Home abdi ladhiif Mohammed

Home abdi ladhiif Mohammed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Home abdi ladhiif Mohammed, AIDS Resource Center, Dollo addo, Jigjiga.

Kooridherka Degmooyinka.Cayuun ayaa iyaduna laydh ku xidhay wadadii badhtanka. Tartankii iftiminta degmooyinka ayaa socd...
15/07/2025

Kooridherka Degmooyinka.

Cayuun ayaa iyaduna laydh ku xidhay wadadii badhtanka. Tartankii iftiminta degmooyinka ayaa socda. Sawir qaade unbaa ka maqan,
War tolow gobalka lipaan maxaa helay
Qaasatan magaalada hodonka ee DOLLO ADDO

"Waxaa markii ugu h**eysay Magaalada jigjiga lagasoo xareeyay dakhli dhan 1.14 Bilyan oo birr. "Mayorka Jigjiga
15/07/2025

"Waxaa markii ugu h**eysay Magaalada jigjiga lagasoo xareeyay dakhli dhan 1.14 Bilyan oo birr. "

Mayorka Jigjiga

Jigjiga: Qoyskan idiin muuqda wuxuu dhex yaalla wadada Sheekh NuurCiise. Waa hooyo loo badinayo inay Maskaxiyan xanuunsa...
15/07/2025

Jigjiga: Qoyskan idiin muuqda wuxuu dhex yaalla wadada Sheekh NuurCiise. Waa hooyo loo badinayo inay Maskaxiyan xanuunsan tahay. Waxay hadana haysata 3 caruura oo aysan xogtooda sheegaynin. Shalay Bajaj ayaa gashay. Markii Ciidanku sooo qabtayna waxaa la waayay cidkale oo lagalla xaalo, maadama hooyada loo badinayo inay xannuusan tahay.

Waxay sheegtay inay ka soo jeedo Iimay Bari, reer ahaana waxay sheegatay Ree-Aamadin.

Cid garan karta haday jirto fadlan hasoo hadasho, si caruurtaas dadkoodii loo helo. Caruurtu meesha way ku darayaysan yihiin.

Maxaa La Ansixinayaa? Waxaa maalmahan is dhex socda xoggo kala duwan oo dadka lagu dhex tuuray. Waxaa jiray daraasad la ...
15/07/2025

Maxaa La Ansixinayaa?

Waxaa maalmahan is dhex socda xoggo kala duwan oo dadka lagu dhex tuuray. Waxaa jiray daraasad la sameeyay oo la doonayo in Magaaloyinka Deeganka lagu darrajeeyo. Inta ugu badana waxaa lagu miisaamayaa waa Dakhliga iyo tirada dadwayne ee Magaaladas. 60% qiimaynta labadaas ayaa isku noqonaya. Daraasaadka waa la dhameeyay.

Waxa la li filayo in la ansixiyo waa ballaadhinta qaab-dhismeedka Maamul Magaaloyinka 6-da ah ee Deeganka ah. Hada Qabribayax, wajaale iyo Jigjiga ayaa isku qaab-dhismeed ah. Arrintaas na sax maaha. Tusaalle; Wakaallada Bilicda ee Qabribayax iyo Jigjiga oo kala tiro badan bulsho ahaan ayaa isku shaqaalle iyo qaab-dhismed ahaa. Jigjiga, waxay ahayd inay Degmo hoosad kasta ku yeellato maarreye nadaafad iyo maamulo dhamaystiran sidda AdisAbab,Hawassa iyo magaaloyinka kale.

Hadda arrintaas lixda Magaalo ayaa miiska saarran oo lagu wadaa in la darrajeeyo. 48 Magaalo ee kale wali laguma dhiiranba- markaa waad darreemi kartaa Degmo cusub iyo maamul magaalo ansixinteedu inay u baahan tahay buuq ka sii badan midka hada aan la ansixinee darrajaymta ah.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
Voss Tv

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay hadalo ka cadhaysiiyay Itoobiya, wuxuu markale sheegay inu...
15/07/2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay hadalo ka cadhaysiiyay Itoobiya, wuxuu markale sheegay inuu umalaynayo in Mareykanku uu maalgaliyay biyo xidheenka wayn ee Itoobiya ee GERD, isagoo intaasi raaciyay in biyo xidheenka Itoobiya uu yahay khatar iyo hanjabaad ku wajahan sahayda biyaha Masar.

Hadalkan wuxuu Trump ka sheegay kulan uu shalay Aqalka Cad kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO.

isla bishii h**e ee June wuxuu Trump sheegay in Mareykanku maalgaliyay biyo xidheenka Itoobiya Isla markaana uu si wayn u yareeyay qulqulka biyaha wabiga Niil.

Itoobiya waxay markasta ku celcelisaa in biyo xidheenka wayn ee GERD ay maalgaliyeen Shacabka Itoobiya oo cid kale oo dibada ah haba yaraatee waxba ku darsan mashruucaasi.

Balse hadalada Trump ayaa kusoo aadaya xili Itoobiya ay isku diyaarineyso in bilaha soo socda ay xadhiga ka jarto biyo xidheenkaasi, waxaana loo arkaa hadalo kicina oo Masar uu dhagaha ugu ridayo si ay wax u sameyso.

Waxaa la xasuustaa in Trump mudo xileedkiisii h**e uu Masar ka codsatey iney gantaal ku dhufato biyo xidheenka Itoobiya, khad telefoon oo isaga iyo Madaxweynaha Masar dhexmaray xiligaasi wuxuu ku yidhi maad qarxisaan oo aad joojisaan biyo xidheenka.

Address

Dollo Addo
Jigjiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Home abdi ladhiif Mohammed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram