Cusbitaalka Gashamo

Cusbitaalka Gashamo gaashaamo hospital where you can get your health services

27/11/2025

*🌍 Dhaqdhaqaaqa Dhiig-bixinta Afrika Iyo Itoobiya oo Gacmo Furan uga Qayb Qaadanaysa Yool Qaran

*Sabtida, 20-ka Hidar / 29-ka Nofeembar, 2025*, Itoobiya waxay si rasmi ah uga mid noqon doontaa ololaha qaaradda Afrika ee dhiig-bixinta, oo sanadkan Hal.kudhig Looga Dhigay
*“Maalin Mid ah, Ujeeddo Mid ah, Qaarad Mid ah.”*

Ololahan heer-qaradeed iyo heer-Dal ah wuxuu hiigsanayaa in uu kobciyo dhaqanka dhiig-bixinta mutadawacnimada ku dhisan. Dowladda Itoobiya waxay dejisay yool qaran oo ah in la ururiyo 4,000 o Qandi oo dhiig ah hal maalin gudaheed*, taasoo ah dadaal muujinaya u heellanaanta badbaadinta nolosha muwaadiniinta.

*Waa baaq naf-badbaadin ah oo loogu yeerayo dhallinyarada, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowladda iyo kuwa madaxa bannaan, si wadajir loogu guto waajibaadka bini’aadantinimo.

💉 *Hooyo kasta waxay xaq u leedahay in aysan u dhiman dhiig la’aan.Darteed
đź’‰ *Dhiiggu waa naf Badbaadin Iyo rajo.
đź’‰ *Ku deeq dhiig Si Bukaanada Ubahani U Helaan Dhiig Diyaarsan Kuna Filan

Waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad noqoto qeyb ka mid ah ololahaan qiimaha leh,

GASHAMO BLOOD BANK

Keydka dhiiga Gaashaamo ( Gashamo blood bank) ayaa dhiig ururin ka sameeyay dugsiga sare ee CAARE SECONDARY SCHOOL,  ard...
14/11/2025

Keydka dhiiga Gaashaamo ( Gashamo blood bank) ayaa dhiig ururin ka sameeyay dugsiga sare ee CAARE SECONDARY SCHOOL, ardayda ayaa dhiigooda ugu deeqay kaydka dhiiga.

Mashruuca balaadhinta Cusbitaalka guud ee  Gashamo.Kulan balaadhan oo ay isagu yimaadeen  ganacsatada , odayaasha iyo ma...
08/10/2025

Mashruuca balaadhinta Cusbitaalka guud ee Gashamo.

Kulan balaadhan oo ay isagu yimaadeen ganacsatada , odayaasha iyo maamulka Cusbitaalka ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee Cusbitaalka guud ee gaashaamo.
Shirkan oo ku saabsanaa dar dargalinta dhismaha dabaqa cusub ee Cusbitaalka kaas oo lagu dhisayo ka qayb galka bulshada, dhamaan xubnaha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dhismaha la iska kaashado isla markaana lagu dhamaystiro mudada loo qabtay.
Ugu dambayna waxaa la isla gartay in la aas-aaso gudi si gaar ah u maamuli doonta qadhaanada kala duwan ee kala iman doona gudaha degmada, qurbajoogta iyo heer deegaan.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Waxaa qaliin loogu sameeyay cusbitaalka guud ee gaashaamo hooyo lahayd fiix makaan ( myoma) badan kuwaas oo tiradoodu dh...
07/10/2025

Waxaa qaliin loogu sameeyay cusbitaalka guud ee gaashaamo hooyo lahayd fiix makaan ( myoma) badan kuwaas oo tiradoodu dhamayd 9 xabo.
Xaalada hooyada ayaa aad u fiican.

OR team.
Dr. Israel (MD, assistant professor of obstetrics and gynecology)
Anastasia: saed nur adam, abdisalem aliyi.
Assistant: dawit
Scrub nurse : mulusew
Runner: soresa

07/10/2025
Cusbitaalka gaashaamo oo ahaa primary hospital ayaa si rasmi ah maanta loogu dalacsiisay General Hospital . FMHACA oo qi...
09/09/2025

Cusbitaalka gaashaamo oo ahaa primary hospital ayaa si rasmi ah maanta loogu dalacsiisay General Hospital .
FMHACA oo qiimayn ku samaysay Cusbitaalka ayaa u dalacsiisay General Hospital ama cusbitaal Guud.

