Ahmed his dawiidh

Ahmed  his dawiidh Halka waxaan idinku soo gudbinayna barnaamijyada caafimaadka

10/07/2022
30/06/2022

Xeeldheerayaasha Caafimaadku Maxay Ka Sheegeen Cabbidda Shaaha Madow?

Shaahu waa cabitaanka loogu isticmaalka badan yahay dunida, dad badanna maalintooda waxay ku bilaabaan koob shaah ah, wuxuu kiciyaa hurdada, qofkana wuxuu siiyaa firfircooni. Waxaa jira dad badan oo la qabatimay oo aan joogi Karin shaah la’aan subaxdii.

Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magacaabaa midabkiisa, waxaa jira shaah cagaaran, shaah madow, shaah cad iyo shaah loo yaqaanno “oolong tea”.

Waxaa la isku waafaqsanyahay in shaaha cagaarani uu yahay shaaha ugu caafimaadka badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Nooca ay Soomaalidu cabto waa shaaha madow, waana midka dunida loogu cabbista badan yahay. Wuxuu qani ku yahay maadada sunsaarista ee “polyphenols” taas unugyada jirka ka ilaalisa noocyada kala duwan ee cudurka kansarka. Qormadaan waxaan ku eegaynaa faa’idooyinka ugu waa wayn ee laga helo cabbista shaaha madow.

Ka hortagga kansarka:

Maadooyinka sunsaarista ee laga helo shaaha madow waxay la dagaalamaan cudurka kansarka khaasatan kansarka sambabada, kansarka qanjirka ragga ee prostate-ka, kansarka ugxanta iyo kansarka mindhicirrada waa wayn. Shaahu wuxuu ka hortagaa samayska iyo koriimada burooyinka.
Caafimaadka wadnaha:

Shaaha madow waxaa ku jira maadooyinka “flavonols”, “theaflavins” iyo asiidhka gallic kuwaas caawiyaa kobcinta caafimaadka wadnaha. Wuxuu hoos u dhigaa kolesteroolka xun (LDL), wuxuuna kor u qaadaa kolesteroolka wanaagsan (HDL).

Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale ee jirka, waxaana uu u baahan yahay ogsijiin iyo macdanta kale ee lagama maarmaanka u ah noloshiisa. Sidaa darteed waxaa jira xidido yaryar oo dhiig iyo ogsijiinta u qaada muruqa uu wadnuhu ka sameysan yahay. Xididadaas waxaa loo yaqaana Coronary. Cabbista 3 koob oo shaaha madow ah maalin kasta waxay yaraysaa khatarta xanuunka xididka wadnaha (coronary heart disease).

Ka hortagga sonkorowga:

Sonkorowgu waa cillad dheefshiid oo halis leh una baahan in la daaweeyo inta uu bilowgayahay. Xeeldheerayaaasha caafimaadku waxay ogaadeen in cabbista shaaha madow ay hoos u dhigto khatarta sonkorowga nooca 2-aad sababtoo waxaa ku jira madooyinka “catechins” iyo “theaflavins”.

Caafimaadka lafaha:

Shaahaan waxaa ku jira maadooyinka Phytochemicals, kuwaas oo lafaha adkeeya, kana ilaaliya jabniinka iyo burburka.

Hoos u dhigista stress-ka:

Nolosha maanta ee mashquulka badan, stress-ku wuxuu noqday qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeenna, isagoo saamayn ku yeelanaya caafimaadkeenna mustaq

09/06/2022

What is Compound

Fallow Like and share the people those like in health science
22/05/2022

Fallow Like and share the people those like in health science

dawooyinka lagu daaweeyo murugada by ahmed hiis dawiidh

11/05/2022

DAWOOYINKA LAGU DAAWEEYO
MURUGADA

ANTIDEPRESSENT

BY AHMED HIIS DAWIIDH

LIKE AND SHARE

Faa’idooyinka Xabad Sowdada & Xanuunada Lagu Daweeyo!Faa’iidooyinka xabad sowdada:“Xabaasuuddu geeri mooyee, cudur kasta...
04/05/2022

Faa’idooyinka Xabad Sowdada & Xanuunada Lagu Daweeyo!

Faa’iidooyinka xabad sowdada:
“Xabaasuuddu geeri mooyee, cudur kasta oo kale waa ka dawo” waxaa hadal macnahaas ku dhow yihin, Nebigeennii Muxammed (SCW). Aadamuhu bilowgii noloshiisaba waxa uu xabaasuudda u aqoonsanaa dawo uu kula tacaalo xanuunno aad u tiro badan. Tan iyo markii ay bilowdeen cilmibaadhisaha kala duwan iyo tijaabooyinka dadku ku baadhayo waxyaabaha waxtarka u leh nolosha iyo caafimaadkana, mar keliya isma ay beddelin natiijada lagu ogaanayo faa’iidooyinka xad dhaafka ah ee ay xabaasuuddu leedahay.

