Daryeelka Caafimaadka

Daryeelka Caafimaadka MEDICAL KNOWLEDGE & HEALTH TIPS;
Health care, Motivational, Anatomy & physiology human, Viral reels, reels video, and short health videos.

You will get from this page a comprehensive medical knowledge of human health that will enable you to have a thorough understanding of the various systems of human health and medical conditions.

09/05/2026

Arsenal Fans — haddii ay koobkan qaadi waayaan, waxaa la filan karaa in qaar badan ay jidka tareenka isku arki doona! 😁

Ilaahayow umuuraha sahal

09/05/2026

Mucjisooyinka Jidhka Bini’aadamka see more...

𝗕𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮═══•••••═══𝗕𝗲𝗲𝗿𝗸𝘂 waa xubinta ugu muhiimsan ee jidhka aadanaha. Haddii uu hal maalin shaqada joojiyo, jiritaanka q...
09/05/2026

𝗕𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮
═══•••••═══
𝗕𝗲𝗲𝗿𝗸𝘂 waa xubinta ugu muhiimsan ee jidhka aadanaha. Haddii uu hal maalin shaqada joojiyo, jiritaanka qofka waxay geli kartaa halis weyn.

Qodobbada beerka ka dhigaya mid cajiib ah, waxaa kamid ah: ⬇️

● Beerku waa xubinta ama qanjidhka ugu weyn ee jidhka bini’aadamka. Marka laga reebo maqaarka, beerku waa xubinta labaad ee ugu weyn jidhka. Wuxuuna le’eg yahay qiyaas u dhow cabbirka kubbadda cagta. Wuxuu ku yaalaa agagaarka caloosha, gaar ahaan qaybta sare ee caloosha dhinaca midig.

● Beerku wuxuu qabtaa in ka badan 200 hawlood oo kala duwan, sida:

► Qaybinta gulukooska si maskaxdu u hesho tamar ku filan
► Wuxuu door weyn ka ciyaaraa difaaca jidhka ee ka hortagga cudurrada
► Wuxuu kaydiyaa macdanta iyo nafaqooyinka muhiimka ah
► Ka qaybgalka dheellitirka hormoonnada jidhka

Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aan la helin mashiin si buuxda u qaban kara dhammaan shaqooyinka kala duwan ee uu beerku qabto. Inkastoo mashiinka sifaynta kalyaha ee la yiraahdo 𝗱𝗶𝗮𝗹𝘆𝘀𝗶𝘀 uu qabto hawlo gaar ah, haddana ma awoodo inuu beddelo dhammaan shaqooyinka beerka.

● Dhinaca kale, beerku wuxuu soo saaraa dhiigga xilliga uurka, ka hor intaan ilmuhu dhalan. Wuxuu sifayn ku sameeyaa dhammaan dhiigga jidhkeenna. Haddii aan beerku jirin, dhiiggu ma jiri lahayn!

● Beerku waa xubinta kaliya ee awood u leh inay dib u noolaato haddii uu dhaawac ku yimaado (regeneration). Tusaale ahaan:
Haddii saddex meelood laba (2/3) laga gooyo beerka oo qof kale loo hibbeeyo, qaybta hadhay waxay dib u kori kartaa 6 ilaa 8 toddobaad gudahood, waxayna dib ugu soo noqon kartaa shaqadeedii caadiga ahayd — dabcan sidii h**e.

● Shaqada ugu muhiimsan ee beerka waa inuu mas’uul ka yahay burburinta dhammaan sunta jidhkeena soo gasha iyo ka saarida waxyaabaha aan loo baahnayn.

✍ Runtii, beerku waa mucjiso ka mid ah mucjisooyinka ilaahay!

Alxamdulillaah!

Please Share & Follow the Page

W/Q— Ahmed MediCo ✍

Akoonkeena page-ka ayaa si toos ah dib ugu soo laabtay xaaladdiisii caadiga ahayd kadib xayiraad saarneyd ku dh...
09/05/2026

Akoonkeena page-ka ayaa si toos ah dib ugu soo laabtay xaaladdiisii caadiga ahayd kadib xayiraad saarneyd ku dhawaad 10 bilood.