Cusbitaalka gaashaamo ayaa kamid ahaa Cusbitaaladii isbadalka kadib shaqada bilaabay kaas oo hada jira 5 sanno.
Allah ka sokow waxaa mahadnaq Mudan shaqaale weynaha Cusbitaalka gaashaamo oo u dhabar adaygay shaqada baaxada leh ee Cusbitaalka.

26/08/2025
Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDS Dr muse ahmed ibrahim ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab kala duwan...
08/08/2025

Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDS Dr muse ahmed ibrahim ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab kala duwan oo muhiim ah oo uu soo gaadhsiiyay Cusbitaalka, qalabkaas oo ay usoo wakiisheen qurbajoogta dalka ingiriiska iyo ururka oo gadhwadeen ka yihiin xusen wadaad yare , cabdilahi saleebaan bide iyo cismaan xaashi.
Qalabka oo iskugu jira qalabka lafaha,dopler ultrasound, OR tables(4 table), qalabka qaliinada guud( major and minor sets) ,qalabka MCH ka, qalabka lagula socdo xaalada deg dega ee bukaan (patient monitors), CPAP( mashiinada neefta), mashiinada wadnaha ( Electrocardiography), mashiinka suuxdinta ( anesthesia machine ) iyo qalab kale oo muhiim ah.

Maxamed jaamac weyne ayaa ah xubin firfircoon oo isku xidhay qurbajoogta iyo cusbitaalka taas oo wax badan suurta galisay, isaga oo horena uga qayb qaatay keenis qalab cafimaad.

Ugu dambayna maamulka Cusbitaalka ayaa shahaado sharaf ku maamuusay garyaqaan maxamed jaamac weyne taas oo uu ku mutaystay garab istagaa iyo ka shaqaynta danta guud.

Waftii Sare oo uu hogaminayo Wasiirka xafiiska caafiimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim ayna waheliyaan Wasiir Kuxigeenka xa...
06/08/2025

Waftii Sare oo uu hogaminayo Wasiirka xafiiska caafiimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim ayna waheliyaan Wasiir Kuxigeenka xafiiska caafiimaadka Mudane Maxamed Ayaanle Xassan Wasiir kuxigeenka maaliyaada Mudane Muxiyadin Abdi Farax xildhibaano Masuliyin kasocotay gobolka jarar , masuliyiinta cusbitaalka gaashaamo , Garyaqaan maxamed jamaac weyne, odoyaasha dhaqanka ee degmada gaashaamo , ganacsato iyo xildhibaanada heer deegaan ayaa xadhiga kajaray warshada oxygenta cusbitaalka gaashaamo iyo farmasigan casriga ee bulshada ( model community pharmacy).
Wasiirka oo kormeer ku sameeyay waaxaha kala duwan ee Cusbitaalka, kaydka dhiiga iyo dhismaha balaadinta Cusbitaalka ayaa madasha ka sheegay inuu Cusbitaalku buuxiyay darajada Cusbitaal guud (General Hospital), yahayna cusbitaaada ugu adeega wanaagsan deegaanka.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ganacsatada iyo qurbajoogta doorka ay ku lahaayeen Warshada oxygenta iyo keydka dhiiga ( blood bank ), kuna dhiirigaliyay inay sii wadaan taagerada ay siiyaan cusbitaalka iyo xarumaha kale ee Caafimaadkaba.

Wasiirka iyo maamulka Cusbitaalka ayaa si wadajir u gudoonsisiiyay shahaado sharaf gamacsatada iyo xildhibaanada qaybta weyn ka qaatay warshada oxygenta.

Ugu dambayna wasiirka ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab ay cusbitaalka ugu deeqeen qurbajoogta dalka ingiriiska , qalabkaas oo isna wax weyn u tari doona adeeg bixinta cusbitaalka.

Qiimaynta cusbitaalada deegaanka oo jigjiga ka socotay sedexdii cisho ee u dambaysay ayaa Cusbitaalka gaashaamo  lagu ab...
18/07/2025

Qiimaynta cusbitaalada deegaanka oo jigjiga ka socotay sedexdii cisho ee u dambaysay ayaa Cusbitaalka gaashaamo lagu abaalmariyay ka dhabaynta xoojinta adeegyada Caafimaadka, ku xidhida bulshada Cusbitaalka, ka qabygalka bulsho ee horumarinta Cusbitaalka iyo inuu tusaale u yahay Cusbitaalada kale ee deegaanka.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.
15/07/2025

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitaalka Gashamo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Cusbitaalka Gashamo:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category