Xabaasuudda waxaa ku jira faytamiinno tiro badan oo ay ka mid yihiin, A, E, F, B1, B3, B6’ Beta-carotene, Biotin, curiyeyaal yaryar oo tiro badan iyo maaddooyin lid ku ah mariidka / sunta cuntada ka samaysanta ee jidhka ku dhalata. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay xabaasuuddu ka samaysantahayna waxaa ka mid ah ‘Thiamin’ oo leh awood liddi ku ah kaarka, nabarowga, una shaqaysa sida xanuun baabi’iyaha, isla markaana ilaalisa caafimaadka beerka iyo keliyaha. Waxa kale oo ay u shaqaysaa sida dawada Isbiriinka (Aspirin), waxa aanay leedahay awood liddi ku ah kansarka.
Marka aynu si guud u eegno waxyaabaha laga faa’iido isticmaalka xabaasuudda waxaa ka mid ah, xoojinta habdhiska difaaca ee jidhka, la dagaalanka dhiig la’aanta iyo kor u qaadista heerka barootiinta loo yaqaanno Himoglobiin ee ku jira unugyada dhiigga cas oo ogasiinta gaadhsiiya nudaha jidhka iyo unugyada dhiigga cas, waxa aanay liddi ku tahay Bakteeriyada, Jeermiska, Fangiga iyo dulinka. Waxaa intaas dheer in ay ka hortagto in kelyaha uu dhagax ku samaysmo.
Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee talefishanka laga leeyahay dalka Ruushka ee Russia today, waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad ee ay xabaasuuddu si gaar ah waxtarka la taaban karo ugu yeelato. Kuwaas oo kala ah:

Xasaasiyadda:

Xabad sowdada waxa ay dawo ka tahay, ama ugu yaraan ay dejisaa kaarka iyo xanuunka xasaasiyadda, gaar ahaan noocya ayaa isbeddel caafimaadqab ah lagu arkay markii muddo maalin kasta la siinayey 5 boqol oo miligraam oo saliid xabaasuud ah.

La dagaalanka dulinka

Tijaabooyin cilmiya oo carruur lagu sameeyey ayaa muujiyey in saliid xabad sowdadu ay wax weyn ka tarto ka takhalusidda gooryaanka. Sida oo kale midhaha xabaasuudda ayaa dila gooryaanka iyo xitaa ogxaantiisa.

Xanuunka Macaanka iyo waxtarka xabad sowdada

Xabaasuuddu waxa ay yaraysaa raadka xaaladda dadka macaanka qaba

03/05/2022

CHLORPHENARAMINE MELEATE

Faa’iidada Ay Leedahay In La Cuno Xabbad Moos Ah Habeenkii Hurdada Ka HorMooska waa  khudrad macaan oo caafimaad badan l...
27/04/2022

Faa’iidada Ay Leedahay In La Cuno Xabbad Moos Ah Habeenkii Hurdada Ka Hor

Mooska waa khudrad macaan oo caafimaad badan laga helo, waxaa ka buuxo potassium iyo magnesium, waxaa kaloo ku jira vitamin B6 iyo vitamin C. Mooska waxaa ku badan maadooyinka sun saarista ee loo yaqaan “antioxidants” oo ka hortagga cudurka kansarka.

Moosku waxa uu wanaagsan yahay hurdada waxaa ku jira macdano iyo fitamiinno wanaajiya tayada hurdada. Moosku waxaa uu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas darteed qofka waxa uu ka ilaaliya inuu gaajo la soo tooso habeenkii.

Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah “Dopamine” iyo “Catechins”, waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.

Magnesium-ta, potassium-ta iyo vitamin B6-ka ku jiro mooska waxay qofka ka caawiyaan inuu hurdo fiican seexdo habeenkii.

Murqo xanuunku wuxuu ka mid yahay calaamadaha lagu garto potassium yarida wuxuuna ku badan yahay haweenka uurka leh. Potassium-tu waxay dejisaa murqo xanuunka taas oo ka qeyb qaadata in qofku uu helo hurdo wanaagsan.

Cunnada ay ku badan tahay magnesium sida mooska waxay hoos dhigaan heerka stress-ka iyo walwalka. Walwalku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee keena hurdo la’aanta.

Macdanta magnesium waxay dejisaa maskaxda waxayna caawisaa hurdada.

Vitamin B6-ka ku jira mooska wuxuu ka gacan ka geystaa in jirku soo daayo hormoonka melatonin oo qaabilsan hurdada.

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada Fiber-ta taasoo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana uroon. Wuxuu kaloo Moosku dejiyaa laab-jeexa.

Moosku waxa uu ka qeyb qaataa kontaroolista cadaadiska dhiigga.

Moosku waxa uu awood uleeyahay in uu yareeyo ama baabi’yo lalabada. Faa’idooyinka moosku aad ayaa ay u badan yihiin, waxa aanu ka mid yahay cunnooyinka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la isticmaalo iyo in si gaar ah carruurta loogu dadaalo.

