bar inta aadan qasbanaanin.
🌱 Is-dhis inta annat noloshu caasha ku sarin.
🌱 Goobo-saaxiibeedkaaga ka fiirso inta aan lagu saamayn.
🌱 Saddex maalgasho: Cilaaqada Rabbi, Maskaxdaada iyo xidhiidhada macnaha leh.

Dunidu waxay u bahan tahay dhallinyaro leh han, hiraal iyo hammi buuro laale'eeg. Dunidu waxay u baan tahay Dhallinyaro leh naf laylyan iyo huwwiyad bir ah. Dunidu waxay u baan tahay Dhallinyaro naftooda iyo Rabbigoodaba ku kalsoon. Noqo mid ka mid ah dhallinyaraadaa.

— Ustaad Mubarak Hadi

Ma ogtahay, mid kamid ah sababaha ugu weyn ee aan loo oggolayn in la xirto ama lala galo walxo bir ah inta lagu jiro baa...
23/07/2025

Ma ogtahay, mid kamid ah sababaha ugu weyn ee aan loo oggolayn in la xirto ama lala galo walxo bir ah inta lagu jiro baaritaanka MRI-ga waa in mashiinka MRI uu leeyahay bir-magnet ah oo aad u xoog badan taasoo si xoog leh u soo jiidataa walxaha ka samaysan biraha "ferromagnetic-ga" ah, taasoo sababi karta dhaawacyo halis ah oo qofka soo gaara, ama dhimasho, sidoo kale wuxuu dhaawac soo gaarayaa qalabka MRI laftiisa.

Sidaas darteed, badbaado ahaan, waa in si buuxda looga fogaadaa wax kasta oo bir ah sida( Jijimaha, fargalka, katiinadaha, dhegeha la xirto, saacadaha iwm ) inta lagu jiro baaritaanka MRI.

F.G: Daraad magaalada New York ee dalka Mareykanka nin lagu magacaabo Keith McAllister ayaa arintan cml u dhintay kadib markii uu u dhawaaday mashiinka MRI isagoo rabay inuu caawiyo xaaskiisa oo mashiinka saarneyd.

Dahiye

👤

❗Ma ogtahay in 1.3 bilyan oo qof uu haysto dhiig-karka (Hypertension)?*  Laakiin wax ka yar *1 qof 5tii qofba* ayaa si s...
20/07/2025

❗Ma ogtahay in 1.3 bilyan oo qof uu haysto dhiig-karka (Hypertension)?*
Laakiin wax ka yar *1 qof 5tii qofba* ayaa si sax ah u xakameeya!

*La dagaallan dhiig-karka maanta, si aad caafimaad u hesho berri! 🫀*

*Waxaad sameyn kartaa:*
✅ Yaree isticmaalka milixda
✅ Ka fogow dufanka xun (saturated & trans fats)
✅ Iska daa sigaarka 🚭
✅ Yaree khamriga 🍷
✅ Cun miro & khudaar badan 🍎🥦
✅ Jimicsi samee oo miisaankaaga xakamee 🏃‍♀️

*Caafimaadkaagu waa hantidaada ugu qaalisan. Maanta bilow isbedelka!*

Abdihakiin salley

Xadiga shahwada "s***m" ee uu ninku soo daayo, waxay ka kooban tahay 200 milyan oo shahwo, haddaba sida macquulka ah had...
19/07/2025

Xadiga shahwada "s***m" ee uu ninku soo daayo, waxay ka kooban tahay 200 milyan oo shahwo, haddaba sida macquulka ah haddii tirada shahwada ah ee intaa le'egi ay meel ka hesho ilmo galeenka hooyada 200 oo milyan oo carruur ah ayaa dhalan kara!!. 200 oo milyan oo shahwad ah oo si waali ah ugu soo yaacay riximka hooyada waxaa kasoo hadha 50 keliya, inta soo hadhayna waxa ay ku dhintaan dariiqa iyaga oo udhinta daal iyo guuldarro awgeed. Ugu dambeyn intaas oo dhan hal shahwo ah ayaa nasiib uleh inay rimiso ukunta halkaa shahwo ee nasiibka yeelatay waa adiga hilibkaaga iyo baruurtaada oo isku dhan ma ka fekertay dagaalkaa weyn ee aad soo martay?!.

- Markii aad ordeysey ma aad lahayn indho gacmo lugo iyo madax midna laakiin waad guulaysatey.

- Markii aad ordeysey shahaadad cilmi iyo maskax midna maad lahayn laakiin waad guulaysatey.

- Markii aad ordeysey waxbarasho maad lahayn cid ku caawisayna may jirin laakin waad guulaysatey.

- Markii aad ordeysey waxa aad lahayd meel aad u socoto oo waxaad ku ordeysey tilmaan, ilaa aad gaadhay meeshii aad usocotay oo aad ugu dambayntii ku guulaysatey.

- Dhalaan badan ayaa ku dhinta uurka hooyada laakin adigu ka waad badbaadey.

- Dhalaan badan ayaa dhinta markay dhashaan laakiin adigu ka waad badbaadey.

- Carur badan ayaa dhinta shanta sanno ee noloshooda ugu horeysa laakiin adigu waad ka badbaadey.

- Carur badan ayaa udhintay sabab ah nafaqo darro laakiin adigu waad ka badbaadey
oo hadda waad joogtaa.

- Markay wax dhacaan waad argagaxdaa
waad niyad jabtaa laakiin waa maxay sababtu?!.

- Maxaad umalaynaysaa in aad khasaartay?!.

- Maxaad kalsoonidaadii lumiyey?!.

- Maxaad rajadaada lumiyey?!.

- Waxaad leedahay saaxiibo walaalo shahaadooyin wax barasho wax walba.

- Waxaad leedahay gacmo, lugo, indho, dhadhan iyo dareen intaba.

- Waxaad leedahay caqli wax qorsheyn kara.

- waxaad haysataa dad ku caawiya.

- Waxaad soo dagaalantay markii aad keligaa ahayd, halkan ayaad soo gaadhey adiga oo aan is dhiib

xigashada Abdulla Farah

Tani waa sababta aan u taagera Chelsea 𝐑𝐄𝐊𝐎𝐎𝐑𝐃: Chelsea ayaa noqotay naadiga *ugu horreeya taariikhda kubadda cagta* ee ...
13/07/2025

Tani waa sababta aan u taagera Chelsea

𝐑𝐄𝐊𝐎𝐎𝐑𝐃: Chelsea ayaa noqotay naadiga *ugu horreeya taariikhda kubadda cagta* ee ku guuleysta *dhamaan koobabka waaweyn*:

• Premier League
• FA Cup
• EFL Cup
• Champions League
• Europa League
• Conference League
• Club World Cup

Chelsea is Chelsea 💪

Address

Abdihakinsalley@gmail. Com
Addis Ababa

Telephone

+251915557337

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdihakiin salley posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdihakiin salley:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category