Cusbitaalka Gashamo

Cusbitaalka Gashamo gaashaamo hospital where you can get your health services

GASHAMO BLOOD BANK. Xarunta kaydka dhiiga ee GASHAMO ayaa dhiig ururin ka samaysay Cusbitaalka gaashaamo halkaas oo dhak...
03/05/2026

GASHAMO BLOOD BANK.
Xarunta kaydka dhiiga ee GASHAMO ayaa dhiig ururin ka samaysay Cusbitaalka gaashaamo halkaas oo dhakhaatiirta , shaqaale weynaha iyo qaarka mid ah maamulka Cusbitaalka ay dhiigooda ugu deeqeen bangiga dhiiga ee gashamo.
Shaqaalaha cusbitaalka Gashamo Ayaa si joogto ah ugu deeqa Dhiiga Kaydka Dhiiga Gashamo

Mahad celin  iyo sagootin.Xaflad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDS,...
18/04/2026

Mahad celin iyo sagootin.

Xaflad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDS, maamulka degmada, odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada degmada Gashaamo ayaa ka qabsoontay gudaha cusbitaalka guud ee gaashaamo.

Xaflada oo ahayd mahad celin iyo sagootinta mareeyihii h**e Dr. Xamse cumar oo helay fursad waxbarasho iyo soo dhawaynta maareeyaha cusub mudane mohamed ahmed ibrahim( kheyre).

Dhamaan xubnaha madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka maareerihii h**e uguna duceeyay in alle u fudaydiyo hayaankiisa waxbarasho.
mareeyaha h**e ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadiyado kala duwan.
Ugu dambayma masuuliyiimta ka socotay xafiiska caafimaadka DDS ayaa u kala wareejiyay xillka mareeyaha h**e iyo maareeyaha cusub.

Siciid maxamed muxumed
HRM head.

Hambalyo maareeyaha cusub ee cusbitaalka guud ee Gashamo mudane mohamed ahmed ibrahim( kheyre) iyo  medical director kii...
14/04/2026

Hambalyo maareeyaha cusub ee cusbitaalka guud ee Gashamo mudane mohamed ahmed ibrahim( kheyre) iyo medical director kiisa Dr. Abdikani kuwas oo losoo magacaabay boosaska Kor ku xusan kadib markii uu maareeyihii h**e Dr. Xamse cumar helay fursad waxbarasho.


14-april-2026
Siciid maxamed muxumed
Madaxa shaqaalaha cusbitalka.

Cusbitaalka Guud ee Gaashamo ayaa ku wareejiyay xarunta caafimaadka   qalabkii iyo daawooyinkii   block daroor iyo shaqa...
09/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Gaashamo ayaa ku wareejiyay xarunta caafimaadka qalabkii iyo daawooyinkii block daroor iyo shaqaale loo tababaray, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyay tabarbarka ku qaadanayay cusbitaalka gashamo.
xarunta ayaa fulin doonta qaliinada aan caadi ah u dhali karin taas oo hada si toos ah u bilawday shaqada.

Waaxda shaybaadhka ee cusbitaalka Guud ee Gashamo ayaa lagu soo kordhiyay mashiinka casriga ah ee baadha dhiigaga kalyah...
01/04/2026

Waaxda shaybaadhka ee cusbitaalka Guud ee Gashamo ayaa lagu soo kordhiyay mashiinka casriga ah ee baadha dhiigaga kalyaha, beerka iwm ( fully autamated chemistry machine) kaas oo ay iska kaashadeen xafiiska caafimaadka DDS iyo cusbitaalku ( matching fund).
Mashiinkan ayaa ahaa mid baahi weyn loo qabay.

Daroor: waaxda farsamada ( biomedical unit) ee cusbitaalka guud ee gaashaamo ayaa dhamaystirtay xidh-xidhitaanka (instal...
25/03/2026

Daroor: waaxda farsamada ( biomedical unit) ee cusbitaalka guud ee gaashaamo ayaa dhamaystirtay xidh-xidhitaanka (installation) qalabka OR-ka degmada daroor.
Kaas oo dhawaan shaqada bilaabi doona.