Cunnooyinka hurdada u daran ee ay tahay in habeenkii aan lagu casheynin waxaa ka mid ah:

Pizza-daKafeega ama bunkaMacmacaanka sida xalwadaCunnada basbaaska iyo filfisha leh.Hilibka badan iyo cunnada dufanku ku badan yahay sida beegerradaShukulaatadaCabbitaannada aash*tada leh (Soda)

25/04/2022

Faham U Yeelo 5 Arrin Oo Sababa Dhalmo La’aanta Raga

Rag badan ayaa iska aamusa marka ay la kulmaan xaalado ay ka mid yihiin awood la’aanta ah in aysan carruur dhali karin ama gudashada waajibaadka ay ku leedahay xaaskiisa.

Marka ay sidan dhacdo, qaar badan ayaa eedda iska wareejiya oo aan dooneyn inay arrintaas ka hadlaan.

Balse baaritaan la sameeyay ayaa muujinaya in ragga ay da’doodu u dhaxeyso 18 iyo 35 ay boqolkiiba 15 ka yihiin bulshada.

Ragga ay ku timaaddo xaaladda hammi yaraanta, waxaa baaritaanka lagu sheegay inay aad u dhibsadaan arrintaas, iyagoo ka baqaya ceebta ay bulshada kala kulmi karaan.

Marka ay sidan dhacdo, waxaa ninka ku imaan kara xaalado kale, sida dhalmo la’aanta iyo carruur la’aan.

Dr. Rasheed Adedapo Abassi, oo ka tirsan Jaamacadda Yale ee dalka Mareykanka, waxay khibrad 19 sano ah u leedahay caafimaadka ragga.

Waxay sharraxaad ka bixineysaa waxa sababaya in haweeneyda ay dhalmo la’aan la soo deristo, daaweynteeda iyo sida looga hortago.

Dr. Rasheed ayaa sheegtay in la isla xiriirin karo hammad yaraanta ragga iyo dhalmo la’aanta.

Waxay dhaqtaraddu sharraxeysaa shan xaaladood oo ragga ku keenta dhalmo la’aanta iyo daaweynteeda:

1. Jirka oo aan lahayn hoormoonnada ragga oo ku filan

Testosterone waa hoormoonka ragga kaas oo nimanka dareensiiya ragannimada halka estrogen uu yahay hoormoonka haweenka u suurto geliya inay uur yeeshaan.

Inkasta oo hormoonka Testosterone oo kaliya uusan ahayn waxa udub dhaxaaka u ah rabitaanka galmo ee raga, haddana yaraanshiyahiisa ayaa hoos u dhigeysa awoodda galmo iyo dhammaystirnaanshaha baahida loo qabo galmada. Rabitaanka oo hoos u dhaca iyo kacsiga oo yaraada ayaa ah dhibaatooyinka imaan karo marka shaqada hormoonkan ay yaraato

Sida la mid ah ragga, heerka hoormoonka estrogen ee jirka haweenka ayaa hoos u dhaca marka ay gaaraan da’da 50-ka sano.

Marka ragga la eegana, hoormoonkooda ma yaraado, balse waxay wajahaan caqabado kale oo inta badan la iska indho tiro.

2. Walbahaarka

Walbahaarka maskaxeed waa sababaha ugu badan ee dhalmo la’aanta ku keenta ragga. Waxay xaaladdan dhici kartaa haddii ninku ay caqabado ka heystaan guurka amaba meelo kale.

Waxay dhaqtaraddu ku talineysaa in qofka uu la kulmo dhakhtar ka caawiya daweynta walbahaarka iyo in xal ay ragga u helaan waxa walwalka ku haya.

3. Joogteynta Jimicsiga:

Waxay dhaqtarad Rasheed sheegeysaa in ragga ay u baahan yihiin joogteynta jimicsiga si looga hortgao dhalmo la’aanta.

”Ma ogtahay jimicsiga aan bukaannadeyda kula taliyo?.

Waxaana jiro baaritaan taageeraya taladaas taas oo aan dhihi karno waa talada ugu saxsan”, ayay tiri Dakhtaradda.

4. Waxay ka hor tagtaa kansarka ku dhaca ragga

Dr. Rasheed waxay sheegtay in joogteynta jimicsiga jirka iyo galmada ee ragga ay ka hortagaan kansarka ku dhaca xubnaha taranka ee ragga.

5. Biyo aan nadiif ahayn oo la cabo

Arrintan dad badan ayay la yaab ula muuqataa, sida ay sheegtay Dr. Rasheed.

Si kastaba, waxay sheegtay in biyaha aan nadiifka ahayn oo aysan ku jirin nafaqo, ay saameyn ku yeelato caafimaadka xubnaha taranka ragga.

31/03/2022

Address

Somali Region
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed his dawiidh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ahmed his dawiidh:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category