Annaga oo ah bahda bixisa xogaha muhiimka ah ee cilmiga caafimaadka, dhammaan waxyaabaha aan soo gudbin jirnay waxay ahaayeen kuwo loogu talagalay waxbarasho iyo wacyigelin caafimaad oo bulshada ah. Waxaan aaminsanahay in nidaamka kormeerka uu si khaldan u fasiray macnaha iyo ujeeddada qoraalladayada.

Waxaan uga mahadcelineynaa dib u eegista iyo soo celinta xaaladdii caadiga ahayd ee boggeenna.

08/03/2026

Dagaalkii 3-aad ee Aduunka 🚀✈️

08/03/2026

Dagaalkii 3️⃣aad ee Aduunka 🚀✈️ waa lagu jiraa see more...

07/03/2026

Xilliga uurka (wallaca) 😁

Kafeega ☕🧠✅️
07/03/2026

Kafeega ☕🧠✅️

Check out Ahmed MediCo’s video.

06/03/2026

Dhisidda jidhka waxaa door muhiim ah ka ciyaara cuntooyinka borotiinka leh.

As-salaamu Calaykum wa rahmatullaahi wa barakaatuh.❓Bal aan isweydiino su’aalo muhiim ah:              ⬇️1. Yaa maqlay h...
01/03/2026

As-salaamu Calaykum wa rahmatullaahi wa barakaatuh.

❓Bal aan isweydiino su’aalo muhiim ah:
⬇️
1. Yaa maqlay hadalka jidhkiisa?
2. Maxay tahay sababta jidhku u hadlo?
3. Sidee loo dhageystaa jidhka?
4. Miyey muhiim u tahay caafimadkeenna?
5. Maxaa dhacaya haddii aan iska indho-tirno?

🔝Su'aalahan oo dhan wan ka soo jawaabi doonaa inshaa Allah.

Follow garee Page-ka Daryeelka Caafimaadka🙏

Digirta waxaa lagu tiriyaa cunno faa’iidooyin badan xambaarsan, haddana la awoodi karo in la helo.  Digirta waxaa loo ya...
28/02/2026

Digirta waxaa lagu tiriyaa cunno faa’iidooyin badan xambaarsan, haddana la awoodi karo in la helo.

Digirta waxaa loo yaqaannaa “𝒉𝒊𝒍𝒊𝒃𝒌𝒂 𝒔𝒂𝒃𝒐𝒐𝒍𝒌𝒂” sababtoo ah waxay leedahay nafaqooyin u dhigma hilibka oo jidhka u muhiim ah.

Digirta waxaa laga helaa ilaa 20 walxood oo nafaqo ah, kuwaas oo kala ah: fitamiin C, fitamiin K, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B6, folic acid, kaalshiyam, bir, magniisiyam, fosfayt, bootaasiyam, zink, kobber, sleniyam, dufanka omega‑3, omega‑6, borotiin iyo tamar. Dhamaan walxahaas ayaa ah nafaqooyin muhiim u ah caafimaadka.

Intaas ka dib, faa’iidooyinka digirta ee jidhka waxaa ka mid ah:

1. Sun‑saarid (antioxidant)
2. Hagaajinta dheefshiidka
3. Dhisidda lafaha iyo murqaha
4. Ka hortagga dhiig‑yaraanta
5. Xoojinta xasuusta
6. Adkaynta lafaha iyo ilkaha

Sidoo kale Digirtu waxay yaraysaa baruurta aan jidhka faa’iido u lahayn, sidaas awgeedna waxay hoos u dhigtaa cudurrada ku dhaca wadnaha.

Digirtu waxay ka mid ahayd cuntooyinka ay Soomaalidu aad ugu dadaali jireen, gaar ahaan xilliga cashada, caafimaad badanna way ka heli jireen. Laakiin hadda, waxaad mooddaa in isticmaalkeedu ku sii yaraanayo magaalooyinka. Inkastoo waalidiintu badanaa og yihiin faa’iidada ku jirta, haddana nacaybka digirta wuxuu inta badan ka yimaadaa carruurta iyo dhalinyarada. Waxaa kale oo jira dad badan oo aaminsan in cunista digirta aysan ka mid ahayn ilbaxnimada. Taasi ayaa sabab u noqotay in aan lagu darin liiska cuntooyinka laga dalbado maqaayadaha, maadaama dalabkeedu yaryahay.

Daryeelka Caafimaadka ✅️

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryeelka Caafimaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Daryeelka Caafimaadka:

Share