Xafiiska jidadka ayaa waddo 1km u u bilaabay  cusbitaalka gashamo taas oo uu qorshaheeda uu lahaa xaafiska  caafimaadka ...
18/03/2026

Xafiiska jidadka ayaa waddo 1km u u bilaabay cusbitaalka gashamo taas oo uu qorshaheeda uu lahaa xaafiska caafimaadka DDS.
Wadada ayaa cusbitaalka ku xidhaysa magaalada.

Xildhibaan maxamed jamaac weyne ayaa cusbitaalka Guud ee  Gaashaamo ku wareejiyay  khashaafadaha waaweyn ee laydhka kuwa...
18/02/2026

Xildhibaan maxamed jamaac weyne ayaa cusbitaalka Guud ee Gaashaamo ku wareejiyay khashaafadaha waaweyn ee laydhka kuwaas oo lagu qurxin doono wadada cusbitaalka hormarta.
Xildhibaan maxamed jaamac wayne ayaa ku suntan caawinta iyo taagerada guud ahaan degmada gaar ahaana cusbitaalka.
Maaha markii koobaad balse shantii sano ee u dambaysay waxaa mar wallba uu soo gaadhsinayay qalab, xidhiidhinta qurbajoogta iyo cusbitaalka iyo inuu xoojiyo ka qayb galka bulshada ee horumarka ( community resource mobilization).

Xafiiska Caafimaadka DDS gaar ahaan waaxda daaweynta iyo baxnaanadda ayaa ka daahfurtay aalada casriga ee hanaanka adeeg...
12/02/2026

Xafiiska Caafimaadka DDS gaar ahaan waaxda daaweynta iyo baxnaanadda ayaa ka daahfurtay aalada casriga ee hanaanka adeeg bixinta farmasiga loogu badalayo mid Digital ah (e-APTS) cusbitaalka guud ee Gashamo.

Adeeggan e-APTS ayaa sahlaya inay bukaannadu wakhti kooban ku helaan adeeg tayeysan islamarkaana cusbitaalka u fududeynaysa inay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa dawooyinka, iyada oo sido kalena abuuraysa adeeg islaxisaabtan iyo cadcadaan leh.
Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

U diyaar garowga bisha barakaysan ee ramadan.Kaydka dhiiga gashamo ( Gashamo Blood Bank) ayaa dhiig ururin balaadhan kas...
12/02/2026

U diyaar garowga bisha barakaysan ee ramadan.

Kaydka dhiiga gashamo ( Gashamo Blood Bank) ayaa dhiig ururin balaadhan kasoo maseeyay , , , -saalax iyo iyada oo duulayo in inta bisha ramadaan lagu jiro aanu kaydka dhiig yaraani ku iman.
Waxaanu u mahad celinaynaa dhamaan maamulka iyo shacabka magaalooyinkaas ee sida hagar la'aanta ah uga qayb qaatay dhiig ururintaasi.

Daroor: Cusbitalka guud ee Gaashaamo, focal-ka caafimaadka ee gobolka jarar iyo maamulka degmada daroor ayaa gaadhay xar...
08/02/2026

Daroor:
Cusbitalka guud ee Gaashaamo, focal-ka caafimaadka ee gobolka jarar iyo maamulka degmada daroor ayaa gaadhay xarumaha caafimaadka degmada daroor ee Daroor, rabaso iyo abokor.
Socdaalkan oo ahaa sidii xarumaha looga taageeri lahaa adeeg bixinta iyo tababarada meelaha u baahan, maadama oo dhawaan u bilaabmayo caymiska caafimaadka ee degmadu.
Kooxda xaga cusbitaalka ka socotay ayaa ahaa medical director ka cusbitalka, madaxa waaxda tayada ( quality and clinical governance) iyo waaxda shaybaadhka.
Ugu dambayna maamulka cusbitaalka iyo madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada ayaa wada galay heshiiska caymiska caafimaad kaaso oo qoysaska diwaan gashani adeeg dhamaystiran ka heli doonaan cusbitaalka guud ee gaashaamo.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitaalka Gashamo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Cusbitaalka Gashamo:

Share

Category