29/04/2026
Shirka toddobaadlaha ah ee SBFR ayaa ka qabsoomay Cusbitaalka darajada sare ee Suldaan Sheekh Xasan Yabarre, iyadoo ay ka soo qayb galeen maamulka sare ee cusbitaalka, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, iyo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan.
Intii uu shirka socday, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka, dardargelinta wada shaqaynta shaqaalaha, iyo kor u qaadidda tayada daryeelka bukaanka.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isgaadhsiinta hufan iyo wada shaqayn joogto ah si loo gaaro adeeg caafimaad oo tayo leh.
Kulankan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxqabadka cusbitaalka iyo hubinta in bukaannadu helaan adeegyo caafimaad oo la isku halayn karo.